Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Golahooda Ka Difaacay Dhaliilo Loo Soo Jeediyay

0
562

Picture1Hargeysa(Geesk)-Xildhibaano ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ayaa iska difaacay eedaymo ay u soo jeediyeen Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka waxaanay golahaas ku tilmaameen mid aan sharci ku dhisnayan.

Sida oo kale waxa ay golahaas u soo jeediyeen in albaabada golaha wakiiladu uu u furan yahay si ay u soo gudbiyaan dhaliilaha u muuqda,isla markaasna ay dalka uga tudhaan inuu galo xaalad buuq ah isaga oo ka soo baxay doorashadii deegaanka oo ahayd mid dhib badan.

Ugu horayntii xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Yaanle oo kulankaas ka hadlay ayaa difaacay jirtaanka golaha wakiilada qirayna in aadmaha ay wax ka dhinaan karaan,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Waxaanu halkan kalmado kooban ka odhanaynaa hadal baryahan warbaahinta si xooga u soo galay oo rag qarankan iyo anagaba qiimo nagu leh ay baahiyeen oo anaga golahayagana si toosa u taabanayay oo ay dhaliil badan u soo jeediyeen ilaa la gaadhsiiyay maba jiraan golayaashii, aadamaha dhinaasho ayaa lagu abuuray oo dhaliilana waa uu yeelan karaa hawshiisana waxna waa uu qaban karaa waxna waa uu dhimi karaa,laakiin ma jiro golahii waxaanu leenahay anagana nama qabto golahana ma qabto,doorashooyinkii  golaha laba jeer ayay dib u dhaceen duruufo ayaa se keenay.gole ahaan waxaanu u aragnaa in golahaasu uu yahay mid sharciyada baalmarsan.”

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi ayaa isagu dhankiisa aad u dhaliilay golahaas shacabkana talooyin u soo jeediyay   “Waxaan odayaasha leeyahay odayaal aan laxejeclo badan u qabno ayaad tahiin wali wakhti idinkama tagine hadii waxan aad ka hadasheen ay yahiin mabda idinku taagan ee aanay ahayn wax dalka lagu khal khal galinaayo golahii wakiiladu waa idiin diyaar waynu doodi karnaa oo waanu idinla eegi karnaa waxii toosin iyo talo ah golahan ayaa sharci u leh ee maaha golahiina,golahan sharcig u lehna diyaarbuu u yahay in uu idin dhagaysto.dad weynahana waxaan  leeyahay dalkani maanta waxa uu marayaa marxalad kala guur ah  waanad ogtahiin shirarka dabada ka socda iyo cadawga meel walaba inoo soo fadhiya nabad galayadiina iyo isku duubnaantiina ilaashada hadii gole la sameeyo iyo hadii ururo ay samaysmaan iyo hadii ay jabhadaba inagu sii abuuraan mid walba diyaa u noqda inaad nala difaacdaan inaga oo isku duuban shacabka,golayaasha iyo xukuumadaba.” 

Ugu danbayntii xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa sheegay in su’aalo badan layska waydiinaayo golahan,waxaanu ka hadlay xildhibaanku aragtidiisa la xidhiidha golahaas  “Runtii kooxdan hadalka inagu furtay waxaan u arkaa qof ramadaan hadhimo sameeyay,waa bil ramadaan oo hadalku ma fiicna,su’aalo badan ayay u baahan tahay in layska waydiiyo sharciyada golahan, dastuurkeenu waxa uu baneeyay inay cidii siyaasad ka hadlaysaa ay xisbiyadaas kala galaan,waxaanan u arkaa golahan sharci daro,waxaan is leeyahay waxay halkaas ka uriyeen oo ay gudoomiyahii Xaqsoor u soo ka xaysteen in wali qoladii reer Axmed Dhagax uu buuq ku sii hadhsan yahay,waxaanan leeyahay qalyahii reer Xaqsoor Siyaasadii waa ay barteen,buuq danbe oo ay u noqonayaana ma jirto sidii qolo hore ugu guurtay mar danbe ugu guuri mayso,waxanan leeyahay dalkiiina uga tudha buuqa iyo nasasho la’aanta.”