Puntland Oo Madaxweyne U Dooratay Dr. Cabdiweli Gaas Iyo Taagerayasha Farole Oo Rabshado Sameeyay

0
594

Picture7Garowe(Geeska)-Maamul goboleedka Puntland ee dalka Somaliya ayaa shalay doortay madaxweyne iyo madaxweyne xigeen cusub oo deegaanadaas hoggaamin doona shanta sannadood ee soo socota.

Ra'iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, ayaa noqday madaxweynaha cusub ee Puntland. Madaxweyne Cabdiraxman Sheekh Maxamad Faroole ayaa doonayay in dib loo soo doorto mar kale, wuuse waayay kalsoonidii Baarlamaan beeleedka oo dooranayay. Waxaa tartan culus la galay oo jagada ka qaaday Cabdiweli Maxamad Gaas.

Kaddib saddex wareeg oo doorasho ah, ayaa Cabdiweli waxaa uu helay 33 cod, halka uu Faroole helay 32 cod. Waxa isna madaxweyne xigeen loo doortay Cabdixakim Xaaji Cumar Camey oo ka soo jeeda gobalka Buuhoodle ee Somaliland. Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay natiijada, waxaanu hambalyeeyay madaxweynaha la doortay.

Markii ay doorashadu dhammaatay ayaa waxa si weyn u dabaal degay taageerayaasha Madaxweynaha cusub, waxase ay isku dhaceen taageerayaashii Madaxweynihii hore Mr. Faroole, waxase kala kaxeeyay dadkaas ciidamada ammaanka, waxaana la sheegayaa inay dhawr qof ku dhaawacmeen.  Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Mr. Nicholas Kay ayaa qoraal kooban oo uu geliyay barta uu twitterka ku leeyahay wuxuu muujiyay sida uu uga walaacsanyahay rasaas ka dhacday Garowe doorashadii ka dib, waxaanu ku baaqay in la is dejiyo.

Madaxweynaha cusub, ayaa inkastoo uu macalin ka noqday jaamacadaha Maraykanka islamarkaana uu noqday Raysalwasaarayaashii Somaliya soo maray mid ka mid ah, haddana dadka yaqaanaa waxay ku tiriyaan nin qaboow, waxaanu madaxweyne ka noqonayaa maamulka Puntland oo nabadgelyo ahaan iyo dhaqaale ahaanba aad u kala daadsan.

Kooxda Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa ka digaysa in doorashadan Puntland ay dadka degaanka u kala qeybin karto qaab qabiil.

Doorashadan ayaa la filayay in la qabto bishii 7-aad ee July, balse dib ayaa loo dhigay, iyadoo mas'uuliyiinta ay xilligaas sheegeen in gobolka uu qalalaase halis ugu jiray.