Itoobiya Oo 47 Tahriibayaal Ah U Soo Gacan Galisay Somaliland

13
622

Picture1Wajaale (Geeska)  -Dowlada Itoobiya ayaa  Somaliland u soo gacan galisey Tahriibayaal u dhashey Somaliland oo tiradoodu tahay 47 tahriibe, kuwaasi oo isugu jira rag iyo haween, laga soo qabtay xuduudda u dhaxaysa  Suudaan iyo Itoobiya.

Tahriibayaashan oo wakhtiyadii hore loo gacan galin jiray  waalidiintooda ayaa hada loo soo dhaadhicin doonaa dhanka Magaaladda Gabilay iyaga oo ay ciidamadda boolisku la wareegi doonaan lagana qaadi doono sawiro iyo sida oo kale faro, sida uu ku waramay taliyaha laanta socdaalka ee Gabilay.

Taliyaha Laanta Socdaalka  Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan oo fadhigiisu yahay Tog-Wajaale oo  Wargeyska Geeska Afrika u waramayay, ayaa  sida oo kale waxa uu u soo jeediyay baarlamaanka dalka in xeer ciqaabeed loo sameeyo tahriibayaasha la soo qabto si loo xakameeyo tahriibka,waxaanu isaga oo arimhaas ka hadlaaya uu yidhi "Waxaan kula soo wareegay tahriibayaashan dhinaca Xafiiska laanta socdaalka ee Itoobiya ee Tog-Wajaale, halkaas oo ay toddoba iyo afartan kan qof ee tahriibayaasha ah iigu dhiibeen saraakiisha laanta socdaalka, dalka itoobiya xafiiskoodaa Wajaale dabcan xafiiskana waxaa naga dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo maalin walba tahriibayaasha ay qabtaan ayay nagu soo waeejiyaan ee dhinaca Somaliland anaguna sidaas oo kale ayaanu ugu wareejinaa tahriibayaasha u dhashey dalka Itoobiya oo dhinacan ka gudbaya markaanu qabano, waxaana tahriibayaashan maanta (shalay) Itoobiya nagu soo wareejiyeen loola dhaqmayaa si ka duwan sidii aanu awal hore ka yeeli jirney, maxaa yeelay awal hore waxaanu gudoonsiin jirney waalidiintooda, laakiin maanta (shalay) looma dhiibayo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dhamaantood waxaanu ka qaadeynaa sawiro iyo faro waxaananu u gudbin doonaa Taliska Qaybta Booliska Gabiley, waxaananu ku wargalinaynaa cidii aanu sawiradaa ka qaadney ee mar labaad aanu gacanta ku dhigno waxey muteysan doonaan xadhig, waxaananu ka codsaneynaa gudida la dagaalanka tahriibta iyo Labada Gole ee  sharci dajinta qarankaba in ay dhakhso inuugu sameeyaan xeerkii ciqaabta ahaa ee tahriibayaasha iyo cidii wax tahriibineysaba.”

Sida oo kale taliyaha laanta socdaalka Gabilay waxa uu culimada iyo wax garadka dalka u soo jeediyay in dhalinyarada tahiibka laga wacyi galiyo,isla markaasna loo istaago sidii loo joojin lahaa tahriibka.

Comments are closed.