Hargeysa: Shir U Furmay Dalalka Somaliland Iyo Itoobiya

1
771

Hargeysa(Geeska)-Shir lagaga wada hadlayo iskaashiga dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa shalay ka furmay magaalada Hargeysa.

Waxa labada dawladood ay muddo laba maalmood ah ku faaqidi doonaan sidii dib u eegis loogu samayn lahaa heshiis hore oo labada dawladood ku yeesheen kal-hore magaaladda Diri-dhabe oo ku wajahnaa iskaashiga Ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal,

Wasiirka Duulista hawadda iyo Gaadiidka Cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo shirkaasi ka hadlay furitaankiisii ayaa sheegay inay si kalsamaan ah u soo dhaweynayaan weftiga Itoobiya ka socday, waxaanu yidhi “Waxaynu nahay labada dal oo daris ah isku caado ah oo aad u saaxiib ah,waxaan weftiga iyo madaxda Itoobiya ka socota aan leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii labaad. Waxa labadeena dal inaga dhaxeeya dano badan. Waxaana loo baahan yahay danahaasi inaynu wada xaqiijino, mawqifka labadeena dawladoodna sidaasi weeye.”

Md. Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in labada dal sii joogteeyaan shirarka noocan oo kale ah oo uu tilmaamay in dib u eegis lagu samayn doono hadba wixii labada dawladood u hirgalay iyo wixii aan u qabsoomin.

“Waxa ina horyaala dad badan oo labadeena dalba cadow ku ah ammaankeena oo u baahan inaynu si wada jir ah ula wada dagaalano,waxa ina horyaala Ganacsiga sida tuugada ah lagu soo galinayo dalalkeena. Sidaas darteed, waxaynu u baahan nahay inaynu xoog isku kaashano iyo inaynu wax badan isla fahano,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiirku waxa uu intaasi ku ladhay “Annagga Somaliland mowqifkayaga siyaasiga ahi waxa weeye inaanu Itoobiya wax wada qabsano oo is kaashano oo aynu wada yeelano dano balaadhan oo aynu ummadaheena ku horumarino.”

Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim oo shirkaasi ka hadlay sheegay in shirkani daba socdo shir hore labada dawladood ugu yeesheen Diridhaba,

“Waxaan jecel nahay inaad masuuliyiinta ka socda dalka Itoobiya aanu ku soo dhawayno Hargeysa oo aanu nidhaahdo ku soo dhawaada Somaliland oo ah dal aad saaxiib tihiin,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Khaarajigu.

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadu waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay heshiis iskaashi la yeelato Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonaynaa heshiiska labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya ay shirkan ku gaadhi doonaan inuu noqdo mid waxtar leh oo labada dhinacba raali-gelinaya,taasina way ka go’an tahay xukuumadda Somaliland.”

Wefdigan ka socday dalka Itoobiya oo ka kooban 12-xubnood ayaa waxa ay ka kala socdaan wasaaradaha: Arimaha dibadda, Ganacsiga, Maaliyadda, Gaadiidka, Wadooyinka,wax-barashada,biyaha, Hay’adda arrimaha dekadaha ee dalka itoobiya iyo masuuliyiin ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhinaca Somaliland-na waxa shirkaasi uga qayb geli doona ,masuuliyiin ka kala socda,Wasaaradaha Howlaha-guud, wax-barashada, maaliyada, dekedda Berbera, iyo Baanka Somaliland.

Shirkan ayaa waxa lagu sii am-baqaadayaa qodobadii ka soo baxay shirkii hore ee magaalada Diri-dhabe oo ku wajahnaa dhinactyada,Nabadgelyada, Isu socodka Ganacsiga iyo kor-u-qaadka dhaqaalaha labada wadan, iyo sidii ay dawladda itoobiya ay wax ugala soo degi lahayd Dekedda berbera, Iyada oo qayb ka mid ah weftiga itoobiya oo ka soo degay magaalada Berbera waxa ay soo mareen dekedda berbera, iyaga oo u dhaba galay hanaanka ay u shaqayso dekeddu.

Comments are closed.