Heerkulka Badaha Oo Sidii Laga Filayey Si Ka Xawaare Badan U Kordhay 13% Iyo Sababta Keentay

0
518

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in xawaaraha uu ku socdo kor u kaca heerkulka badaha waaweyni uu boqolkiiba 13 ka dheeraynayo sidii hore loo moodayey, taas oo ah calaamad kale oo inoo sheegaysa khatarta isbeddelka cimilada.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika soo akhriyey oo natiijadeeda Jimcihii ina dhaafay lagu daabacay majaladda Science Advance ayaa sheegaysa in tijaabo lagu sameeyey xawaaraha uu heerkulku ku socday Shan iyo Kontonkii sano ee u dhexeeyey 1960-kii illaa 2015-kii laga arkay in xawaaraha uu ku socdo korodhka heerkulka badaha waaweyni uu muddadaas si muuqata kor ugu sii kacayey, illaa uu gaadhay in sannadkii 1992-kii uu heerkulku laban laab ka bato intii uu ahaan jiray sannadkii 1960-kii.

Daraasaddani waxa ay muujisay in markii la soo gaadhay sannadkii 1990-kii uu heerkulku si aan hore u jirin hoos ugu dhaadhacay biyaha guntooda illaa 7 boqol oo mitir.

Badaha waaweyn ayaa hal-beeg muhiima u ah qiyaasta korodhka heerkulka adduunyada, maadaama oo in ka badan  boqolkiiba 90 heerkulka dheeraadka ah ee dhulku uu aakhirka gaadho badaha waaweyn. Sidaa awgeed in la ogaado heerkulka badaha oo si xawaaraha u sii kordhayaa waa farriin sheegaysa in heerkula dhulku uu si muuqata kor ugu sii socdo.