Bandhig Dhaqameedka Is-Dacaayadaynta Qawmiyadaha Burkina Faso Waa Hab Fududeeyey Is-Dhexgalka Bulshada

0
593

Soomaalidu Wax Ma Ka Baran Kartaa?..Waxaa diyaariyey: Kamaal A. Ali

Hargeysa (Geeska)– Dadka Dalka Burkina Faso iyo dalal badan oo ku yaalla Koonfurta lama-degaanka weyn ee Afrika waxa ay caan ku yihiin in Hannaan maadays iyo kaftan ah ay u maraan isu soo dhowaynta dadka kala qawmiyadaha iyo qabiilooyinka ah ee dalalkaas ku dhaqan iyo is-dhexgalka guud ahaanba qaybaha bulshada.

Waxaa jirta munaasabad dhaqameed ay maalmo la yaqaanno isugu yimaaddaan aftahanno, dhaqan-yaqaanno iyo dad kaftanka xariif ku ah oo laga soo xulay dhammaan qawmiyadaha wada dega dalka Burkina Faso, kadibna inta ay fagaare isugu yimaaddaan ay qolo kastaa soo bandhigtaa hab-dhaqankeeda fiican, anshaxa quruxda badan ee ay u marto arrimaha kala duwan ee nolosha, waxa ay kaga wanaagsan yihiin qawmiyadaha kale iyo waxa ay ku diidan yihiin ama ku burinayaan wax yaabaha qawmiyadda ka soo horjeeddaa ku faanto. intaas kuma ekaato ee qolo kastaa waxa ay badka soo dhigtaa dhaqannada ay u aragto in aanay habboonayn ee qawmiyadaha iyo qabiilooyinka kale, gaar ahaan kuwa ay sida aadka ah u xilfiltamaan. Qof kastaa isaga oo aan ka cabsi qabin jawaab ficil ah iyo colaad lagula kaco ayaa uu si kaftan ah oo laab furan uu uga hadlaya arrimo aad xasaasi u ah oo uu ku sheegayo qawmiyadda kale.

In kasta oo ereyada la isweydaarsanayo iyo kaftannada la isku durayaa ay yihiin kuwo mararka qaarkood xanaf leh, culays iyo nacaybna ku keenaya qolada lagu sheegayo, amaba ay dhici jirtay munaasabaddan ka hor in qawmiyaddaasi ka dagaallanto ereyadaas, haddana imika cidi kama baqayso in ay gacan ka hadal kaga jawaabto. Hoggaan dhaqameed kasta iyo ruux kasta oo qawmiyaddan la ceebeeyey ka tirsani, si uu u ilaaliyo dhaqanka wanaagsan, isagana dhowro in qawmiyaddiisu ay noqoto midda cadhoota ee madashaa wadhidu ka raaci doonto, waxa uu ku qasban yahay in uu weerarkaas afka ah ku qaabilo qosol iyo kafan, jawaabta uu u hayana ceelka keeno.

Isu-soo-baxa noocan ahi waxa uu ahaan jiray isu-soo-bax xilliyeed dadka caadiga ah ku koobnaan jiray, isaga oo intan ka yar kana xasaasiyad yar, laakiin muddo dheer kadib waxa uu isu beddelay bandhig la jecel yahay oo ay xiisihiisa sugi kari waayaan dadka jecel kaftan iyo maadayska, iyo kuwa wax ka qora dhaqamada bulshooyinka dunida ku dhaqan, dad badanina kaftanka iyo hadallada Ila-qosolka ah ee ay qabiilooyinku isku durayaan iyo guud ahaanba dhaqamada bulshooyinka isu yimi ay ka sameeyaan qoraallo xiise badan oo ummado kale oo ka baxsan dalka Burkina Faso ay akhristaan kana qaataan duruus.

Isu soo baxani ma’aha mid lagu mashquulo ciyaaro-dhaqameedka iyo dacaayadaha qawmiyaduhu is dhaafsanayaan oo keliya, balse waxaa dhinaca kale hareer socda oo isagu si hoose u u socda dadaal ay qawmiyad kastaa doonayso in ay ku samaysato isbahaysi iyo xulafo, taas oo wax ka taraysa dhaqaalaha, siyaasadda iyo iskaashiga deegaannada qawmiyadahaas, marar badanna saamayn ku leh xitaa siyaasadda guud ee qarankooda. Tusaale ahaan munaasabaddan waxaa ka aburma isbahaysiyo iyo saaxiibtinimo dhex marta qawmiyado kala duwan oo laba iyo ka badan oo kastaaba sida ay isu-fahmaan ama isugu dan noqdaan ay isu xulafaystaan sannadkaas, lagana yaabo in uu noqdo isbahaysi waara, laakiin sannad kasta wacadkiisu dib u cusboonaanayo.

Xeeldheerayaasha cilmiga bulshada ee ka faallooda isfahamka iyo is-dhexgalka bulshooyinka kala dhaqanka ahi waxa ay sheegeen in bandhig dhaqameedkan qawmiyadaha Burkina Faso uu kaalin weyn ka qaatay is-dhexgalka bulshada, xooojiyey wada noolaanshiyaha nabdoon iyo is-fahamka bulshada, meeshana ka saaray colaadda gacan ka hadalka keeni jirtay iyo xinfiltanka uur xumada reeba, waana sababta munaasabaddan looga dhigay mid qaran oo aan ku koobnayn hoggaanka dhaqanka, balse illaa heer qaran ay dawladda dalku abaabusho, lacag badanna ku bixiso agaasinkiisa iyo qabsoomiddiisa.

Haddaba faa’idooyinka munaasabad dhaqameedkan xiisaha badan ee dalka Burkina Faso ka dhasha waxaa ka mid ah:

Marka qawmiyad kasta ceebteeda ay jeclayd in ay qarsato bannaanka la soo dhigo, laguna celceliyo aakhirka waxa ay noqotaa arrin dhaqan ah oo aanay dadka qawmiyadaha kale iyo qawmiyadda lagu sheegayo qudheeduba u arkin ceeb, balse inta ay xasaasiyaddii meesha ka baxdo kaftan lagu dhaafo, waana sababtaas ta keentay in culimada cilmiga bulshadu ay ku adkaystaan in dhaqankani uu abuurayo isu soo dhoweynta qawmiyadaha iyo qabiilooyinka kala dhaqanka ah iyo nabad ku wada noolaanshiyahooda, kana dhalato midnimo qaran, iyo  in khilaafka iyo ismaan dhaafku yaraadaan, lagana dheeraado qaybsanaanta iyo kala fogaanshiyaha.

Waxa ay meesha ka saartaa kala sarraynta ay qawmiyaduhu ku andacoodaan dhaqan ahaan, maadaama ooo ay hadda ogolyihiin, in mid la yaso iyo mid laan-dheere ahiba ay fagaare soo wada joogsadaan, mid kastaana kan kale duro, lagana yaabo aakhirka in qawmiyad weyn ama dhaqan ahaan nasab sare sheegata laga badiyo, oo mid ay qarniyo badan xaqiri jirtay ay jid caddaha ku riddo.

Saxafi ka qayb galay munaasabad dhaqameedka noocan ah oo ay warkiisa baahisay shabakadda internet ka ee Moheet waxa uu sheegay in laba dacaayadood oo madashaas ka dhacay ay aad u soo jiiteen, ta koowaad waa ay ahayd markii fannaan u dhashay Burkina Faso oo isagu ka soo jeeda qawmiyadda Mossi, inta uu masraxa soo fuulay erey kaftan ah ku duray qawmiyadda Samo, oo uu ku sheegay in ay yihiin qawmiyadda bilaa camalka, isaga oo ugu duurxulayo caajis iyo karti darro”

Sida caadiga ah cid kasta oo munaasabaddan wax lagaga sheegaa waxa ay iyaduna xaq u yeelanaysaa in ay dacaayaddaas ka jawaabto isla markaana ay markeeda weerarto ciddaas soo hujuuntay, inta badanna dadku sida ay isugu aadayaan ayaa ay isugu jawaabaan. Sidaa awgeed, Fannaankaas waxaa u jawaabay fannaan kale oo isna ka soo jeeda  Samo, kaas oo  inta uu masraxa fuulay yidhi, “Qawmiyadda Mossi, madaxnimo jacaylkeeda  iyo caqli xumada awgeed, waxaa dhacday in koox ka mid ah oo beri ceel dheer ku wada dhacay, halkii ay ka ahayd in ay ka fikiraan habka ay ceelkan uga soo badbaadi karaan, ay isku qabsadeen, iskuna dhex dileen, kadib markii ay ku heshiin waayeen kooda madax u noqonaya inta kale ee ceelka gudihiisa kula jirta”

Professor Magloire Sumi oo ku xeel-dheer taariikhda diinta, ee casrigan bare-sarena ka ah jaamacadda magaalada Ouagadougou (Waga-duugo) caasimadda dalka Burkina Faso ayaa isaga oo ka hadlayey faa’idooyinka bandhiggan bulshada u yeelan karo waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Kulankan kaftanka isu-soo-dhoweynta loo bixiyey, waxa uu ka mid yahay arrimaha dejiyey xiisaddii iyo cadhadii dalka Burkina Faso oo dhan ku baahay 3dii Jeenaweri 1966kii”

Baroofesarku oo hadalkiisa sii wadaa waxa uu ka sheekeeyey, kacdoonkii qawmiyadaha ku salaysnaa ee dalkaas ka dhacay xilligii uu talada talada hayey madaxweynihii ugu horreeyey iyo gaar ahaan markii ay dalkaas ka dhaceen kacdoonnadii sababay in uu madaxweyne Maurice Yameogo xilka ka tago, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu Professor Summi yidhi, “Markii ay ururradii shaqaaluhu ku kaceen dawladdii madaxweynihii koowaad ee Burkina Faso, waxa qasab noqotay in ay soo farageliyaan janaraalladii, gaar ahaan  Abu-bakar Sangoule oo isagu ka soo jeeda qawmiyadda Samo oo iyadu tiro yar, balse ay inta badan is xulafaystaan qawmiyadda dalkaas ugu tirada badan ee Mossi, gaar ahaanna ay iskaga dhowyihiin dhinaca dacaayadaha kaga imanaysa qawmiyadaha kale. taas ayaana ah sababta Abu-Bakar u fududaysay in uu xukunka qabsado iyada oo aanu dhiig ku daadan, waayo is xulafaysiga dhaqan ahaan u dhexeeyey labada qawmiyadood ayaa xeer ka dhigaya in si kasta oo ay dhexdooda isu khilaafaan, ay qasab tahay in xal nabad ah la gaadho, si aanu ninkani kursiga u waayin”

Haddaba su’aashu waxa ay tahay, maadaama oo dalka Burkina Faso uu yahay kan ugu dhow ee hab-dhaqankiisa iyo qaab-dhismeedkiisa bulsho inta badan lagu masaalo Soomaalida, suurtogal ma’ tahay in ay Soomaalidu duruus ka barato? Jawaabtu waa akhriste kasta iyo maskaxdiisa.