Hargeysa: Qiimaha Shidaalka Oo Meel Sare Gaadhay

2
675

Hargeysa(Geeska)-Qiimaha shidaalka ayaa u muuqda inuu maalinba maalinta ka dambaysa cirka isku sii shareerayo, iyadoo aanay jirin wax qorshe ah oo ay xukuumadu kaga hortagayso qiimo korodhka shidaalka.

Qiimaha shidaalka ayaa maalmihii u dambeeyay u muuqday mid aan sare u kac mooye aan hoos u dhacba lahayn, mana jirto wax tafaasiil ah oo ay xukuumadu ka bixisay;  marka laga reebo wasiirka ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif oo ku sababeeyay budhcad badeeda. Qiimahan shidaalka ayaa saamayn ku yeeshay nolosha bulshada Somaliland ee danyarta u badan. Sababaha kor u kaca shidaalka keenaya ayaa waxa ay dad badani aaminsanyihiin go’aankii uu Madaxweyne Siilaanyo kalsoonidii kagala noqday shirkadii TOTAL ee qaabilsanayd keenista shidaalka, waxaanay xukuumadu ilaa hadda tahli kari la’dahay inay maamulka haamaha shidaalka Berbera ku wareejiso shirkad madaxbanaan oo awood u leh inay kafaalo qaado baahida shidaal ee dalka.

Xisbiga KULMIYE ayaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa wuxuu war-murtiyeedyo cambaarayn ah ka soo saari jiray marka ay xaaladaha noocan oo kale ahi soo kordhaan, waxaanay xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku tilmaami jirtay dacaayado raqiis ah.

Comments are closed.