“Jaamacadda New Generation Waxay U Qalantaa In La Siiyo Shahaado Caalamiya”

0
3428

Picture2Hargeysa (Geeska) – Cabdifataax Maxamed Maxamuud, oo ka mid ah ardayda Jaamacadda New Generation, waaxdeeda Magaalada Hargeysa, ayaa amaanay hanaankii ay u dhacday qalin-jabinta  dufcaddii koowaad ee ka baxday Jaamacadda waaxdeeda Magaalada Hargeysa.

Cabdifataax Maxamed Maxamuud, waxa uu sheegay in dufcaddii koowaad ee ka qalin-jabisa jaamacadda waaxdeeda Hargeysa ay ku qalin-jabiyeen xarunta midowga Afrika ee Magaalada Addis-ababa isla-markaana ardaydii ka baxday ay calanka Somaliland dhex geeyeen calamo badan oo ay wateen arday ka socday wadamo badan oo Afrika ah.

Qoraal kooban oo uu Cabdifataax Maxamed Maxamuud xalay soo gaadhsiiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa u dhignaa sidan “Sida la ogsoon yahay waxa bishan bilawgeedii xaflad qalin jabin arday jaamacadeed ah oo ka dhacday xarunta ururka midawga afrika ee AU ee Magaalada Addis-ababa  xaflad ay lahayd jaamacada new Generation waxaana ka qayb-galay xafladaa si ardayda reer Somaliland ee wax ka dhigta jaamacada new Generation qaybteeda Hargaysa halkaasoo ay kula qalin jabiyeen arday ka kala socotay wadamo badan oo afrikaan ah calankeenina lagu taagay goobtaasoo ay yaaleen calamo badan, Hadaba waxaan leeyahay jaamacadda New Generation ee Hargaysa gaar  ahaan mulkiilaha Cabdicasiis Maxamed Yuusuf, waad ku mahadsan tihiin waxaad qabateen wax u dhigma aqoonsigii Somaliland waxay calankeeni geeyeen meel in la geeyo daaye aan xataa wasiiradeenu  galin sidaa darteed jaamacada New Generation waxay u qalantaa in la siiyo bilad ama shahaado caalamiya iyadoo dadkii goobta fadhiyay dhamantood ay u riyaqeen Somaliland iyo ardayda ka socotay”