Haweenay Diinta Islaamka Dib Ugu Soo Celisa Dadkii Tuulaheedii Oo Masiixiyiin Wada Noqday Iyo Turkiga Oo Dayactiray Xabaalihii Asxaabta Nebiga (SCW) Ee Itoobiya

50
3146

Addis Ababa (Geeska)- Mid ka mid ah hay’adaha samofal ee kaniisaduhu u adeegsadaan faafinta diinta masiixiga ayaa ku guulaysatay in ay diinta Islaamka ka saarto dadka ku nool tuule ku taalla dalka Itoobiya oo ka mid ah deegaanka Oromada. Marka laga reebo gabadh lagu magacaabo Xaliima in kasta oo aanay aqoon u lahayn diinta Islaamka, haddana iimaankeedu ogolaan kari waayey in ay diinteeda beddesho. Gabadhan ayaa dagaal adag oo ruuxi ah kala hortimid dhallanrogga diineed ee dadkeeda lagu sameeyey, waxa aanay dadaalna u gashay sidii ay dadkeeda diinta xaqa ah dib ugu soo dabbaali lahayd.

Warbixin uu faafiyey talefishanka TRT ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in Xaliima ay jiif iyo joogba diidday, nafteedana nidar kula gashay in ay dadkeeda ku soo celiso jidka toosan. Waxa se ay go’aansatay inta aanay hawshaas gudo gelin in ay aqoonteeda islaamka kor u qaaddo. Waxa ay safar waxbarasho raadis ah ku tagtay tuule kale oo ay ku ogeyd in muslimiintu ay ku badan yihiin, kaddib waxa ay gashay mid ka mid ah dugsiyada diinta lagu barto ee deegaanka.

Markii ay aqoon aasaasiya oo fiican u yeelatay diinta, Xaliima waxa ay dib ugu noqotay tuulaha ay ka dhalatay oo ay ka bilowday faafinta islaamka, iyada oo isticmaalaysa wacdiyo ay dadka wax ugu sheegayso, talooyin iyo kulamo qof qof iyo qoys qoys ah iyo duruus ubadka iyo dumarka ay barayso qur’aanka iyo fahamka Islaamka.

Nasiibwanaag Xaliima markii ay muddo hawshan wadday waxa uu Alle ugu gargaaray in ay kasbato qalbiyada dadkeeda shaydaanku duufsadayo oo intoodii badnayd u soo istaagtay, waxna ka dhegeysatay, illaa aakhirkii uu Alle sabab uga dhigay in haldoorkii tuuluhu uu la qaato fikirkii, dadkii tuulahana lagu qanciyo in aanay diinta Islaamka iyo ee ay illaa awoowyadood aaminsanaayeen uga bixin dano dhaqaale iyo dhuuni kooban oo bani’aadam bixinayey.

Maalinta laga bilaabo Xaliima waxa ay astaan u noqotay tuulaheeda, waxa aanay ka mid noqotay hoggaamiyeyaasha bulsho ee masiirka tuulaha iyo hawlaha muhiimka ah ereyga ku leh.

Nasiibwanaag warka Xaliimo waxa uu gaadhay warbaahinta, waxa aana sidaas ku ogaaday dawladda Turkiga oo isla markiiba tuulahan u soo dirtay wafti xaqiiqo raadis ah oo ka tirsan hay’addaha gargaarka ee Turkiga.

Waxa ay hay’addaha Turkigu tuulaha ka bilaabeen mashaariic gargaar, waxa aanay sida oo kale ay tuulahan ka dhiseen masaajid ay dadku ku cibaadaystaan, maadaama oo aanu hore uga jirin masaajid.

Dhinaca kalana wakaaladda gargaarka iyo iskaashiga caalamiga ee Turkiga oo magaceeda TIKA loo soo gaabiyo ayaa ku guulaysatay in ay dayactir aad u sarreeya ku samaysay masaajidka ‘Najaashi’ ee dalka Itoobiya oo ah masjidkii ugu horreeyey ee Afrika laga dhiso abid. Masjidkan waxaa la dhisay sannadkii Shanaad ee Nebinimada nebi Muxammed (SCW) oo ku beegnaa sannadkii 615 kii miilaadiga, ahaydna markii uu Nebi Muxammed ‘SCW’ asxaabtiisa faray in ay u qaxaan dhulka Xabashida, si ay uga fogaadaan ciqaabta ka soo gaadhaysay reer tolkooda sanam caabudka ahaa.

Masjidkani waxa uu ku yaallaa tuulaja Najaashi, oo 770 km u jira caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Waa Tuule loogu magac daray boqorkii xilligaas haystay dhulka Xabashida oo aad u soo dhoweeyey asxaabtii Nebiga (SCW) ee u magangelyada u soo raadsatay, isaga qudhiisuna markii dambe rumeeyey nebinimada nebi Muxammed (SCW).

Akiin Erdogaan oo ah isuduwaha hay’adda TIKA u fadhiya Addis Ababa, ayaa shabakadda caanka ah ee Turk Press oo Geeska Afrika soo xigtay u sheegay in, uu dalkiisu uu sannadkii 2014 hirgeliyey mashruuc dayactir uu ku samaynayey masjidka Najaashi iyo xabaalaha boqor Axmed Najaashi iyo qaar ka mid ah asxaabtii nebi Muxammed (SCW) oo halkaas ku aasan.

Masjidka Najaashi waxa uu caan ku yahay in sannad kasta, gaar ahaan bisha Ramadaan iyo maalmaha Cashuura ay soo booqdaan dad aad u tiro badan oo muslimiin ah, kuwaas oo sadaqooyin kala duwan u qaybiya fuqarada iyo dadka maaskiinta ah ee deegaankan.

Imaamka masjidka Najaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa isaga oo ka hadlaya gacanta uu Turkigu ka geystay dib u dhiska masaajidkan waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Tika waxa ay u qodday masaajidka ceel 250 fuudh dhererkiisu yahay, sidaa awgeed imika tuulaha oo dhami waxa uu helaa biyo nadiif ah oo la cabbi karo, iyada oo dadka muslimiinta ah ee loo qoday iyo dadka masiixiyiinta ah ee deegaanka kula nooliba ay si siman uga cabbaan.

Najaashi waa boqorkii uu Nebi Muxammed markii uu asxaabtiisa dhulka xabashida u soo dirayey, ka yidhi, ‘waxaa jooga boqor aan agtiisa waxba lagu dulmiyin’ sida ay taariikhdu xustayna waxaa masaajidkan ku yaalla maqaam ay ku aasan yihiin boqork Najaashi iyo 14 ka mid ah asxaabtii Nebi Muxammed (SCW) oo iyaguna dhulkan ku geeriyooday. waxa kale oo ku yaalla xabaalaha dad muslimiin dhulkan magac ku lahaan jiray taarikhaas hore ah oo dardaarmay in xabaalahoodu deris la noqdaan boqorka uu nebi Muxammed Salaaddii jinaasada isaga oo ka maqan ku tukaday iyo asxaabtii nebiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here