Guddoomiyaha Guurtida Oo Sheegay in Cabashada Culimada Qaadirada La Horganayo Golaha

0
631

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa tageeray mawqifka Xukuumadda ee ah in xulafada Sucuudigu hogagaminayo la taageero.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,oo Warbaahinta u waramay ayaa sidoo kale sheegay cabasho ka dhan ah Madaxweynaha oo qaar ka mid ah Culimada dalku u gudbiyeen Golaha Guurtida, waxaanu sheegay in Golaha la kor keeni doono, waxaanu ugu horayn yidhi “Khaliijka Markay arin weyn tahay, Qaranku Madaxweynuhu leeyahay isaga ayaa u yidhaahda, isagiina hadal, halka uu maray ayeynu wada maraynaa, dantuna sidaas bay ku jirtaa, kolay iyagu siyaasad ahaan wey isku dhaw-dhaw yihiin, nimankan is khilaafsan maanta, laakiin halkay dantu tahay ayeynu maraynaa, danteenuna sidaas ayey ku jirtaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay sababta keentay in Xukuumaddu raacdo Xulafada Sucuudiga iyadoo labada dhinac midna aanu Somaliland ictiraafsanayn ayaa ku jawaabay “Sidee ay dhex dhexaad u noqon, dawladna waad sheeganaysaa, Siyaasadna waad leedahay, dana waad leedahay, marka sidee aan dhex isku taaga, halkii danteenu ku jirto ayaan raacaya”

Mar wax laga weydiiyey cabashada ka dhanka ah Madaxweynaha ee ay u soo gudbiyeen Golahadooda qaar ka mid ah Culimada dalka ayaa ku jawaabay “Ha la gaadho, arintoodu Golaha ayey hor iman doontaa, markaas baa laga taline”.

Mar wax laga weydiiyey muddada Doorashada ee uu Madaxweynuhu qalinka ku duugay inay ku qabsoonto ayaa yidhi “Madaxweynuhu isaga ayaa go’aanka leh, mar haddii uu maalin qabtay, Nabadgalyadana isaga ka masuul ah, Kaadhkana ha la qaato, Doorashadiina ha la qabto”.