Hay’adda THET oo Qabatay Tababar Kor Loogu Qaadayo Adeegyada la siiyo Bukaanka

0
462

Thet (2)Hargeysa (Geeska)- Hay’adda caalamiga ah ee THET, ayaa aqoon is-weydaarsi u xidhay 15 xubnood oo loo tababaray inay dhakhaatiirta cusub ee ka baxay jaamacadaha dalka baraan u-adeegista dadka bukaanka ah.

Xubnaha tababarku u dhammaaday oo ka kala socday gobollada Maroodi-jeex, Togdheer, Awdal iyo Sool, ayaa la siiyey khibrado iyo duruux la xidhiidha sidii ay dhakhaatiirta ka baxa kuliyaddaha caafimaadka ee Jaamacadaha Cammuud, Burco iyo Nugaal loo bari lahaa diyaarinta xaaladaha bukaanka.

Xaflad loo sameeyey xidhitaanka tababarkaas waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adda THET, kuwaasoo ka hadlay muhiimadda tababarrada noocan ah u leeyihiin caafimaadka iyo adeeg-siinta bukaannada.

Drs. Maryan Cabdillaahi Daahir oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda THET, ayaa faahfaahin ka bixisay ujeeddada hay’adoodu ka leedahay qabashada aqoon is-weydaarsigan oo ay sheegay inuu yahay mid muhiimad weyn u leh ilaalinta xaaladaha bukaanka iyo sidii dhakhaatiirtu warbixin sugan uga diyaarin lahaayeen xaaladda qofka xannuunsanaya.

“Tababarkan wuxuu ahaa mid bareyaasha ama macallimiinta caafimaadka qaar ka mid lagu barayey sidii ay dhakhaatiirta cusbitaallada ka shaqeeya u bari lahaayeen sida bukaanka looga diyaariyo warbixin caafimaad, waayo waxa dhacda had iyo jeer in bukaanka ku jira cusbitaalada dalka qaar ka mid ah markuu dhakhtar soo maraba uu meel cusub ka bilaabo xaaladda bukaanka. Si markaa looga baxo arrintaas waxay macallimiintani bari doonaan dhakhaatiirta in bukaanka marka cusbitaalka la keeno laga diyaariyo warbixin la xidhiidha xaaladdiisa xannuun, dhaktar kastoo yimaadna uu warbixintaas ka sii qaado halka ay taagnayd, siina raaco xaaladda bukaanka waxa ku kordhay iyo waxa iska beddelay, iyadoo taasi sahli doonto in gargaar fiican la siiyo qofka bukaanka ah.

Muddada aqoon is-wedaarsigan socday wixii ka soo baxay waxa lagu soo ururiyey buug, kaasoo ay ka faa’iidaysan doonaan dhakhaatiirta aan nasiibka u helin aqoon is-wedaarsigan,” ayey tidhi Drs. Maryan Cabdillaahi Daahir.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Xuseen Axmed Xaaji oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka, kaasoo si weyn u soo dhaweeyey tababarkan la siiyey xubnaha kala ka socday qaar ka mid ah gobollada dalka, isagoo tibaaxay in tallaabadan wax weyn ka beddeli doonto qaabka loogu adeego bukaanka lagu daweeyo cusbitaallada, waxaannu u mahadceliyey Hay’adda THET oo uu sheegay inay garab taagan tahay wasaaraddiisa Caafimaadka, isla markaana ka faa’iidaysan doonaan tababarkan hay’addu bixisay.