Eng. Maxamed Xaashi Oo Waraysi Gaar Ah Kaga Hadlay Xaaladda Dalka, Xil ka qaadistiisii, Tabashada Ururada Diiwaangelinta ku hadhay, Is Casilaadii laga diiday iyo talooyinka uu Madaxweynaha u diray

4
734

xaashiHargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay marxalada uu dalku marayo, tabashada ururada ay guddiga diiwaangelintu sheegeen inay ku hadheen wejigii hore ee qiimaynta ururada, iyo sida uu u arko xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Siilaanyo.

Eng. Xaashi, oo shalay waraysi wada jir u siiyay Wargeyska Geeska Afrika iyo shabakadda Hadhwanaagnews, ayaa wuxuu Madaxweynaha u soo jeediyay talooyin la xidhiidha dejinta tabashada madaxda ururada siyaasadda ee qaadacay natiijada guddiga diiwaangelinta, waxaanu ka hadlay talaabadii uu xisbiga KULMIYE xilka kaga qaaday guddoomiye xigeenkoodii Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. Eng. Maxamed Xaashi, waxa kale oo markii u horaysay uu ka hadlay xil ka qaadistii uu Madaxweyne Siilaanyo shaqadii uu qaranka u hayay kaga fadhiisiyay.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya marxaladda uu dalku marayo wuxuu yidhi  “Haddii aan ka bilaabo xaalada qalafsan ee geeska afrika ka taagan ama Somaliya iyo Somaliland wadahadaladooda iyo waxa la sheegayo, waxaynu u baahanahay isku duubnaan isku dul qaadasho, samir iyo inaynu arimaheena sidaynu ku xalisan jirnay aynu ku xalino.

Taariikhda SNM halganada kale waa ay ka duwanayd waxay ahayd taariikh dumuqraadiya oo la doorto madaxdeeda saddexdii sannoba mar, oo maynaan lahayn gudoomiye waligiiba meesha ka madaxa sida ururda kale ee halganada ku jiray ay ahaan jireen, taasi waxay inaga inoo keentay markaynu dalka ku soo noqonay sharcigeenuna uu dhigaayay in laba sanadood SNM ay xukunka hayso dabadeedana ay ku wareejiso shacabka, sidiina waa la sameeyay oo waa tii lagu wareejiyay.

Xaaladeenu waxay ahayd xaalad waxii khilaaf ah ee yimaada aynu is afgarad iyo isku dulqaadasho iyo samir ku dhamayno, waynagii Burco ku shirnay ee isugu yeedhnay beelahii Somaliland wada dagi jiray madaxdoodii, alaadiintoodii, odayaashoodii iyo wax garadkoodiiba, waxaynu nidhi waxii ina kala gaadhay aynu iska saamaxno, oo beelahii inaga soo horjeeday ee Ina siyaad Bare la safnaa iyo inteenii la dagaalmaysay waynagii Burco ku shirnay deedna waxaynu goosanay oo u dhamayn go’aankaas in ingiriisku siduu xornimada inagu siiyay aan la soo noqono xukunkii inaga lumay ee lixdankii. Beelahii oo dhan waa ay isku yimaadeen waxaana la dhisay dawlad laga wada qayb qaatay, ilaa barigaa waxii khilaafa ee ina soo dhex mara wada hadal iyo is afgarad ayuunbaynu ku dhamayn jirnay.

Arimahii aynu sidaas ugu soo dhaqmaynay maanta maalin aynu uga baahi waynahay in anyu isku duubnaano oo aynu wax wada qabsano oo aynu meel ka soo wada jeednaa ma jirto. Sidaas darteed waxaan damcay inaan xaaladaheena dib ugu yara noqono oo imika 15 urur ee la diiwangaliyay kala saaridoodii baa soo baxday dabadeedana tiibaa buuq iyo hadal  dhalisay, waxaan anigu qabaa in buuqaa iyo hadalkaas laga maarmi lahaa oo qofku markuu cabanaayo maxaad ka cabanaysaa iyo in laga shaafiyo ayuunbay ku xidhnayd,.

Ibraahin dhega weyne oo ciidamadii soo halgamay kamid ahaa, Cabdiraxmaan aw Cali oo isaguna kamid ahaa madaxweyne ku xigeena  noqday, haddii iyaga iyo qayrkoodba intuu u yeedho madaxweynuu uu yidhaahdo maxaad ka cabanaysaan, markay sheegaan cabshadoodana gudidii uu u magacaabay diiwangalintana ee qoladan ka cabanayeena uu yidhaahdo ka jawaaba oo qanciya oo urur urur ula shira oo mid walba halkuu ku dhacay iyo halkuu ku guulaystay ku qanciya, dhawr nin oo kale oo dhex dhexaadiyana uu u magacaabo   arinteenu waa ay dami  lahayd, midna ixtiraam baaba ku jira niman madax ahaa oo u soo halgamay dalka oo aanay ciddi ugu lexejeclo badnayn dalka oo naftooda u huray in loo qaato inay duminayaan dalkii, kuwii shalay yimina in loo qaato inay uga lexejeclo roonyahiin dalkiina waa mid khalada, in ururdaas mid mid loo dhagaysto xaqbay u lahaayeen, loomana baahdeen ciidamo saqda dhaxe la soo ururiyo oo kolba lagu xeero meel, mudaharaadkuna maba yimaadeen, aan wada hadaladu hadday horayn lahayd.

Inaga oo maanta wada hadaladii Somaliya ay inoo socdaan in aynu dad qaybsan u muuqanaana mid meesha ku jirta maaha, kolkaas waxaan qabaa nimankaas madaxdaa ee soo halgamay in la dhagaysto iyaga iyo qayrkoodba oo waxay ka cabanayaan la waydiiyo. 15-ka ururba haddii ay soo baxaan waxay dhibaato inagu keeni lahaayeen sida doorashada loo galaayo taasina farsamo aynuunbaa loo heli lahaa, marka doorashada la galana saddexda ugu codka badan ayuunbaa soo hadhi lahaa.

Taariikhada marka dib loogu noqdo dugsiyadaa inu yaraa magaalo waliba dugsi dhaxe oo kaliyaata ayay lahayd, markaas inta dugsiyada dhaxe laysku soo ururiyo ayaa Sheekh imtixaan lagu gali jiray, dabadeedna lixdaneeyo ayaa la qaadan jiray oo la odhan jiray kuwaas ayaa imitaxaankii baasay, kuwan kaleba in ay wada baaseen ayaa suurtawda, laakiin halkii laga odhan lahaa meel laydii ma hayo ayuunbaa la yidhi way dhaceen, way dhaceentaasina ilmahii waxay ku ahayd xad gudub ileen muu dhacine, meeluunbaa loo wada waayay, 15-kuba hadday gudbaan dee in la yidhaahdo waa ay dhaceen may ahayn, ee waxay ahayd in la eego oo la yidhaahdo farsamadee ayaynu u qabanaa, waxiina layska qanciyo.”

Wuxuu soo jeediyay in la dhawro maamuuska iyo sharafta madaxweyne, waxase uu taas ku xidhay in Madaxweynahana laga sugayo inuu dariiqa toosan maro oo uu dadka dhex u noqdo, waxaanu yidhi  “Maamuuska iyo sharafta madaxweynaana in la ilaaliyo ayaa iyaduna meesha ku jirta, waxayse taasina ku imanaysaa isagaa mindida daabkeeda hayee markuu dariiqa toosan maro oo uu dadka u dhex noqdo, kuwii ururda kala soocayay iyo kuwa la kala soocayayba isagaa u madax ah in isaguna milgahii xafiiska uu eego, nimankana waa ay ka mudan yahiin inuu la sheekaysto oo uu wax waydiiyo, sharafteenii inay ku dhimato inaga oo is hays-haysana maaha mid meesha ku jirta.”

Isagoo ka hadlaya arrintii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxuu yidhi “Maalin dhawaydna waxa inagu dhacay wax aynu ka maarmi lahayn oo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir markii laga saaray xisbigii aan hadlo ayuu yidhi, aan hadlo wax alle waxay in kalifi lahayd majirto oo waxii la yidhi uunbuu wax ka odhan lahaa, isna albaabka ayuunbuu ka baxi lahaa isaga oo qancay ama dadkii qanciyay, hadlimaysid ee aniga ayuunbaa hadlaaya dhibaatadeeda ayay leedahay oo ina Rayaale ayaynu ku soo aragnay, Kulmiye waxa uu ka caban jiray mudaharaad ma dhigi kartaan iyo waanu dhigi karnaa, rasaasbaa laysku ridi jiray foolxumaa ka dhalatay, markaas Kulmiye inuu raadkii ka leexdo ayaa meesha ku jirtay, xaalada aynu maanta ku jirnaa waa mid lagaga baxi karo wadatashi iyo isku duubnaan.”

Isagoo madaxweynaha la hadlaya wuxuu yidhi “Maanta waxan leeyahay wali waa arin inoo taala, madaxweynaana waxaan odhan lahaa ama guddi u saar ama adba u yeedh nimankii halaga qanciyo  halkay ku fashilmeen ee kuwa kalena ku guulaysteen, oo haddii shalay meel walba ciidamo  ku xeernay, maantana waa ay inoo taalaaye aynu ta wanaagsan ka raacno oo dawladu si sharaf leh iyo qancis iyo wada hadal ay ararintii ku dhamayso. Waxaan maqlayoo kale niman u haysta in bil khasab wax laysku marin karo, cidna lagama adkaan karo oo horay inoo soo martay, waxaan leeyahay shalay haddaan qaldanay maantaba waa ay inoo taala halagu noqdo oo arintii dib haloo raad raaco. Waxaan anigu qabaa in magaceena iyo magaca dawalda iyo xaaladaha ina soo food saaray inaynu dulqaad iyo wada hadalkii aynu ka dhamaysan jirnay aynu ku dhamayno.”

Maxamed Xaashi, wuxuu soo hadal qaaday xubno guurti ah oo habeen hore ka hadlay telefishanka qaranka, waxaanu yidhi  “Guurtidu waxay u xil saaran yahiin  waxii khilaaf ah inay xaliyaan, xalay ( Habeen hore ) waan maqlayay, waxaanad moodaysay markaad hadalkooda eegtid inay dhinac  u xaglisay, madaxweynaa ka sokow iyagaa odhan lahaa waar halkaynu wax ka qabanaa, oo qudhooda ayaaba intan ku filnaan lahaa, haddii xaga wanaagsan laga eegyo, laakiin mid waliba waxa uu ku soo dhamaynayay hadalkiisa cadaaalad baa furan, cadaaladeenana waynu ognahay, markaas tan ay qoladaas ku riixayaan waa mid ay iyaba ka soo quusteen oo maanta ma jirto cadaalad aynu ku kalsoonahay, cadaaladuna waxay u baahan tahay dib u dhis iyo in habka ay tahay wax lag badalo. cadaalad laysku riixana majiro ilaa inta la hagaajinayo. Markaas waxaan odhan lahaa aynu dib ugu noqono xaaladii oo wali waynu ladanahaye, oo laga daayo xoog sheegasho, Maanta waxaynu u baahanahay isku duubaan ee aynu arinteena ku dhamaysano.”

Intaas ka dib waxa Maxamed Xaashi la weydiiyay su’aalo u dhacay sidan:

Saaxiibkaa Dr.Gaboose oo aad ururkii Qaran ku wada jirteen, haddana Kulmiye aad wada gasheen, markii u danbaysayna aad xukuumadan ka wada tirsanaydeen, dhawaan waxa uu sheegay inuu ka qoomamaynaayo taageeradii Siilaanyo uu la garab istaagay umaddana uu waydiisanayo cafis, arintaas sideed u aragtaa? Se adigu miyaad la qabtaa?

Horta anigu tan aan ka hadlayaa waa in laysku dulqaato iyo waxeena in aynaan iska qaribin, kolkaas is qabqabsadku inaga maanta dan inooma aha, xataa haddaad gar leedahay maanta maalinteedii maaha baan qabaa, isagu [Gabose] waabu iskagatagee aniga waaba layga eryay, haddana wax naxli ah oo iigu jiraa majiro, waayo waaban nastay oo waanigan sagaalka toosaaya, xil uunbaa layga qaaday ee wax laygu sameeyay ma jirto. Anigu waxaan qabaa maanta maalinteedii maaha aynu faraha isku fiiqfiiqaynay,  dulqaadbaynu u baahanahay, intay arintu socoto oo aynu ictiraaf helayno ama  Somaliya aynu dhan u kala dhacayno, in aynu sidii aynu wax u wadan jirnay ayn u sii wadano ayaan anigu qabaa.

Waxa jirta hay’ad ingiriiska laga sameeyay oo la yidhaahdo SDC oo la yidhi mucaawinooyinka iyo deeqihii dibada ayaa lagu soo shubayaa, wasiirkii maaliyadaad ahayd ee wax talo ah ma kaa soo gaadheen markii hay’addaas la samaynaayay, maxaadse ka ogtahay?

Maqalkaas aad maqashay uunbaan maqlay, laakiin wax talo ah oo layga waydiiyay iyo siday u shaqaynayso,waxa lagu soo shubaayo iyo halkay ku danbaynayso iyo cid raad raaceeda leh midna lamaan socon.

Dadku waxay aaminsan yahiin hadday mushahar kordhin noqoto iyo hadday ardayda oo lacagtii laga dhaafay ay noqotaba, inaad adigu wasiirka maaliyada ahayd  wax qabadkii  lagu faanayay aad qabatay, shirkii Kulmiye laguguma soo casuumin sidaad u aragtaa?

Madaxweynuhu isagaa i magacaabay oo inuu ku faano xaqbuu u leeyahay, oo dadkan uu magacaaba waxay qabtaan isaguunbaa magaceeda guud ahaan leh, oo haddii aanu nagayn meesha maanaan samayneen waxan, libtaas isagaa leh. Waxaanse qabaa inay aragti gaaban tahay oo dadku haddii ay shaqadii ku kala tageen may kala dhiman colaadina ma jirto, mid iiga fog oo tacabkaan soo maray aan soo marinba waa la casuumayee dee in  lay casuumaa waxaan u malaynayaa in ay iyaga magac u ahayd, aniguna ma diidi kareen casuumad lay soo fidiyay, taas waxaan u malaynayaa xagooda ayuunbay doqoniimo ka ahayd.

Siyaasiyiin badan ayaa ka qaylinaysa hoggaamintii madaxweyne Axmed Siilaanyo oo waliba aad SNM-tii ahaydeen, hadday Cali Guray tahay, Dhagaweyne, Gaboose, adigu hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo Sideed u aragtaa?

Horta hoggaan waliba guulana wuu leeyahay dibu dhacna waa uu leeyahay, illaahay uunbaan dhaliil lahayn, qolayhii xukunka ku jiray sidayda oo kale kolkaan xukunka ka tagnay inaan qayl qaylinaa waa laga fiican yahay ayaan qabaa, waayo kolkii hore ee aad ku jirtay ayay ahayd waxii aad odhanayso inaad tidhaahdo, aniguna imika ma dhaliilo( Xukuumadda ), taan maanta leeyahayna waa ta ugu toosan ee aan is leeyahay wax ku toosi  waana dalkii oo laygama xigo, dalkiina waxii la toosin  karo in la toosiyo weeye, waxii la qaban karana la qabto, waxii la asturi karana la asturo xaalada aynu ku jirno ayaan si kale inoo saamaxayn.
Nimankan aad ii tirinaysaa niman naftooda huray bay ahaayeen,  Cali Guray imisa hawlgal ayuu galay, kolkaas waxa weeyeen in isaga laftigiisa loo yeedho oo layidhaahdo bal  hada waxii dhaliilo ah taladeedana na sii, kolkaas horta is waydiin uunbaa meesha ka maqan, dadkan odhanaaya yaan la wada hadlin dee bina’aadam baynu nahayoo waa la wada hadlayaa, madaxda waa la dhaliilayaa, waxa weeyeen nin durbaan qaatay ilaaq dalbay, kolkaas madaxdiina waanu noqonaynaa, dalkiina waanu ka talinaynaa yaan nalala hadlin wax soconaysa maaha, in la xad dhaafana wax meesha ku jira maaha. Waxan qabaa inaynu xeerino dalka, nabadgalyada aynu joogno, Somaliya sidaynu kaga duwanahay, xaalada ina soo waajahday iyo sidaynu uga baxi karno inaynu waxan oo dhan xeerino ayay ku fiican tahay oo aynaan is eryan.

Xilkii baa lagaa qaaday. Ma shaqadaada ayaad ka soo bixi wayday, mise wax kalaad gashay, waxii lagugu eryay ee aad ogtahay umadda u sheeg?

Intan aad leedahay midna ma ogi, waraaqda laysoo diray waxa ku qornayd (Xilku waa meerto ), xilku waa meertana dhan aad u qaado garan maysid, waana wax run ah oo nina uma dhalane kolbaa la magacaabay, kolna waa uu ka tagaa, intaasaa aniga waraaqda iigu qornayd, madaxweynuu intuu ii yeedhay imuu odhan dhaliilahaagu waa sidaas iyo sidaas oo anigaaba wax ka koradhsan lahaa, oo marka dhaliilaha lay sheego waxna waan ka garaabi lahaa waxna waxaan odhan lahaa malaa sidaas maaha, intuu ii yeedhay wali imuu odhan Maxamedaw sidaad iyo sidaas; oo inaan is naqaanba ma moodid sida runtaa, markaas waxaan kuu sheego maanta oon ogahay ma garanaayo.

Ma filaysay  in sidaas dag daga ah xilka lagaaga qaado?

Dhawaan ayaan is casilayba anigu, waana layga diiday, oo madaxweynuu gurigiisa ayuu iigu yeedhay oo isaga iyo xaaskiisuba waxay yidhaahdeen ka noqo, waan ka noqday, haddana inay sidaas dhaqsaha ah u timaado malaa yara aargoosi ayaa ku jiroo idinku kaga horeeya uunbaan is odhan karaa.

Egn.Maxamed Xaashi Siyaasibaad tahay, ma ururdan ayaad kamid tahay, siyaasadii miyaad ka fadhiisatay, halkaad ku danbaysay?

Horta kolka hore shaqadii aan Sucuudiga ka shaqaynaayay ee 80-kii ayaa shaqo iigu danbaysay waana muddo dheer, hagalkana 78-kii ayaan bilawnay oo waa dharw iyo sodoan sanadood intaan ku jirnay, dalkana kama tagin, markaas wax lacag ah oo aan meel dhigtay iyo waxaan ku galo doorashooyinka ma jirto, intii la qadimaayay ee $ 25,000 ahayd ayaan isoo marinba, taasi waa xaga jeebka, si kalena waan ugu joogay oo siyaasadeenii 60 sanadood oo khasaare ah ayaynu ku jirnaa, barigii hore xisbiyadu waxay lahaan jireen bilad oo reer hebelka waa laga xanaaqi jiray, dabadeedna madaxtinimadu waxay ku soo baxi jirtay nin iyo dadaalkii, kolkaas imika waxa loo noday reer hebel inteebaa mansab haysa, waxaand arkaysaa dadbadan oo wanaagsan in aanay reer hebelkii ku soo galaynin, kolkaas dib baynu u dhacnay, oo waxa la dhex galo iiguma muuqato sidan ay imika tahay, laakiin waxii aan toos toosin karo dalka laygama xigo tacab badana waa uu iga soo galay.

Comments are closed.