“Saxaafaddeenu Waa Inay Wixii Dalkooda Dhisaya Ee Qiimo U Yeelaya Ay Ku Shaqeeyaan Oo Baahiyaan”

0
2363

 

Picture4Hargaysa( Geeska )-Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa warbaahinta ugu baaqay inay maskaxda ku hayaan qaranimada dalkooda, isla markaana ay meesha ka saaraan inay raadiyaan xumaanta dalkooda.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu shacbiga u soo jeediyay inay wada jirka iyo qaranimada Somaliland meel uga so wada jeestaan, Waxa uu hadalkan ka sheegay Madaxweyne Axmed Siilaanyo Mar uu ka hadlaayay xaflad loo qabtay Barnaamij loogu magac daray qiime qofkaaga, oo ay Madaxweynaha, wasiiro iyo dad kale ka mid ahaayeen dadka biladaha la guddoonsiiyay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Waxa loo baahan yahay inaynu maskaxda ku hayno qaranimadeenna, wada jirkeena iyo midnimadeena, ilaalinta nabad-gelyadeena iyo wada jirkeena ilaalino.” Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi  “Dalkeenu waa inuu noqdo mid aynu ku faano qaranimadiisa iyo xoriyad-doonkiisa oo aynaan xumaantiisa uun raadin oo aanay saxaafaddeenu had iyo jeer xoriyad madax-banaan ayay haysataaye, markaa waa inay wixii dalkooda dhisaya ee qiimo u yeelaya ay ku shaqeeyaan oo baahiyaan”