Hargeysa: Kulan Ku Saabsan Kor U Qaadida Cafimadka Carruurta Dugsiyada

0
864

 

caaafimaaka

Hrgaysa(Geeska) Xaflad lagu furayay mashuuc kor loogu qaadayo caafimaadka ardayda dhigata dugsiyada hoose dhaxe ee gobalada Maroodi Jeex,Awdal iyo Saaxil ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaarada waxbarashada.

Mashruucan oo ay iska kaashadeen hayada UNICEF iyo ururuka wadaniga ah ee HEAL isala markaasa ay ka soo qayb galeen xubno ka socday wasaaradaha waxbarashada iyo Caafimaadka, ayaa lagu grofeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa caafimaadka caruurta yar yar ee dugsiyada dhigat si kirtaankooda jidheed iyo maskaxeedba ay u noqdaan kuwo u socda si caadiya.

Ugu horayntii gudoomiyaha ururuka wadaniga ah ee Heal xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo isagu sharaxaad ka bixyay mashruucan kor u qaadida caafimaadka caruurta dugsiyada dhigata ayaa waxa uu yidhi “Waxa weeyaan maanta wax aynu isugu nimid in aan gardaadino mashruuc ah caafimaadka ardayda yaryar ee dugsiyada dhigata sidii kor loogu qaadi lahaa, markaas marshuucu waxa uu ka kooban yahay 140 dusi oo ah sadexda gobal ee Maqoodi jeex, Awdal iyo Saaxila markaas arinkaas ayaan maanta isgu nimid”

 

 Sidoo kale waxa uu xildhibaan Kijaandhe uu halkaas ka soo jeediyay sharaaxd dheer oo ku saabsan heerarka caafimaad iyo nafaqo ee ardayda dugsiyada dhigata.

Waxa sidoo kale isaguna halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Cabdi Axmed Nuur oo wax wayn ka tilmaamay sida loogu baahan yahay in loo laysaga kaashado ilaalinta caafimaadka caruurta “Kulankan waa mid aad u muhiima, waxaanan ururuka Heal iyo wasaarada waxbarashada, runtii arimahan maanta laga hadlayaa aad ayay muhiim u yihiin, waayo dugsiyadu waxa ay kamid yahiin goobaha ay tiro badan oo dad ahi ku kulmi karaan, iskuna soo dhawaankaraan waxaanay isku qaadsiinkaraan xanuunada qaarkood.Dugsiyadu waxa kale oo ay yihiin goobaha ay ku kulmaan dhalinyara yar yar oo ah kuwo xanuunada u nugul, ahimyada siyaasada wasaarada caafimaadka ee dhanka horumarinta kooxda aanu mudnaanta siino waxa kamida dhalinyarada yar yar kuwaaso u nugul cudurada oo ay tahay daryeelkooda iyo caafimaadkooda in xilwayn layska saaro.”

 

Ugu danbayntii isaga oo ka hadlaya agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku goobo ay wasaarada caafimaadku qorshaynayso inay ka furto dugsiyada dhexdooda isla markaana la dhigi doono daawooyinka waxa uu yidhi “Waxayaabaha u qorshaysan inay bilowdo wasaarada caafimaadku waxa kamida dugsi kastaa inuu yeesho goob caafimaad oo dawooyinkii yaaliin, qofka goobtaas joga iyo macalimiintubana ay wacyigalin caafimaad ka samayn karaan dugsiga oo mudnaanta la siiyo inuu noqdo sabo nadiifa oo laga ilaaliyay qashinka iyo biyihii fadhisan lahaa. wasaarada caafimaadka, mida waxbarshada iyo ururda ku shaqada leh hawlaha caruurtuna soo koraysa waa inay xilwayn iska saran”

Waxa isaguna halkaas ka hadlay oo soo dhaweeyay mashruucan wasiir ku xigaanka wasaarada waxbarasha  Cali Xaamud Jibriil, waxaanu sidoo kale sheegay wasiir kuxigeenku in loo baahan yahay kor u qaadida caafimaadka ardayda yar yar.

Uuruka wadaniga ah ee Heal ayaa isagu mudo aad u dheer waxa uu ka shaqaynayay kor u qaadidada caafimaadka caruurta dugsiyada, isaga oo ururuku la dagaalma dhibaatooyinka caafimaad daro ee uu keeno gooryaanku iyo sidoo kale wacyigalin dhanka nadaafada ah.