SOLJA Oo Markii U Horeysay Saxaafadda Qoraalka Ah Tartan U Qabanaysa

1
618

Picture1Hargeysa (Geeska) – War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo wada saareen SOLJA iyo hay’adaha qaramada midoobay ee barnaamijkan maalgalinaya ayaa u qornaa sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) waxa ay ku casumayaan warfidiyeenka Somaliland inay soo dalbadaan oo ay soo gudbiyaan araajida ka qaybgalka abaalmarinta warbaahinta Somaliland ee sannadka 2013 taas oo lagu xoojinyao arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo bini’aadaminada dalka. Abaalmarinta waxa taageeraya hay’adaha UNDP, UNFPA, OCHA and UNESCO.

Abaalmarinta Warbaahinta waxa lagu qiimeeyaa oo laguna aqoonsadaa shaqo wanaagga, hirgelinta mabaadii’da saxaafadda wanaagsan iyo sida loogu adeegsado wararka warbaahinta. Abaalmarintani waxaa ujeeddadeedu tahay in lagu aqoonsado dadaalka Suxufiyiinta Somaliland ee kobcinta dareenka ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadaminimada ee guud ahaan dadweynaha. Abaalmarintan waxaa la siinayaa suxufiyiinta Somaliland ee Afsoomaaliga ku shaqeeya ama wax ku tabiya taas oo looga dan leeyahay in la dhiirri geliyo mihnad warbaahin oo xooggan, firfircoon, mas’uulna ah oo waxtar u leh Shacabka Somaliland” .

“Xidhiidhiyaha Gargaarka ee Hay’adaha Qaramada Midoobay, Philippe Lazzarini, waxaa uu yidhi “ warbaahin xor ah oo xirfadyahan ah waxa ay asaas u tahay horumarka. Marka ay jiraan suxufiyiin si wacan u tababaran oo maskax-maal ah oo bixiya xog lagama maarmaan ah iyo aqoon,  ayaa muwaadiniinta Somaliland ay awoodi karaan in ay u halgamaan horumar dhaqaale, isla-xisaabtan iyo hufnaan (transparency). Abaalmarinta Warbaahinta Somaliland waxaa lagu sharfaa tayo-wanaagga mihnadeed, waxaana lagu aqoonsadaa dadaalka suxufiyiinta Somaliland ee kobcinta dareenka ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadaminimada ee guud ahaan dadweynaha.”

Codsiyada u tartmaidda abaalmarintan waxaa lasoo gudbinayaa ugu dambayn 6da Novembar 2013. Wariyaasha guulaysta waxa lagu dhawaaqayaa 10ka December waxaana lagu casumayaa guulaystayaasha xaflado abaalmarin oo la qaban doono laguna aaddin doono maalinta Xuquul Aaadana, 10ka December 2013, xafladahaas waxa lagu qaban doonaa Caasimada Somaliland, xafladahaas waxa qabanqaabin doona Ururka Suxufiyiinta Soomaliland (SOLJA), oo gacan ka helaya UNDP, UNFPA, OCHA and UNESCO.

Weriyaasha wax ku qora wargeysyada ama website-yada  ka soo baxa Somaliland ayaa loogu yeedhayaa ama lagu casumayaa in ay soo diraan qoraalladooda ama warbixinnadooda ku saabsan mid ka mid ah  arrimaha abaalmarinta lagu bixinayo ee soosocda: Gender, Carruurta iyo dhallinyarada, helidda adeegyada asasiga ah iyo saxaafadda waxbaadhista. Warbixinaha ama sheekooyinka la soo gudbinayaa waa in ay Af soomaali ahaadaan.

Sheekooyinka ama warbixinnada guulaysta waxa dooranaya guddi ay ku jiraan suxufiyiin rug caddaa ah oo khibrad dheer leh iyo wakiillo ka socda warbaahinta iyo sidaa oo kale khubaro isgaadhsiin oo ka tirsan ururrada Qaramada Midoobay ee taageeraya ama ka qaybqaadanaya barnaamijka abaamarinta. Suxufiga ku guulaysta mawduuciiba waxaa uu helayaa abaalmarin ka kooban qalab weriye shahaado sharaf.

Ka Qeybgalka Barnaamijka.

Dhammaan suxufiyiinta ku habboon ee ka qaybqaadan kara ayaa lagu casumayaa in ay soo gudbiyaan warbixinnadooda ama sheekooyinkooda saxaafadeed ee ku saabsan mawaadiicda abaal marinta lagu bixinayo ee kala ah:

•             Jenderka

•             Carruurta iyo Dhallinyarada

•             Helidda Adeegyada Asaasiga ah

•             Baarista saxaafadeed (Investigative journalism)

Warbixinnada lasoo gudbinayo waa in email lagu soo diraa laguna hagaa jiyaa email-kan  somalimediaawards@gmail.com, ugu dambaynta ilaa habeenbarka 6th November 2013 ilaa (GMT + 3).

Shuruudaha Guud ee laga doonayo warbixinnada la gudbinayo (General criteria):

•  Warbixinnada ama sheekooyinka saxaafadeed waa in ay Af-soomaali yihiin. Warbixinnada (stories) lagu soo jeediyo ama ku qoran   Af-ingiriis la aqbali maayo.

•   Guddiga abaalmarinta oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Qaramada Midoobay iyo ururrada la shaqeeya, suxufiyiin ruugcaddaa ah ayaa xulaya weriyaha ku guulaysta mawduuciiba iyada oo xulashada lagu salaynayo arrimaha ah:  ku habboonaanta wadciga iyo wax-ku-oolnimada mawduuca la doortay ee sheekada ama warbixinta laga qoray; tayada iyo asalnimada hab ama tub saxaafadeedka la raacay; dhabnimada ama saxnaanta hawsha baadhitaan; dadaalka la geliyay gudbinta sheekada/sheekooyinka; madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada sheekada; dheellitirnaanteeda iyo saamaynta wanaagsan ee ay sheekadan warbixineed yeelan karto. Garsoorayaashu guddigu waxa ay ee gayaan oo ay si gaara uga xulanayaan, qaybaha ama xubnaha sheekada ee xalka xambaarsan. Qormooyinka ama warbixinnada la soo gudbinayo waa in ay yihiin kuwo lagu daabacay wargeys ama website ka soo baxa Somaliland muddadii u dhaxaysay 1 October 2012 and 30 September 2013.

•  Weriyaasha Somaliland ee dalka ka hawlgala oo keliya ayaa loo oggol yahay in ay ka qaybgalaan tartanka abaalmarinta.

Habraaca Soo gudbinta:

•  Sheekooyinka/warbixinnada waxa lagu gudbinayaa email, waxaana loo dirayaa email-kan somalimediaawards@gmail.com inta u dhexaysa 23rd October – 6th November 2013 ee saqda dhexe saacadda Geeska Afrika ( 00.00 GMT+3)

•   Agabka la gudbinayo waa in ay ahaadaan qaabka soo socda:

o  Somaliland; waxyaabaha la soo gudbinayo waa qodoobbo qoraal ah: qoraal Word ah ama Pdf ku qoran iyo  sawir shaashadda kombiyuutarka laga qaaday iyada oo qoraalku saaran yahay ahna muuqaalkii saxda ahaa ee qaabkii wargeyska ama websiteka uu ugu soo baxay.

•  Barnaamijka la soo gudbiyey waa in aad soo raacisiin form-ka oo buuxa, isla markaana uu/ay soo buuxiyey/say suxufiga ama saxafiyada.  Marka formka la buuxiyey la soo diro, waxay ka dhigan tahay in saxafiga iyo warbaahinta barnaamijka laga sii daayayba ay ogol yihiin in barnaamijka la soo gudbiyey dib loo daabici karo oo kali ah  arrimo la xidhiidha Kaltanka.  Barnaamijka Abaalmarinta Sanadeedka Warbaahinta 2013 xaq uma laha ina iibiyaan barnaamij la soo gudbiyey gacan saddexaad.

•   Haddii qormada ay qoraalkeeda tiro dad ah ka qeyb qaateen, waxaad ku dari kartaa magacyada dheeriga ah dhamaadka formka.

Comments are closed.