Xildhibaano Ka Soo Baxay UCID Oo Isbahaysi La Samaystay KULMIYE Iyo Gol-jilicda Muxaafidka Ee Mucaaridku Ka Faa’idaysan Karo

0
899

Loolankii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo Weji kale oo cusub galay iyo Tirada labada dhinac ku galayaan Doorashada Shir-guddoonkaasi

Hargeysa (Geeska) – Loolanka ay Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xisbiga Muxaafidka ahi ugu jiraan Hanashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa weji cusub galay.

Xisbiga KULMIYE ee haya Talada Somaliland, ayaa Shalay soo bandhigay 11 Xildhibaan oo ka soo baxay Xisbiga UCID, kuwaasi oo la samaystay Isbahaysi ah inay codkooda siiyaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo KULMIYE ugu sharraxan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, halka laba Xubnood oo xagga UCID ka socdana ay u sharraxan yihiin Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golahaasi.

Musharraxii Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Axmed Cabdi Ebyan oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee garabkan la socda oo ugu horrayn ka hadlay Munaasibadda Isbahaysigan lagu soo bandhigay ayaa sheegay inay Xisbiga KULMIYE isku aragti ka noqdeen Cidda noqonaysa Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Axmed Cabdi Ebyan oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Annaga oo ah Kaadiriintii Xisbiga UCID iyo xildhibaannadiisii, waxaanu Xisbiga KULMIYE isku aragti ka noqonay sida uu noqonayo Shir-guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada, taasi ayaanu isku fikir ka nahay. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah Shaqsiga ugu habboon Guddoomiyaha Golaha Wakiillda, khibrad ahaan, Waayo-aragnimo ahaan oo ka socda Kulmiye iyo Siciid Mire Giire iyo Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo ka socda UCID inay noqdaan Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.”

Xildhibaan Cabdinaasir Cismaan Yuusuf (Qodax) oo u sharraxan Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Siyaasadda waxa la yidhaahdaa waa marba wixii Suurto-gal ah, Kulmiye iyo Madaxweynaha iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE markii aanu isku nimid ee aanu wada-hadalnay, waxaanu isku qancinay inay igu dhisaan Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada, haddana duruuf siyaasi ah oo timid, waxaanu isku qancinay inay labada ku-xigeena ay ka yimaaddaan xisbiga UCID, Guddoomiyahana aanu ku dhisno Faratoon, Dood dheer ka dib Aniga iyo xubnahayaga kale waxaanu isku qancinay in Walaalkay Siciid Mire Giire lagu dhiso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Anigana ka labaad la igu dhiso..”

Xildhibaan Siciid Mire Giire oo isaguna u sharraxan Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa  sheegay inay UCID uga yimaaddeen Caddaalad-darro iyo in Taladoodii laga hoos qaadi waayay  “Waxa keenay inaanu la Bahowno Xisbiga KULMIYE waa Talo Maroorsi iyo Caddaalad-darro ka dhacday Xisbiga UCID ..”

Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee Xisbiga KULMIYE Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo isaguna Gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Xildhibaannada 9-ka ee isbahaysiga la samaystay KULMIYE si ay isagana ugu codeeyaan Maalinta doorashada Shir-guddoonka, waxaanu yidhi “Waxaanu isku afgaranay in aanu golaha wakiillada ee 82 xubnood ka kooban aanu si wanaagsan u hoggaamino” ayuu yidhi, waxaanu intaa u daray “In aanaan mucaarad iyo muxaafad ugu kala eexan, ee aanu si dalka dan u ah ku hoggaamino, markaa waxaan doonayaa in qolada mucaaradka ahina u fahmaan in meesha aan dagaal loo tagayne loo tagayo sidi dalka wax loogu kordhin laha”

Tirada Xildhibaannada UCID ee isbahaysiga la samaystay KULMIYE, ayaa tirada uu xilligan loolanka ku galayo KULMIYE ka dhigaysa 39 Mudane, halka Isbahaysiga Mucaaradkuna haystaan 43, laakiin Dadka siyaasadda fallan-qeeya ayaa qaarkood waxay farta ku fiiqayaan inay jirto Gal-daloolo uu leeyahay Xisbiga KULMIYE marka loo eego dhinaca loolanka Shir-guddoonka, waxayna sheegayaan in Xisbiga KULMIYE uu luminayo Xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Awdal, maaddaama oo Isbahaysiga Mucaaradku uu Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada u qorsheeyay Xildhibaan ka soo jeeda Awdal, halka aanu Kulmiye qorshaha ku darsan inuu kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ku dhiso Xildhibaan ka soo jeeda Awdal, taasi oo keeni karta in Xildhibaannada reer Awdal ee Kulmiye ay door-bidaan inay codkooda siiyaan dhinaca Mucaaradka, maaddaama oo la siiyey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

 

Geeska.net/Hargeisa Office