Hay’adda Bisha Cas Ee Imaaraadka Oo Iid-siisay Qaar Ka Mid Ah Agoonta Dalka

0
635

Hargeysa (Geeska)-Hay’adda bisha ee cas ee Imaraadka Carabta ayaa ka farxisay  isla markaana xaqul iid siisay qaar ka mid ah Caruurta Agoomaha ah ee Xaadaha Daami iyo State House-ka, si ay farxada ula qeyb sadaan Caruuraha kale munaasibada Iida darteed.

Hay’addan ayaa barnaamujkan ay ku iidsiinayso Caruurta yar yar ee agoonta ah ee danyarta ah ka soo bilaabay Gobolka Awdal, Shalayna xaqal Iidkii siiyey Gobolka Maroodi-jeex, isla markaana u gudbi doono Gobolada kale ee dalka, sida Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag, iyaga oo doonaya inay ka farxiyaan isla markaana xaqul iid siiyaan Caruurta Agoonta ah ee degan Goboladaas.

Munaasibadii Shalay lagu bixinaayey Caruurta Agoonta ah ee Xaafadaha Daami iyo State House-ka lagu siinayey xaqal Iidka ayaa waxa ay ka dhacday Shiraaqle Hotel, Munaasibadaas oo 180 caruur ah Xaqal Iidka lagu siinayey, ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada,Boqor Axmed Iimaan, Suldaan Xiiray,  Siciid Saalax Faarax iyo Marwo Sahra Xasan oo ka tirsan Masuuliyiinta Hay’adda Bisha Cas ee Imaraadka, Agaasimaha Bisha Cas ee Somaliland, Caruurtii Agoonta ahaa ee Xaafadaha Daami iyo State-house-ka iyo Hooyooyinkood.

Guddoomiye ku xigeenka Xuquuqul Isaanka Somaliland Liibaan Ismaaciil oo isagu ugu horeyn Munaasibadaas oo ka mid ah Masuuliyiintii soo ururiyey Caruurtan yar yar ee Agoomaha ah, ayaa sheegay inay sida u kala liitaan u soo ururiyeen, isla markaana si cadaaladi ku dheehan tahay u soo ururiyeen, waxaanu yidhi “Caruurtan yaryar ee Agoonta ee Xaafada Daami sida ay u kala jilicsan yihiin ayaanu u soo ururinay,Caruurtii yaryareed ee Agoonta ahayd ee aan waxba haysan, ee dan yarta ahaa ayaanu soo ururinay, soona xulnay,si cadaalad ah ayaana hawshan u galnay, una dhameeynay”.

Siciid Saalax Faarax, oo ka mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Hay’adda, ahna Wakiilka Hay’addan ee Imaraadka, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah Caruurta Agoonta ee reer Somaliland, ay u qeybin doonaan Lacag xaqal Iid ah, waxaanu sheegay inay hadda Gobolada Awdal iyo Maroodi-jeex hawshan ka fuliyeen, isla markaana Gobolada kale ee dalkana tagi doonaan, waxa kale oo aanu wadnaa barnaamuj aanu doonayno in aanu wax ku barno Caruurta yaryar ee Agoonta ah ilaa heer Jaamacadeed, si joogto ah ayaana ula socon doona hadba xaaladoodu halka ay maraysana waanu eegi doono”.

Marwo Sahra Xasan oo iyana halkaas ka hadashay oo iyadu Lacagtan soo ururisay ayaa sheegtay inay mar walba Hay’adoodu garab taagan tahay sidii ay wax ugu qaban lahayd Agoomaha waxaanay tidhi “In la takuleeyo oo waxa lala qabto Caruurta yar yar ee Agoonta ah ee Aabood dhintay ayaa wanaagsan, Anagu Hay’ad ahaana arintaas waanu ku dadaalnaa, haddana waxa aanu wadna oo aanu muddo dheer wadnay Barnaamuj Waxbarasho oo ilaa heer Jaamacadeed ah oo aanu ku daryeelayno kuna ilaalinayno mustaqbalka Caruurta yar yar ee Agoonta ah, ee aan awoodin inay Lacag is bixiyaan, waxaana Hooyooyinka kula talinaya inay tarbiyada iyo mustaqbalka Ubadkooda ilaaliyaan, waxaana barnaamujkan ka bilaabi doono dhamaan Gobolada dalka oo dhan”. Suldaan Yuusuf Xiiray oo isna halkaas ka hadlay ayaa Ganacstada kala duwan ee Somaliland ugu baaqay inay kalaafo qaataan oo ay wax la qabtaan Caruurta yar yar ee Agoonta ah, waxaanu yidhi “Waxaan Hay’adda Bisha Cas ee Imaraadka uga mahadnaqaya farxada ay ka farxisay Caruurta yaryar ee agoonta ah, waxaana Ganacstada reer Somaliland oo aan qabo inay wax tari karaan kalaafo qaadan karaana Caruurta yar yar ee Agoonta ah inay hoos u eegaan oo ay wax la qabtaan”.    Boqor Axmed Iimaan,Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Agaasimaha Bisha Cas ee Somaliland, Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada iyo Wasiirka Ciyaaraha oo iyana halkaas hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa mahadnaq iyo amaan u soo jeediyey Hay’adda Bisha Cas ee Imaraadka Carabta gaar ahaan Marwo Sahra Xasan iyo Siciid Salaax Faarax, iyaga oo uga mahadnaqay sida wanaagsan ee  ay u garab taagan yihiin ugana caawiyeen Caruurta yar yar ee Agoonta Xaqal Iidka iyo qorshaha cusub ee ay waxbarashoodooda.

Ugu dambeyntiina waxa Munaasibada soo xidhay oo Lacagtii xaqal Iidka gudoonsiiyey Caruurtii yaryar ee Agoonta Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxaanu sheegay ka warmay qiimaha uu leeyahay Agoonku, kheyrka uu leeyahay guriga lagu xanaaneeyo Agoonka iyo dhibaatadu uu leeyahay guriga lagu dhibaateeyo Agoonku, waxaanu u mahadnaqay Hay’adda Bisha Cas ee Imaraadka Carabta, isaga oo ILLAAHAY SWT kheyr iyo duco uga baryey.