FAO Oo Sheegtay In La Filayo Dabaylo Iyo Roob In Ay Soo Gaadhaan Berbera Iyo Saylac

0
519

Picture6Hargeysa (Geeska) Dabaylaha iyo roobabka ay wadato duufaanta loo bixiyey 03A oo labadii maalmood ee u dambeeyey si weyn ugu xoogganaaa xeebaha iyo berriga gudaha sii gashan ee dhulka maamul goboleedka Puntland, ayaa 24kii saac ee u dambeeyey, berriga uga sii guuraysay dhinaca badda gacanka cadmeed ee badda cas.

 

Qoraal ay soo saartay hay’adda cuntada adduunka ee FAO oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in dabaylahaa khasaaraha weyn ka geystay dhulka maamul-goboleedka Puntland ayaa la sheegay in iyaga oo wata dabaylo aad u xooggan iyo roobabab waaweyn oo laga yaabo in ay daadad ka dhashaan ay 24kii saac ee u dambeeyey u soo wareegayeen magaalada Berbera ee Somaliland iyo magaalooyin kale oo ku yaalla xeebaha maamul goboleedka Puntland.

Hay’adda FAO waaxdeeda qaabilsan ururinta iyo maamulidda xogta biyaha iyo berriga Soomaaliya oo lagu magacaabo SWALIM ayaa dadka ku dhaqan Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ku wargelisay in ay sameeyaan taxaddarka lagama maarmaanka ah, tusaale ahaan in ay iska hubiyaan adkaysiga iyo tayada dhisme ee gurigooda, maadaama oo dabaylahan la saadaalinayo in ay sii socdaan maanta 13ka iyo berri 14ka bisha Kow iyo Tobnaad ay yihiin kuwo aad u xooggan oo roobab waaweynina ku ladhan yihiin, sidaa awgeed ay burburin karaan dhismayaasha nugul. Sidoo kale waxaa la saadaalinayaa in ay jiri doonaan daadad waaweyni.

Dhinaca kalana Guddoomiyaha hay’adda la dagaalanka aafooyinka dabiiciga ah ee NERAD ayaa qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyey Wargeyska Geeska Afrika ku sheegay in hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan cuntada iyo beeruhu soo gaadhsiiyey war degdeg ah oo tilmaamaya in roobab laxaad leh lihi Somaliland ka di’i doonaan 13-14ka bishia Kow iyo Tobnaad 2013ka, gaar ahaan degmooyinka Berbera iyo Saylac iyo qaybo ka mid ah bariga gobolka Sanaag.

Guddoomiye Maxamed Muuse Cawaale waxa uu qoraalkiisaa ku sheegay in Roobabkaas la filayo maanta iyo berri ay keeni karaan daadad laxaad leh iyo qabow xooggan, waxa aanu ku soo gunaanaday digniin muhiim ah oo uu u jeediyey dhammaan dadweynaha reer Somaliland eek u dhaqan deegannada roobabkan iyo dabaylahan lagu arko, waxa aanu qoraalkiisan ku yidhi, “Sidaas darteed waxaan idin faraynaa in ay dadku ka fogaadaan meelaha godan iyo dooxooyinka. Dadka iyo xoolahana la geeyo meelo dugsiya.