Fuqarada dunida oo tiradoodu kor u dhaaftay hal Bilyan oo ruux iyo qaramada midoobey oo ku guul darraysatay dhimista gaajada

0
589

 Hargeysa (Geeska/W.Wararka)- Warbixin sanadeedka la socodka xaaladaha dunida ayaa sannadkan lagu sheegay in qiyaas ah 1.02 Bilyan oo ruux ay faqri dunidan ugu noolaan doonaan tan iyo sannadka 2015-ka, waxa aanay warbixintu ku baaqday in ay lama huraan tahay in dunidu ka shaqayso wanaajinta hababka loo marayo hannaanka sugidda cunto helidda adduunka.

Warbixintan oo ay iska kaashadaan hay’adda lacagta adduunka iyo bangiga adduunku waxaa lagu sheegay in horumara dunida soo koraysaa uu yahay mid aad uga gaabinaya gaadhista ujeedooyinka caalamiga ah ee la xidhiidha cuntada iyo cunto siinta, taas oo keentay in ay aad kor ugu kacdo tirada carruurta iyo hooyooyinka u dhimanaya nafaqo yarida iyo cunto xumida.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in bartilmaameedyadii ay dunida dhigatay sannadkii 2000 ay badankoodu noqdeen kuwo aan sidii la rabay loo gaadhi karin sannadka 2015-ka, waxa aanay si gaar ah u tilmaamtay qorshihii ahaa in illaa kala badh la dhimo tirada dadka fuqarada ah iyo in lala dagaalamo gaajada. Dib u dhacaas oo loo aanaynayo in sababihiisa ay ka mid tahay sicir bararka xad dhaafka ah ee ku dhacay cuntada adduunka sannadihii 2007, 2008 iyo sannadkii 2011-kii.

Sannadkii 2000 ayaa ay Qaramada midoobwy u xaddiday in ugu dambayn sannadka 2015-ka dunida illaa kala badh laga yareeyo faqriga lana wanaajiyo xaaladda nololeed ee malaayiinta qof ee ku dhaqan dunida saddexaad.

Afhayeen u hadashay hay’adda gargaarka ee Oxfam oo lagu magacaabo Sasanka Thilakasiri ayaa mar ay ka faalloonaysay warbixintan waxa ay sheegtay in ay adagtahay in dadyowga faqiirka ahi la qabsadaan nolosha cusub ee ka dhalanaysa sicir bararka ku dhacay cuntadii dunida, maadaama oo dadkaasi in ka badan kala badh dakhliga soo gala ay ku bixiyaan cuntada ay cunayaan. Sasanka waxa ay sheegtay in culayska ugu badani ku dhaco dumarka oo ay sheegtay in ay dhabarka u ritaan quudinta carruurta, bukaanka iyo dadka da’da ah ee qoysaskooda, taas oo keenta in qiimo korodhka ku yimi cuntada dunidu uu dumarka ku keenay silic hor leh iyo in ay cunaan cunto ka yar kana nafaqo yar cuntadii ay u baahnaayeen ama ugu yaraan u dhigmaysa dhibta shaqo iyo socod ee so ogaadha, waxa aanay marar badan ku kalliftaa in ay dawarsadaan.

Dhanka wanaagsan ee warbixintan ayaa sheegaya in lagu guulaystay qaar ka mid ah qodobbadii la beegsanayey in wax laga qabto oo ay ka mid tahay in waxbarashada aasaasiga ah la ballaadhiyo, in hablaha wax la baro iyo la wanaajiyo fursadaha lagu heli karo biyo nadiif ah.