Havoyoco Oo Gunaanaday Laba Tababar Oo Ku Saabsan Caafimaadka Dadka Iyo Xoolaha

0
856

 

yoko

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay la soo gunaanaday laba siminaar oo ka socday magaalada Hargeysa kuwaas oo ay qabatay hay’adda wadaniga ah ee HAVOYOCO.

Labadaas tababar ayaa midi wuxuu ahaa tababar la siinayay 12 ruux oo ka socday tuulooyinka gobalka Maroodi Jeex oo la barayay daryeelka caafimaadka xoolaha iyo tababarka labaad oo isna u socday 12 ruux oo isla deegaanadan ka socday oo la siiyay tababar ku saabsan daryeelka caafimaadka dadka. Waxaanay socdeen 21 maalmood.

Ugu horayn waxa xidhitaanka ka hadlay Mustafe Cisman Siciid ah Maamulaha mashruuca  reer guuraaga ee  Havoyoco  oo u mahad celiyey ka qayb galaasha sida ay uga qayb qaateen labadii  tababaradii ee kala duwanaa

Agaasimaha hayada wadaniga ah ee Havoyoco Mr Ismaaciil Maxamed Axmed

Oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada uu tababarkani lahaa iyo faa’iidooyinka ay dadka reer guuraaga ahi ka heli karaan, waxaanu u mahadceliyay macalimiintii casharada bixinaysay iyo hay[‘adda Oxform GB oo hay’ada Havoyoco ka caawisay mashruucan.Agaasimaha Havoyoco waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay mashruucan, “Haddaan  sharax yar oo kooban  idinka ka siiyo tababarada loo qabtay lix tuulo oo ka tirsan gobalkan maroodi jeex, tababarkani waa qayb ka mida mashruuc loogu talo galay ka hortaga abaaraha Oo ay maalgelisay hay’adda la yidhaahdo ECHO, si wada jir ahna ay u fuliyeen Havoyoco iyo Oxform. Markaa mashruucan xaga Ethiopia iyo xaga Somaliland ba Oxform baanu kala shaqaynaa, runtii waana mashruuc  bulshada faa’iido badan u leh Oo hawlo kala duwan  dadka aad uga taageera iskuna keena.   Ugu dambayntii waxaan hadalkayga ku soo koobi lahaa halkan waxaad joogteen muddo 21 cisho ah  waxaanad qaadateen casharo fara badan idinkoo kala ah   laba qaybood oo kala duwan qayb walibana ay ahayd  12 qof  oo xanaanada xoolaha iyo  Caafimaadka dadka  ah barateen.”

Agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Maxamed Maxamuud Cagoweyne oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa hay’adaha hawshan qabtay uga mahadceliyay siminaarka ay u qabteen bulshada reer guuraaga ah.“Anagu hadaanu nahay wasaarada xanaanada xoolaha waxaanu isku dayeynay intii aanu joognay sanadkaas in aanu u dirno kooxo wareega dhamaan gobolada

Lix kooxood baanu u diranay kooxdii u dambaysana dhawaaan bay baxayaan marka ramadaantu inaga dhamaato, waxaananu diraynaa 30ka  bisha kooxihii ku talaalayey susunka , furuqaSambabka. Xooluhu waa bilaa xuduud, xoolaha jooga maanta Awaare bisha dambana waxay joogan ceelsheekh ,ceel lahelay iyo bil-dhaalay   bay joogaan. Oxform iyo Havoyoco waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa deeganada ay ka shaqeeyaan sida Farwayne , Balicabne , Allaybaday, Baligubadle waa saaxada ay xooluhu ugu badan yihiin dhulka Somaliland.”

Tababarka labaad eek u saabsanaa daryeelka caafimaadka dadka ayaa waxa isna xafladii xidhitaanka ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Cabdi Axmed Nuur, oo ka hadlay ahmiyada tababarkaasi leeyahay isagoo ku guubaabiyay ka qayb galayasha inay ka faa’iidaystaan duruusta la siiyay. Waxa kale oo uu u mahadceliyay labada hay’adood ee Havoyoco iyo Oxform.

Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay dad ku hadlayay magaca ka qayb galayaasha oo ka mahadceliyay casharada la siiyay.