Lacag Suuqa Lasoo Galiya Xal Uma Noqonayso Dhibta Sicir-Bararka W/Q Yaasiin Calase

0
135

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa sheegay in ay suuqa soo galin doonan lacag Doolar ah si ay wax uga qabtaan arinta sicir-bararka ee dalka ka jirta. Lacagtaas oo aan xadigeeda la sheegin inta ay tahay ayaa dadka qaar ku sheegayaan in ay tahay 15 Million.

Hadaba su’aashu waxay tahay: Lacagtaasi dhibta miyay wax ka qabanaysa?

Hadii aan si kooban uga jawaabao su’sha. Lacagta ay suuqa soo galinayso dawladdu, wax ay ka tarayso dhibta jirta ee qiimo-dhaca lacagta shillinka ma jirto iyo sicir-bararka toona. Ee waa xumad jabin ee dhibtii wali waa halkeedii!

Waxa aad mooda tan iyo intii dhibta sicir-bararku ay ku bilaabantay dalka, taas oo ay sababtay qiimo dhaca ku yimid lacagta shillin in ay dawladdu qaadaysay go'aano laab lakac iyo aqoon daro ka muuqato. Oo ay isku dayayso in ay wax kaga qabato dhibta oo ay xal ugu hesho sicir-bararka baahsan ee dalka ka jira.

Lakiin dhamaan talaabooyinkaas ay qaaday dawladdu wax ay katareen dhibtii oo muuqda ma jirto ilaa hada. Lamana filaayo in ay wax ka tari doonto sicir-bararka. Sababta oo ah waxa ay xalka u aragto marwalba dawladu ayaa ah wax aan sax ahayn oo ay cid aan aqoon u lahayn ay katalo bixinayso ama usoo yeedhiso.

Maanta waxa aynu ka warhayna in suuqa aad ugu yaryahay lacagta Dollarku, dadkun aad ugu baahan yahay Dollarka maadama oo wax kasta aynu dibada ka keensano. Taasina ay aad kor ugu qaadayso in lacagtii Dollarka ahayd ee dalka dibada uga baxaysay ay ka badato lacata inaga soo galaysa dibada (Outflow current) dhanka kalena lacagtii inaga soo galaysay dibada ay yaraatay.(Inflow currency) marka waxa aynu ku jirnaa (negative current account)

Waxa iyana dhinac socda in lacagta Shillinku ay suuqa aad ugu soo badanayso maalinba maalinta ka dambaysa oo ay dawladdu suuqa soo galinayso maalin walab lacag cusub oo ay soo daabacday oo waliba ah laba noodh oo kala ah Slsh1,000 iyo Slsh5,000. Taasin ay suuqa lacagta ee Shillinka ka dhigayso in uu bato oo lacagta suuqa sabayso, arintaasina ay shillinka sii qiimotirayso.

Marka maaha in ay dawladu soo galiso suuqa lacag badan oo shillin ah hadana ay tidhaa waxaan qiimo u yeelayaa shillinka Somaliland. Taasi waa wax aan suuro gal ahayn ee wasiiradu dib ha isugu noqoto. Dhibtan waxa keenay waxa weeye qalad ay gashay Wasaardda Maaliyaddu oo mudo soo jiitamaaysay ilaa mud shan sano ah oo ay dawladdu si aqoon daro ah gaar ahaan wasaaradda Maaliyaddu ay lacag shillin ah u soo daabacaysay taas oo dhamayd 45 Billion sanad walaba kana muuqatay miisaaniyadda qaranka.

Waxa weeya marka ay dawladu suuqa soo galiso lacag Dollar ah ee ay ku badalato Shillin waa in ay shilinkii suuqa aanay dib ugu soo celin oo uu ka maqnaada oo laga xareeya si suuqa lacagta shillinku ugu yaraado qiimahii shillinkuna kor ugu koco.. Lakin markiba dawladdu waxa ay ku bixinaysa mushahaar. Lacgtii Dollarka ahaydna waxa ay u baxaysa dibada oo ganacsatadu waxan ay iibinayso waxa ay kasoo iibsata dibada waxaana ay ku soo iibsata Dollar. Marka lama odhan karo qofka Dollar dalka haka saarin. Si uu  qiimo u yeesho shillinku waa in suuqa laga saara lacag badan oo shillin ah, laguna xareeya Baanka Dhexe.

Waxa aynu ognahay in aanu shayga ku qiimaysan Dollar aanu qaaliyoobin ama aanu samayn sicir bararku. Lakiin waxa uu saameyay waxa weeye agabkii iyo adeegi lagu iibinaayay Slsh. Maanta Hargeysa wax walba oo ku qiimaysnaa Dollar waa sidiisi ama wax yar ayuu kacay oo ah intii uu awalba kici jiray sicir-bararbku. Laakiin shaygii ku qamaysnaa Shillinka ayaa qaaliyoobay kadib markii shillinku qiimo belay ee uu suuqa ku batay. Sababtana waxa iska leh qiimo-dhaca shillin Dawladda gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda oo sida aan soo sheegay si idho la’aan ah u soo daabacday lacag shillin ah mudo shan sano ah.

Marka waxa aynu arkayna waa dhibtii Lacagtaas lasoo daabacay oo ilaa hada ay dawladu soo daabacayso bilaa sabab iyo bilaa aqoon.

Waxna ka tarimayso lacagta maanta suuqa lagu sii daayay dhibta jirta waxaana aynu arki doona bisha dambe iyo bilaha kasii dambeeya isaga oo gaadhay $100 hal million iyo wax ka badan. Hadaan habdhaqanka guracan ee wasaaradda maaliyadd wax iska badalin.

Waxa aan kula talin laha dawladda si mudada dhow wax looga qabto dhibta qiimo dhaca shillinka talooyinkan soo socda:-

in aanay lacag dambe soo daabicin Wasaaradda Maaliyaddu.

In ay lacgta ay soo daabacday ee taala Baanka ka joojiso in ay suuqa soo galiso oo anaay mushahaarka iyo kharashka dawladda toona lagu bixin lacagtaas.

In ay dawladdu lacagta ay maanta ku badalanayso 15 Million markaay ku soo xaraysato shillin in ay lacagtaas ka saarto gabi ahaanba suuqa lacagtasna lagu kaydiyo Baanka Dhexe in mud ah inta lacagta Dollarku suuqa ku soo badanayso ee xoolaha la furaayo.

Waa inay Baanka dhexe si bile ah uga saara lacag shillin ah suuqa si lacagta shillinku suuqa ugu yaraato oo qiimaha shillinku kor ugu kaco.

Waa in Baanka Dhexe yeesha lacag kayd ah oo Dollar ah si loogu dajiyo suuqa marka ay u baahdaan oo uu uga baxa lacagta uu suuqa kasoo amaahayo. Waayo taasi waxa ay keenaysa in aanu hadhow la xisaabtami Karin shirkadii daymisay iyo in uu ganacsatadii ku keenayo in ay maalgashiigi yareeyayn waxa loo yaqaan (Crowding out).

Waa in dawladdu ka yeelata siyaasad cad sidii kor loogu qadi lahaa wax soosaarka dalka sida beeraha iyo warshadaha oo looga maarmi lahaa waxa aynu dibada kasoo joofsano in badan oo kamid ah.

Waa in si dhakhso ah loo kiciya warshadii sibidhka si aynu lacagta adag ee inagaga baxaysa sibidhku ay inoogu baaqi garowdo.

Waa in la dardar galiya mashruuca dib u habaynta maamulka maaliyadda dawladda (PFM Project). Mashruucaas oo faa’ido weyn u leeh qaranka lakiin fadhiid noqoday markii hal qof uu noqday qofka wada ee gacanta ku haya iyo wasaaradda maaliyadda oo aanay ka gonayn in ay hirgaliso mashruucaas oo mudo fadhiid ahaa in si toos ah loo dhaqaajiyo dad aqoon u lehna looga dhigo madax.

Mr. Yasin Calase. Senior Lecturer at University of Hargeisa