Hargeysa: Xaflad balaadhan lagu furayey mushruuc loo wax lagaga qabanayo Carruurta Darbijiifka iyo kuwa dalka gudiiisa ku baracay

0
935

Hargeysa(Geeska)-Hay’adda Save the children ayaa khamiistii munaasibad balaadhan u samaysay furitaanka mashruuc cusub oo wax lagaga qabanayo carruurta darbijiifka ah ku  iyo kuwa barakacayaasha ah.

Xafladaas oo lagu qabtay Hargeysa, waxa ka soo qayb galey Gudoomiyaha maxkamada Sare  ee Somaliland Md. Yuusuf Ismaaciil Maxamed , wasiirka iabu dajinta  iyo dib u dhiska Cabdirisaaq , xildhibaano  ka socda labada Gole , Agaasimaha samofalka Madaxtooyada Somaliland, Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Saraakiil ka socda Wasaraha Dawlada(Cadaalada,  Shaqada  iyo arrimaha Bulshada,  Diinta  iyo awqaafta) Hayda Xuquuqal iissanka Somaliland, iyo Agaasimaha Xarunta Dhaqan  Carruurta Darbijiifka ah ee Maxamed Mooge,  Ururada samafalka wadaniga ah iyo carruurta dabi jiifka ah iyo kuwa danyarta ah ee mashruucan ka faa’iidaysan doona.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadashay agaasimaha samofalka madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, oo halkaas ka jeedisay khudbad ku saabsan muhiimada mashruucan. “Waxaa ka midaa  Xukuumada Somaliland qorshayaasheeda dhaw iyo kuwa fogba  waxqabadka iyo daryeelka carruurta guud ahaan iyo gaar ahaan kuwo taabaaleysan sida kuwan darbijiifka ah.” Waxay Marwo Amina sheegtey in Marwada Madaxweynaha oo u oloeysa daryeelka carruurtu  aad ugu soo hambalyeysay uguna soo mahadcelisay  hay,ada save the children waxqabadkeeda ku jihaysan carruurta. Aamina waxay  balan qaadey inay  xukuumada Somaliland ka goantahay horumarinta xuquuqda carruurta . waxaanay ku dhiirigelisay hayadaha dawladu inay gacan siiyaan hay,ada save the children sidii loo hirgalin lahaa marshruucan muhiimka ah.

Mr . Eric Kitsa oo ah madax child protection ee Save the children ayaa isna halkaa ku soo bandhigay ujeedooyinka mashruucan oo magaciisa la yidhaahdo Xoojinta Bulshada ee Daryeelka  iyo badbaadinta carruurta Tabaaleysan ee Somaliland(Strengthening Community Based Responses for Improving Care and Protection of Vulnerable Children in Somaliland (SCORE).

Mr. Eric wuxuu sheegay in marshruucani yahay labo sano(2012-2013) , ujdeedadiisuna tahay in sidii wax looga qaban lahaa Carruurt darbijiifka ah ee Magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafadaha dadka danryarta ah sida DAAMi iyo Hargeisa State House.

Mr. Eric wuxuu sheegay in fikirka Mashruucani ay ka dhalay wareysigii lala yeeshay qaar ka mida carruurta danyarta ah iyo kuwa darbijiifka ah ama suuqa ka shaqeysta duruufo dhaqaale awgood. Mr, Eric wuxuu timaamey in hirgalinta mashruucan ay qayb laxaad leh ka qaateeen dhawr carruurta oo aad u yar yar oo kala ah Farah Muxiyadiin oo lix  jira, Muxiaydiin  khaddar oo  13 jira ah, kana mida carruurta suuqa ka shaqeysta iyo Xasan oo ah wiil 15 jira ah ). Mudadii lagu jirey diyaarinta mashruucan waxay  carruurtaasi  bandhigeen dhibaatooyin badan oo haysta carruurta Somaliland iyo sidii wax looga qaban lahaa sida in dhaqaale loo abuuro reeraha danyarta ah si ay carruurtooda u daryeelaan.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Madaxa Hay,ada Save the children Mr. Maxamuud Maxamed Xassan oo   sheegay  in ay save the children  tahay hay,ad u godey badbaadinta carruurta.  Wuxuu Mr. Xasan sheegay in Save the children ka hawlgasho 120 wadan oo adduunaka mida Somalilandna ay ka mid tahay. Wuxuu Mr. Xasan sheegay in ay Save the children ka go,antey si kasta oo wax loogu qaban karo carruurta tabaaleysan sida carruurta darbijiifka  iyo kuwa barokacay. Mr. Xassan wuxuu sheegay in mashruucan  oo laba sano socon doona ay caawiyeen oo lacagtiisa ay bixiyeen Danish TV Collection. Mr. Xasan wuxuu ka codsadey hayadaha dawlada, ganacsatada Somaliland iyo ururada wadaniga ah, Bulshada Somaliland inay qayb ka qaataan hirgalinta mashruucan si  wax looga bedelo nolosha carruurta dhibaateysa. Wuxuu kaloo Mr. Xasan ka codsadey Saxaafada Somaliland inay ku daydaan Talaabdan ay muujiyeen Danish TV ee wax loogu qabanayo carruurteena baahan.

Waxaa kaloo iyana halkaa hadal qiiro leh ka soo jeedisey  Luul Xassan Mataan oo ah Agaasimaha Xarunta Carruurta Darbijiifka ah ee Maxamed Mooge. Luul waxay halkaa ku soo bandhigtey baahida carruurta xaruntaas ku jirta , waxay ka codsatey hay,adaha samafalka oo Save the children u horeyso inay ka qayb qaataan daryeelka carruurta xarunta.

Taliya Xigeenka Ciidanka Asluubta Xasan Cali dheere ayaa isna halkaa ka soo jiidey hadalo kooban oo ku saabsan muhiimada mashruucan. Wuxuu Taliya xigeenku  sheegay in carruurta tabaaleysan ay u kala baxaan sadex noox( Carrruurta dibjirka ah , kuwa agoomaha ah eek u jira xarumaha agoomaha iyo carruurta sharciga ku gefta ee la xidho).

Waxaa kaloo halkaa hadalo isku mida oo ku saabsan mihiimada mashruucan(SCORE), iyo dhibaatooyinka kala duwan ay ay carruurta Somaliland ku jiraan hadii ay yihiin kuwa darbijiifka ah, kuwa soo baro kacay iyo kuwa kaleba. Xildhibaanadaas oo ay ka mid ahaayen Xildhibaan Cabdiqaadi (indho-indho) oo  ah xildhibaan golaha Guurtida ah. Xildhibaan Sanweyne, Xildhibaan Nacnac iyo xildhibaan Ibraahin kacaan oo ka mida Golaha Baarlamanka Somaliland. Dhamaan xildhibaanadaasi waxay ku balan qaadeen inay wixii doorkooda ah ka qaadanayaan daryeelka carruurta iyo fulinta mashruucan, waxayna hayda Save the children ugu mahadceliyeen waxqabadka muuqda  ee kala duwan ay  u qabato horumarinta nolosha carruurta.Waxay xildhibaanadu ku booriyeen inay hay,adaha dawldu wax la qabtaan hay,adan Save the children, waxay ku dhiiri galiyeen in hayadaha kalena ku daydaan waxqabadka Save the children.

Wasiirka Dibufajinta  Mudane Cabdirasaaq ayaa wuxuu halkaa ks soo jeediey waxqabadka Wasaarada Dib udajinta ,waxqabadadaas oo ay ka mid tahay  daryeelka barakacayaasha oo ay carruurtuna ka mid yihiin. Wuxuu Wasiirku ugu mahadceliyey Save the children mashruucan balaadhan ee mihiimka oo ah kii noociisa ah . Wasiirku wuxuu balan qaadey  wasaarada dibudajintu doorkeeda ka qaadan doonto mashruucan hirgalintiisa.

Guntii iyo gabagabadii  waxaa halkaa hadaladii xidhitaanka Xaflada  ka soo jeediyey waxaa halkaa  ka soo jeediyey  Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland . Dr. Yusuf Ismaaciil Cali oo halkaa uga mahad celiyey hayda Save the children iyo wax qabadkeeda. Gudoomiyuhu wuxuu ku nuux nuuxdsady muhiimka ay carruurtu leeyihiin iyo sida ay diinta islaamku uga hadashey daryeelkoda, Wuxuu gudoomiyuhu  ku boorey bulshoweynta Somaliland gudo iyo dibadba inay gacan ka gaystaan daryeelka carruurta tabaaleysan sida kuwa darbijiifka ah iyo kuwii kale ee baahanba. Wuxuu gudoomiyuhu  in doorka  garsooku door weyn ku leeyahay dhawrista xuquuqda carruurta. Wuxuuna balan qaadey inay wixii doorkooda ah ka garsoor ahaan ka qaadanayaa  dhawrista cadaalada carruurta.  doorkooda ka qaadanaya

Gabagabdii xaflada ,waxaa Madaxa Hay,ada Save the children  madashii xaflada kaga dhawaaqey in Save the children ugu deeqi doonto Xarunta Carruurta Darjibjiifka ah  baabuur noociisu yahay Surf oo secondhand , kaas oo wax ka tari toodna baahiyihii ay soo bandhigtey agaasimaha xarntaasi marwo Luul Xasaan Mataan.