Golaha Wakiilada Ee Somalilnd Miyay Tahliwaayeen Sameynta Xeerkii Baanka Ganacsiga Ee Somaliland?

1
676

Picture1Awoodaha u gaarka ah golaha wakiilada,ee aanay golaha kale ee guurtidu la wadaagin,waxa weeye diyaarinta xeerarka maaliyadda iyo ansixinta miisaaniyadda  dowladda Somaliland,.

Golaha wakiilada Somalilandna waxa xubno ka ah rag shahaadooyin sare ka haysta arrimaha dhaqaalaha,sida gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha ee golaha wakiilada,mudane Maxamed Xaaji Maxamuud.

Sidaas awgeed waxa laga filayay inay dalka ka haqab tiraan sameynta dhammaan shuruucdii dhaqaalaha iyo shuruucdii baanankii loo baahnaa ee kala duwan,aa ,sida xeerkii baanka ganacsiga ee jamhuuriyadda Somalilnd,kaasoo horumarinta dhaqaalaha muwaadiniinta Somaliland kaalinta weyn ku yeelan lahaa.

Maxaayeelay waxa xeerkaas ku xidhan dhammaan mashaariicdii ay ganacsatadu maalgashan lahayd,waxa ansixinta xeerkaas u dabran maalgashigii shirkadaha iyo ganacsatada shisheeyaha ah ee dalka Somaliland danaynnaysa,waxa  ansixinta la’aanta xeerkaas u dhutinaya,furitaankii baanankii gaarka ahaa ee dhaqaalaha bulshada waddankan kobcin lahaa.

Waxa aan maalin dhoweyd akhriyay, warbixin kooban oo uu jaraa’idka Somaliland siiyay gudoomiye ku xigeenka gudiga dhaqaalaha ee golaha wakiiilada mudane Cali Xassan Maxamed “Cali Mareexaan”,isaga oo si kooban u xusay inuu xeerkaasi ku jiro jandayaasha golaha horyaala kal-fadhigan,uuna mid yahay arrimaha ay ka doodi doonaan,isaga oo si taxadar leh,u sheegay in ansixin la’aanta xeerkaasina ay golaha wakiilada dhaliil weyn ku noqon doonto.

 Marka aynu asbaabaha ugu khatarta badan ee ay golaha wakiiladu u ansixin waayeen xeerka baanka ganavsiga ee Somaliland,waxaan odhan karaa,malaha waxa golaha ku badan mudanayaasha hoosta ka Somaliweyn dusha ka Somaliland ah?,waxaan isweydiiyay una kuurgalay,waarmalaha inamadan qurbjoogga ahaa ee golaha 30% ah,ayaa Somaliland–diid wada ah,oo qurbajooogaasaa caqabad kunoqday horumarkii qaranka amasameyntii xeerkaas.

Waayo? waxaan fahmi waayay asbaabaha kale ee ka hortaagan, ansixinta xeerkaas muhiimka ah,ee baankii ganacsiga, ee horumarkii dalka iyo deganaanshihii dhaqaale ee waddanku u dhutiyayaan.waxaan isweydiiyay,maadaama oo ay golaha wakiiladu aqoon ahaan leeyihiin cilmi ku filan,oo ay kusoo diyaarin karaan xeerkii baanka ganacsiga,islamarkaana ay arkayaan baahida loo qabo,maxaa ku dhacay oo ay mudadaas dheer 2005tii ilaa 2013ka ay xeerkaas u ansixin waayeen,weliba isaga oo ay xukuumadda Somaliland usoo gudbiyeen xeerkaas,waxa laga sugayana uu yahay,sharciyayntiisii xeerkaa baanka ganacsiga ee qaranka Somaliland. 

Marbaan is idhi,malaha Caliyoow,wax aanad ogeyn oo kale ayaa jira oo ragii habka doorashada ku yimid,midkasta lacag bbadan oo dayn ah ayaa lagu yeeshay xilligii ololaha oo waxayba doonayaan in sameynta xeerkaasqaran ee ay ganacsatadu u baahan tahay,mashruuc ka dhiganaya,kana doonaya cidaha danaynaya qaddimaad ama howl fududeyn.

Aniga oo malahaas xun aan u quudhaynin raga tirade badan ee aanu saaxiibada nahay ee golahaas ka tirsan,ayaan leeyahay,waa uun iga soo gudbin tusaalooyinkii iyo sheekooyinkii ay dadweynuhu jiritaan la’aanta ama raagista sameyntii xeerkaas ay iska yidhaahdeen.

Dabadeedna waxa aan  u fekeray sidii muwaadinka caadiga ahi,filayay,waxana aan u dhaqaaqay,inaan sameynta xeerkaas qalinkayga aan ku taageero,aniga oo cidkasta oo uu khuseeyaba,xasuusinaya muhiimadda uu xeerkaasi casriyaynta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka   u yeelan karo.

Waxaan leeyahay mudanayaaloow xeerkaas ansixintiisa aad u dedejiya,si aanay ka gaabintiina xeerkaasi taariikh xumo idiin dhaxalsiinin.berrina aanla idiinku naanaysin.

Comments are closed.