Hargeysa: Biyo Yaraan Ka Taagan Xaafado Magaalada Ka Tirsan

0
541

Picture1Hargeysa (Geeska)-Biyo yaraanta muddooyinkii dambe haysata dadweynaha kala  duwan ee ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa sii kordhaysa, gaar ahaan Degmooyinka Gacan Libaax, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe oo aan helin biyo ku fulin, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Cabashada Biyo yaraanta dadweynaha ku dhaqan Saddexdan Degmo  ayaa sii kordhaysa kadib markii ay waayeen biyiihii ay hore u heli jireen oo marka horeba kaltan ahaa. Khadar  Axmed Cabdilaahi oo isagu ah odey ku dhaqan Degmada Maxamuud Haybe, ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin nolosha kowaad ee bila’aadanka, waxaanu biyo la’aanta ku dhaliilay Xukuumadda, waxaanu yidhi “Biyuhu waa nolosha kowaad ee bila’aadanka, waxaana anigu u arkaa biyo yaraanta soo waajahday Degmooyinka Maxamuud Haybe, Gacan Libaax iyo Axmed Dhagax, masuuliyad daro ka timid Xukuumadda, maxa yeelay wax walba Xukuumadda ayaa ka masuul ah, marka inta ay Xukuumaddu ku mashquulsan tahay sameeynta Waddooyinka waxa wacan inay xooga saarto biyo soo saarka, oo ay ka fikirto sidii dalka oo dhan biyo loogu heli lahaa, Biyaahana ka horeeya Waddooyinka”. Cabdifataax Xuseen Cali oo isaguna degan Degmada Axmed Dhagax, ayaa sheegay in markii hore biyaha ay heli jireen labadii habeenba, habeen, balse hadda aanay wax biyo ah helin, waxaanu yidhi “Ugu yaraan Sannad ka hor Biyaha waxa aanu helin jirnay Labadii habeenba, habeen, balse hadda afartii habeenba habeen ayaanu helnaa, taas oo aanu walibana ku helno dirqi, ,haddana marka ay bishu dhamaato lacag aanana jirin oo aanan isticmaalin ayaa la I weydiiya, haddii aan Lacagtaas bixin waayaana Qasabada waa la iga jaraa”.

Masuuliyiinta wakaaladda biyaha Hargeysa oo aanu shalay ku booqanay xarunta wakaaladda si aanu biyo yaraanta Hargeysa ka taagan uga waraysano ayaanay noo suurtogelin inaanu la kulano.

Magaalada Hargeysa ayaa waxa haysata masiibo dhinaca biyo yaraanta ah. Inkastoo uu wakhtigan jiro dedaal ay xukuumadu sheegtay inay biyo ku gaadhsiinayso xaafado cusub, haddana arrinta biyo yaraanta ayaa 10-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dhibaato shacabka haysata.