Hargeysa: Wasiirka Duulista Oo Dhagax Dhigay Terminaal Cusub

10
511

Picture2Hargeysa (Geeska)  – Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa  dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu soo kordhinayo madaarka diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa.

Wasiirka oo ka hadlayay dhagax dhigan waxa uu sheegay   inay dhismahani noqonayo balaadhintii afraad ee lagu sameeyo madaarka  Magaaladda Hargeysa “Waxaanu dhagax dhigaynaa balaadhin lagu samaynayo Terminalka Madaarka Hargeysa, intii ay xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay waa balaadhintii afraad ee lagu sameeyey Terminalkan, ujeedada loo balaadhinayo waxa weeye in la kordhiyo xaddiga dadka ka dhoofaya  madaarka ee fadhiisanaya ama ku nasanaya garoonka, taasina waxay ka markhaati kacaysaa inuu kordhayo dhaq-dhaqaaqa  duulimaadyada ee madaarka caasimadu kaas oo wakhtiyadii hore ay ka dhoofi jireen sanadkii 90,000  maantana qorshaha qiyaastayada uu gaadhi doono dad aan ka yarayn nus malyuun,”

Wasiirka duulista iyo hawada waxa uu sheegay inay dhismahan iska kaashanayaan wasaarada duulista iyo qaar ka mid ah shirkadaha diyaadaha “Balaadhintani waxay noqon doontaa in la kordhinayo dhismaha terminalka, waxaanu filaynaa inay korodhsiimadaasi  qaadi doonto 100 qof anaga oo rejaynayna in terminalku uu noqon doono mid qaada dhawr boqol oo qof”

Comments are closed.