Super Data Oo Xadhiga Ka Jartay Xarunteeda Guud Oo Dib U Habayn Lagu Sameeyey

0
990

Hargeysa (Geeska)- Shirkada Caanka ah ee SUPER DATA TECHNOLOGY ayaa Shalay xadhiga ka jartay xarunteeda guud oo lagu sameeyay dib u habayn casri ah, dhinaca kale shirkadu waxay soo kordhisay agab cusub oo la xidhiidha dhinaca IT-ga, Sercurity-ga iyo xisaabaadka,

1

Shirkada Super Date Technology oo ka kooban sadex qaybood oo kala ah Iibka

Computerada,Furnitureska xafiisyada iyo furntureka guryaha ayaa waxa ay macaamiisheeda u soo kordhisay  qalabkii ugu dambeeyey oo noocwalba leh.

Xafladan loo qabtay furitaanka dib u habaynta xarunta Super Date Technology ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Mudane CaliKayse Cumar Axmed  oo ka warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee ay Shirkadu soo martay iyo in ay ku talaabsatay horumar la taaban karo mudadii ay jirtay, waxa isna halkaasi ka hadlay Sh. Maxamed Aadan Muxumed oo ku amaanay maamulka shirkada horumarka ay sameeyeen uguna duceeyaya in illaahay u barakeeyo ganacsigooda, Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Bangiga Dahabshiil Maxamed siciid kana sheekeeyay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya laba shirkadood.

Waxa isaguna hakaasi ka hadlay xoghayaha Rugta Ganacsiga Mudane Ibraahim Ismaaciil Cilmi 

Ugu dambeyntii waxa xadhiga ka jaray wasiirka wasaarada ganacsiga jamhuuriyada Somaliland Dr Cumar shucayb maxamed, isaga oo faah faahin ka bixiyay faa iidada ay leedahay Technologyadu, kuna amaanay shirkada SUPER DATA TECHNOLOGY hor umarka ay kutalaabsadeen iyo qalabka cusub ee kala duwan ee ay soo kordhiyeen.