Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa

0
736

 

 

Picture1Dadka qaarkii ayaa moodaya in aan iska qorayo taxanahan. Warqadda xilka sida gardarrada iyo maagga ah la igaga qaadaywaxa la ii dhiibay 29/8/2012ka, waqti ku beegnaa ilaa kowdii iyo waxoogaa. Dastuur ahaan Magacaabistayda iyo Xil-ka-qaadistaydaba waxa iska leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo taa muran maanta ka taagani ma jiro. Markii aan gurigayga tegay ayaan tilifoonka qabsaday. Waxaan la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan u sheegay hadalladan kooban:

 

In ay warqaddii xil-ka-qaadistu I soo gaadhay oo aan uga mahad-celinayo,

In aan mahad-naqayga iyo dareenkayga ku soo gudbin doono qoraal taxane ah oo in muddo ah socon doona,

In aanan bulshadii rayidka ahayd dib ugu noqon doonin bal se aan ku sii jiri doono saaxadda siyaasadda ee uu I soo geliyay,

Intaa ayaanu isku ogeyn Madaxweynaha oo aan u sheegay oo anan ka qarin. Waxa se la yaab lahayd in deris-ku-nooshii dalqada indhaha ku lahayd ee hudheellada hoganaysay meelaha qaar ka lahaayeen hadallo aan fiicnayn ayuu Boobe Madaxweynaha ku yidhi. Waa se doqmo e’ yeelkood.

2/8/2012ka: Waa Khamiis Jimce ka ordaysa iyo kulankii Golaha Wasiirrada. Sidii dhaqanka iyo caadadaba ii ahayd Xafiisyadii Wasaaradda ayaan kormeer ku soo maray subaxdii hore. Xafiiskii Agaasimaha TV-ga Qaranka markii aan marayay ayaan arkay nin aan ahayn Agaasimihii TV-ga Qaranka oo kurisgii Agaasimaha ku fadhiya. Waxaan weydiiyay sababta uu u fadhiistay kursi aanu xilkiisa hayn. Waa Agaasimihii TV-ga Qaranka ee Ingiriiska. Wuxu iigu jawaabay in uu isaguba xil hayo. Anigu waxaan u arkayay in aanu qof iska fadhiisan karin kursi aanu xilkiisa hayn. Ciidankii booliska ee Wasaaradda ilaalinayay ayaan u yeedhay oo aan ku amray in ay kursiga ka kiciyaan xeradana dibadda uga saaraan. Markaas ayay xertii uu ka midka ahaa is-doonatay oo ay Wasiirka Madaxtooyada Xafiiskiisii isku shubeen. Soomaalida ayaa tidhaahda: “Leyligu biyaha uurkiisa ku jira ayuu ka didaa.”

Maa daama ay Khamiis ahayd xaggii Shirka Gokaha Wasiirrada ayaan u kacay. Marwo Ifraax oo Xoghaynta Madaxweynaha ka mid ahayd ayaa iigu soo gashay qolkii Golaha Wasiirrada, waxaanay ii sheegtay in Madaxweynuhu i doonayo. Waan u tegay Madaxweynihii iyada oo ay la fadhiyaan Wasiirkii Madaxtooyada iyo afar Agaasime-waaxeed oo Wasaaradda Warfaafinta ka tirsani. Waxay kala ahaayeen: Guddoomiyaha Dawan, Agaasimaha TV-ga qaranka ee Ingiriiska, Agaasimaha TV-ga Qaranka iyo Agaasimaha Waaxda farsamada ee Radio Hargeysa. Intaasi dhinac ayay ka soo jeedday. Wasiirka Madaxtooyadu dhinaca kale ayuu ka soo jeeday. Waxa la isku soo kaxaystay in Madaxweynaha la iga ashkateeyo. Bal ka warrama dawladnimada iyo dhaqanka caynkaas ah. Weli sheeko iyo shaahid ma ku haysaan nidaamyadan casriga ah wax caynkaas oo kale ah oo ka dhaca. Aniga oo deggen oo xeerinaya xilka Qaran ee I saran ayaan Wasiirka Madaxtooyada ag fadhiistay oo ku idhi: “Waar Odeygu hawlo Qaran ayuu hayaa e’ waxan ha ku dawakhin ee xafiiskaaga ina gee.”

Wuxu iigu jawaabay Wasiirkii aan shaqadiisa u hagaajinayay: “Maya, kol haddii ay Agaasimayaashu halkan soo gaadheen, Odeyga ayay la hadlayaan.” Anna waxaan ugu jawaabay: “Bal soo roga togagga aad haysaan.”Waxoogaa buuq ah ayaa halkii ka dhacay. Hadalka wada saafi maayo e’, waan sar-ka-xaadinayaaye. Waanu murannay, ka dibna sidii aan sheegayay waxay sheekadii ku danbaysay in aanu xafiiskii Wasiirka Madaxtooyada isla tagno iyada oo aanu Madaxweynuhu wax amar ah arrinkoodii ka bixin aan ahayn ‘ha la wada shaqeeyo.’ Wasiirka Madaxtooyadu wuxu iga codsaday in aanan wax tallaabo ah nimankan ka qaadin inta baadhista hanti-dhowrku dhammaanayso. Wax badan oo kale is-ma aanu odhan, anna waayo-aragnimo hor leh ayaa ii korodhay. Aad ayaan ula yaabay. Waxaan si cad u ogaaday waxaan ku dhex jiraa wuxu yahay. Hadallada iyo mahadhooyinka idiin ma wada saafi karayo ee waan idiin sarayaa.

3/8/2012ka: Waa maalin Jimce ah. Habeennimadii ayaan Madaxweynaha anigu u tegay oo ku booqday gurigiisa. Dhaqanku sidii uu ahaa si ixtiraam leh ayaa la ii soo dhawayn jiray, waxaana la I fadhiisin jiray halka aan kula kulmayo. Inta aan sugayo waxa la ii keeni jiray koob shaah ah ama sharaab ah, hadba sidaan dalbado. Habeenkaa sidii dhaqanka ahayd ayaa la I fadhiisiyay. Dhinaca bidix ayaan badanaa ka fadhiisan jiray aniga oo bari u jeeda isna dhinaca koonfureed isaga oo woqooyi u jeeda. Habeenkaa in yar haddii aan fadhiyay, waxa ii soo galay Wasiir Duur oo isaguna ila fadhiistay isaga oo khamiis xidhan maa daama ay Ramadaan ahayd. Cabbaar ka dib waxa soo galay Wasiir Xirsi oo isaguna khamiis xidhan. Anigu macawis iyo cumaamad ayaan sitay.

Odeygii oo qalinkii, buuggii iyo muraaydihii sita ayaa soo galay. Cabbaar ayaa la iska haasaaway oo wax gaar ah lagama sheekaysan. Haddii laga tegi waayo markii uu Madaxweynuhu noo soo galay ayay is-taageen oo Mudane Madaxweyne ku yidhaahdeen. Anna inta aan is-taagay ayaan ku salaamay: “Mujaahid iska warran.” Wasiir Duur ayaa hoos iigu yidhi: ‘Ma sidaasaad u salaantaa?” Anna aniga oo saaxiibkay la kaftamayay, waxaan ku idhi: “Haa, waa inta aanu idin dheer nahay.”

Iskama aan iman meesha ee muraad aan Madaxweynaha u lahaa ayaan u imid oo u baahnaa in aanu keli isku noqonno sida ay aniga iigu muuqatay, saaxiibbaday oo aan uga soo horreeyay oo meesha yimidna garan waaye in ay noo faq daayaan. Markii aan waxoogaa fadhiyay, ayaan Madaxweynaha ku idhi: “Madaxweyne faq yar ayaan kula yeelan lahaaye, Wasiirradu ma ina fasixi karaan?”

Madaxweynihii inta uu aad u naxay oo afka gacanta saaray ayuu yidhi: “Ma Wasiirrada?” Aniguna waxaan ku celiyay: “Haa.” Isaga oo aan wax hadal ah odhan ayay labadii Wasiir kaceen. Markii ay naga yar fogaadeen ayaan madaxweynihii ku idhi: “Adeer, miyaad yar yaabtay?” Wuxu iigu jawaabay: “Haa.” Waxaan ku idhi: “Immisa habeen ama maalmood ayay kula joogeen annaga oo maqan oo weliba mararka qaarkood xaq u lahayn in aanu goob-joog ahaanno.” Intaa ka dib ayaan u sheegay wixii aan doonayay oo u raaciyay wixii immika ka danbeeya kol haddii aan ku sheegay ciddii aad doonto waad la wadaagi kartaa. Sidaa ayaan ku hoyday. Dhaqan ahaan aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, waxan caado u lahaa in aan ku idhaahdo “Adeer.”

(La soco……….)