SOMTEL Oo Xarun Ka Furatay Baligubadle

0
507

 

Picture2Baligubadle(Geeslka)-Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Somtel ayaa xaflad ballaadhan kaga dhawaaqday furitaanka xafiiska shrikadda Somtel ee magaallada Balli Gubadle ee xarunta Gobalka Hawd.

Munaasibadda xafladdaasi oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay waxa hadalo ka jeediyay maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi waxaanu sheegay inay dadka ku dhaqan Gobalka Balli Gubadle iyo Degmada Sallaxley ka duwan yihiin dadka ku dhaqan Goballo kale oo Somaliland,Mr.Cawil waxa uu sheegay inay dadka reer Balli Gubadle markii hore warbixintoodu ku ekayd inay ka daawadaan Website-yada balse ay maanta wixii ka dambeeya bulshada reer Balli Gubalde iska daawan doonaan dalka iyo dibadiisaba “ Markii hore dadka reer Balli Gubadle waxay iska daawan jireen oo kaliya Balii Gubaldle.com balse maanta waxay iska daawan doonaan Balli Gubadle iyaga oo jooga’ ayuu yidhi Maareeyaha Somtel Cawil Saalax Cabdi. Dhanka kalana waxa uu ka dhawaajiyey inay Shirkadd Somtel tahay shirkaddii bulshada gaar ahaand dadka danyarta ah,waxaa isaguna gaba gabadii madashaasi ka hadlay Sudlaanka guud ee beelaha reer Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxaanu sheegay inay shirkadda Somtel tahay mid qaran balse aanay shuqul ku lahayn raad qabiil iyo mid reereed toona “dadka waxaan leeyahay xagga jaba haw yaacaan” ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa isna ka hadlay xafladaas SOMTEL.Maayarka Magaalada Baligubadle ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu soo dhaweeyay furitaanka xafiiska cusub ee shirkadda SOMTEL.