Hay’adda Candlelight Oo Ka Qabatay Ollalaha Ka Dhanka Ah Tacadiyada Haweenka Maroodijeex Iyo Saahil

0
511

Hargeysa (Geeska)- Xubno ka mid  ah Hayada Candlelight  oo eey weheliyaan guddida la dagalaanka gudniinka fircooniga ah ee degmada sheikh ayaa ka qaby galay Ollalaha 16 cisho ee tacdiyadda haweenka, Guddidan oo ka koobnayd culimo, dhalinyar, haween iyo xirfadley caafimaad, ayaa qeyb ka ahaa xuska 16ka cisho ee ollolaha tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo ay hayadda Candlelight ka qabatey deegano ka tirsan gobolka maroodijeex oo kala ahaa Darasalaam, biyo shiinaha, jaleelo, Xamuradley iyo Laaya iyo degmada Shekh ee gobolka Sahi.l kuwaas oo ey kulano kula qaaten waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo haweenka deeganadaasi.

1

 Ugu horeynba waxa dadweyanaha deeganadasi faahfaahin ka siiyey socdaalkoodan ay ku soo gaadhen deeganadan Cali maxamuud (Ali-Qaran)i iyo Marwo Amuun Aadan oo ah xubno ka tirsan hayada Candlelight.

Waxana ugu horeynba hadalka qaatey Marwo Amuun aadan waxana hadaladedii ka mid ahaa “ waxanu ka soo kicitaney mgaalada Hargeysa waxananu idiinku nimid si aan aqoonteena isugu weydaarsan lahayn sidaan u dabar goyn laheyn caadadan xun ee gudniinka fircoonigaa ah,  inagoo ku jirna 16 ka cisho ee ollalaha la dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka  iyo dabargoyntooda waxana manta nasiib u yeelaney iney inoo joogan xubno inooga soo kicitamey magalada sheikh kuwaas oo eey ka mid yihiin mihnadlaysha caafimadka ee degnadaasi, culamidii, dhalinyaradii , iyo haweenka degmadasi sheikh ee gobolka saaxil oo inala wadaagi doona khbradooda iyo siday u shaqeeyaan”

Intaasi ka dib isna waxa si rasmi ah aqoon is weydaarsigan u furey Cali Maxamuud (Ali-Qaran) oo ka mid ah xubnaha hayadda candilight waxanu hadalkiisa ku bilaabay “ maanta waxan isugu nimid si aan isaga wacyigalino tacadiyada ka dhanka ah haweenka gaar ahaan gudniinka gabdhaha  taaso aynu ku jirno 16ka cisho ee la dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka, waxanad muddada kulanku socdo isla falanqeyn doontan dhibaatoyinkan iyo sida lagu dabargoyn karayaba shantan xubnood ee guddiga oo iyagu ku guuleystey iney kala dagalaamaan deegankooda degmada sheikh ee gobolka Saaxil waxanan rajeynayaa inad si qoto dheer u falanqeyn doontan dabargoynta gudniinka gabdhaha”.

Dhankooda iyaguna waxa halkaasi ka Hadley guddiga la dagaalanka gudniinka fircooniga ah ee ka soo kicitimey magaalada sheikh oo si qoto dheer u faahfahiyey dhibaatooyinka uu ka hayo gudniinka fircoonigii gabdhaha waxney sheegen inuu yahey caado loo bahan yahey in laga takhaluso guud ahaanba dalka isla markana waxey ku wacyigaliyeen bulshada in gudniinka  fircooniga ah aanu melena kaga jirin diinta islaamka ee uu yahey wax ka soo farcamey gaalkii weynaa ee fircoon isla markaana loo bahan yahey in bulshadeeu ka qeyb qaadato dabargoyntiisa waxeyna bulshada xasuusiyeen dhibaatoyinka hawenka soo gaadha wakhtiga dhalmada ee uu sababo gudniinka fircooniga ahi.

Dhinaca kale bulshada deeganadaasi laga fulliyay olallaha FGMka ayaa uga mahadceliyey hayadda candlelight oo ay ku tilmaamen iney marwalba ka shaqeyso ka wacyigalinta bulshada ee waxyaalaha dhibaatada ku haya isla markaana ay Hayda Candlelight u taagantahay u adeegidda shacabka Somaliland ee dhinacydadda caafimaddka, waxbarashada iyo Deegaanka,  waxey kaloo bulshadu u mahdceliyeen xubnaha guddiga la dagalanka gudniinka fircooniga ah ee uga soo boqooley degmada sheikh si ay ula wadaagaan aqoontooda iyo khibradooda ku saabsan wacyigalinta iyo la dagalnak gudniinka gabdhaha.

Ugu danbeyntina  waxey balan qaaden bulshooyinka ku dhaqan deegnadda Darasalaam, biyo shiinaha, jaleelo, Xamuradley iyo Laaya iney ka qeyb qadanayan dabrgoynta caadoyinkan xun waxeyna qireen iney kulanadii wacyigalineed ee hore ee ay hayada candilight hore uga fulisey deegandani iney qeyb weyn ka qaadatey dabargoynta iyo cidhibtirka cadooyinkan xun-xun.

Dhanka kale Ollahan tacadiyada ka dhanka ah haweenka ayaa ayaa iyana lagu qabtey Degmada Sheikh ee Gobolka Saaxil kulankan wacyigalineed oo lagu soo bandhigey qaab majaajilo ah oo dadweynaha loogu bandhigayay  dhibaatooyinka uu haweenka u geysto gudniinka fircooniga ahi.

Kulan majaalida  ah ee ka qabsoomey degmada shekh ee gobolka saxil oo qeyb ka ahaa  ladagalanka 16 cisho ee olalaha tacadiyada ka dhanka haweenka waxa hadal ka soo jediyey Cabdiraxman Ismaacil masuulka hayada candilght ee degmada sheikh waxanu bulshada ugu baaqey iney gacmaha isu qabsadan dabargoynta caadoyinkan lagu dhibaatenayo haweenka.

Kulanadan ayaa ka mid ahaa kulanadii wacyigalinadii eey hayada candilght kaga qeyb galaysey 16 cisho ee ollalaha tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee Gobolada Maroodijeex iyo Saahil.