Askarigii Dilay Usaama Oo Werwerka Nolosha Qoyskiisa Ka Sheekeeyey

0
510

 

Picture3New York (Geeska/Esquire)-Askarigii xabadda ku dhuftay Usaama Bin Laden ayaa markii ugu horeysay wareysi kaga hadlay sida  dilkaasi u dhacay, iyo wererka xilligan ka haysta shaqo la’aan uu ku jiro, isagoo shicib ah.

Askarigaa oo magaciisa qariyey, una waramay majalada Esquire, ayaa ka waramay kaalintuu ku lahaa weerarkaa dhacay bishii May, 2011, iyo cabsida ka haysata amaanka qoyskiisa. “Waxuu u muuqday qof buuqsan, isla markaana ka dheer sidaan filayey.” Ayuu ydhi.

Markii ciidanka kumandoostu gaadheen dabaqii saddexaad oo muqdi ahaa, waxuu Usaama garabka haystay xaaskiisi ugu yareyd, “isagoo xaga hore u soo riixay” waxaana u dhowaa qori AK-47 ah.

"Ma hubin inay xidhnayd qalab qarxa, una soo riixay inay labadooduba shahiidaan. Qorigu meel u dhow ayuu yaalay. Waxaan ku dedaalay inaan madaxa xabad kaga dhufto si aanu fursad ugu helin is-qarxiyo.” Ayuu sheegay ninkani.

"Daqiiqadaa, waan toogtay. Laba xababdood wejiga, waxaanu ku dhacay dhulka sariirtiisa horteeda.”

"Wuu geeryooday, mana dhaqaaqayn. Carabkiisu dibedda ayuu u soo baxay."

Wareysiga Esquire, oo magaciisa ku sheegay ninkan “Dilahii” ayaa ka sheekeeyey werwerka ninkaa geesiga ahaa aanu wax hawlgab, caymis caafimaad, ama ilaalin dheeraad ah u haysan, ayaa ciwaan uga dhigay. “Ninkii dilay Usaama oo baaba’ay."

Sida ay qortay Esquire, weerarkaasi waxuu ku dhamaaday 15 daqiiqadood. Laakiin, halsitii ugu weynayd waxay timi markii dilaagu ogaaday ku dhicitaankii daarada diyaaradihii qumaatiga u kacayey ee wateen midkood.

"Halkan ma filayo inaan ka bixi doono immika,” ayuu yidhi. "Waxaan ku fekeray inaan gawaadhi xabadu Karin helo oo caasimadda Islamabad ku gaadhno. Sababtoo ah xalka kale waxuu ahaa inaan agagaarka joogno, ilaa ciidamada Pakistan na soo gaadho. Waa markii shakigu I galay."

Markii weerarku dhamaaday, kuna soo laabteen fadhiisinkii Jalalabad, Afghanistan, dilaaga ayaa gabadh ka tirsan CIA soo kaxeeyey si uu meydka u tuso, sida xilligan filimka Hollywood ee "Zero Dark Thirty" ku can baxay.

"Intaan eegnay ayaan weydiiyey, ma meydkii ninkii baa? Ayey ku oyday.

Markii hawlgalku dhamaaday, waxuu cadeeyey guushii weerarkaa oo midkoodna aanu ku dhiman ama dhaawacmin. Laakiin, xaqaagii 2012, markuu ka fadhiistay ciidamada, waxuu la murugaysan yahay halista aargudasho ku dhacda qoyskiisa, isagoo xilligan shicib ah.

Waxuu baray xaaskiisa iyo caruurtiisa waxa ay sameeyaan hadii aqalka lagu soo weeraro, xilligana xaaskiisu waxay awoodaa inay adeegsato qoriga hadii la soo weeraro.

Isla markaana, maadama uu ka tegay ciidamadii oo muddo 16 sannadood uu ahaa, kuma guulaysan inuu dhaqaale hawlgab helayn hadaanu labaatan sannadood ciidan ahayn.

"Wax badan ayuu dalkiisa u qabtay, waxaanu xilligan u muuqdaa nin boodhka iyo gaajada lagaga tegay." Ayey xaaskiisu tidhi.

Saaxiibkii oo ciidamada kumaandoos ahaa ayaa sheegay inuu laftiisu ka werwersan yahay dhaqaalahiisa, markuu hawlgab noqdo, isla markaana qoyskiisa u wanaagsanaan lahayd isagoo hawlgalkii Usama ku dhinto.

"Waan qabaa in nolosha shicibnimadu qaali tahay. Waxa I sugaya qoys inaan caawiyo ah. Badankayo ma haysano wax aan bixino. Keliya waxaan dilli naqaanaa cadowga. Waa intaa.” ayuu yidhi.