Guddoomiyaha Baanka Oo Ka Hadlay Isfaham Ay Telesom Ka Gaadheen Isbedel Lagu Sameeyo Adeega Lacageed Ee Zaad

0
516

Picture4Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha baanka dhaxe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo warbixin siinaayay golaha wakiilada, ayaa sheegay in saddexdii bilood ee ugu danbeeyay ay la lagdamayeen sare kaca ku yimid doolarka ayna damacsan yahiin inay halkiisii ku soo celiyeen. Waxa guddoomiyaha xog-waranka ku weheliyay agaasimaha baanka Cabdillaahi Xasan Aadan iyo madaxda laanta xarunta Maxamed Ducaale Bade.

Gudoomiye Cabdi Dirir Cabdi waxa uu ku sababeeyay kicitaanka doolarka in dalka aanu soo galin doolar ku filan xiligii iibka xoolaha iyo in adeega Zaad uu kaydiyay lacag badan oo doolar ahayd oo suuqa soo gali lahayd hoosna u soo dhigi lahayd sixirka doolarka. Waxaanu xusay in adeega Zaadka ay shirkada Teleson kula heshiiyeen in loo badalo ku xisaabtankiisa iyo lacagta laysku diraayaba shilinka Somaliland, waxa uu intaas ku daray gudoomiyahu inay u diyaar garoobayaan sidii ay lacagta Somaliland u gaadhsiin lahaayeen gobalada Sool iyo Sanaag oo aanay wali gaadhin.

Waxaanu gudoomiye Cabdi Dirir ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Waxaan ka hadlayaa arimihii u waaweynaa ee saddexdii bilood ee u danbeeyey  aanu galnay iyo wixii nooga qabsoomay, arinta ugu horaysa waxa weeye inaanu sadexdii bilood ee ugu danbeeyey  la lagdamaynay sixir bararkii ka yimid doolarka  oo sare u kacay sidii aanu  u dajin lahayn, saddex toddobaad ka hor doolarku waxa uu ahaa 7250 shilinka Somaliland ah maantana waxa uu taagan yahay 6700 markaa waa la dareemi karaa is badelka aanu arintaas ka samaynay joojina mayno ilaa aanu gaadhsiino sixir Munaasiba.”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Dollarku sanadihii hore waxa uu dhici jiray wakhtiga aynu xoolaha dirno sanadkan wax ayaa iska bedelay arintaas oo xoolihii laynaga iibsan jiray sidii hore may  ahayn sannadkan, dadka xoolaha ka ganacsadaana waxay ka soo iibsadeen kililka shanaad ee dalka Itoobiya iyo koonfurta Somaliya, doolarku waxa uu gaadhi jiray wakhtiyadii hore 6200 shilinka Somaliland ah sanadkan marka laga bilaabo wakhtigii xoolaha la dirayey waxa uu gaadhay  6500 dabadeedna kor ayuu u sii kacay arinta keentayna waxay ahayd doolarka oo ku yaraaday suuqyadeena.”

Gudoomiyaha baanka oo ka hadlaaya saamaynta doolarka sare u kacay uu ku yeeshay adeega Zaad waxa uu yidhi “ Waxaanu la kulanay shirkada Telesom anaga oo ka wada hadlayna arinta Zaad-ka oo aanu is leenahay saamayn ayey ku leedahay sixirka doolarka ee kor u kacay, shirkadaasna waxaanu u sheegnay inay arintan ay wadaan ee Zaad-ku ay tahay Electornic Banking kana dhalatay sharci daradii ka jirtay qaybta adeega maaliyada iyo lacagaha sharcigaasina aanu sii socon doonin.anaga oo rajaynayna in adeega Zaad-ku aanu ku sii shaqayn doonin nidaamka isku bedelka lacagaha oo uu sidaa ku sii socdo haddii aanay shirkada Telesom talaabo qaadin oo aanay samayn baan uu Zaad-ku hoos yimaado, waayo Zaad-ku waa Electronic Banking lacag fara badan oo dibada inaga soo gashaana waxaanu qabnaa inay ku wareegayso xisaabaadka uu Zaad-ku leeyahay taas oo keenta inuu doolar fara badani gacmaha isku adeega Zaad-ka isku waydaarto taas oo aanu aamin sanahay inay wax yeeli karto doolarka suuqa soo galaya, Waxaanu ku nidhi arintaasi mid aanu idinka yeelayno maaha, waxaanan rabnaa inaad hore u soo kacdaan oo aad samaysaan baan uu Zaad-ku hoos yimaado waanay naga yeeleen waxaanay sheegeen inay doonayaan inay baan samaystaan, waxa kale oo aanu isla gaadhay inay Zaad-ka doolarka ah wax ka qabtaan oo ay u badalaan shilinka Somaliland, waxaanay balan qaadeen inay qaabkooda wax ka badali doonaan.”

Sidoo kale gudoomiyaha baanku waxa uu  ka hadlay qorshe ay ku doonayaan  inay furayaan baananka ganacsiga, isaga oo tilmaanay inay dhawaan hir gelin doonaan waxaanu  yidhi “ Waxaanu doonaynaa inaanu furno nidaamka baanka ganacsiga maadaama oo aanay jirin dadka khibrad u leh nidaamka baanka ganacsiyada waxaanu baanka  aduunka waydiisanay inay noo tababaraan dad khibrad u leh oo maamula baananka ganacsiga, waanay naga aqbaleen tababarkiina intiisa badani wuu soo dhamaaday  oo gaba gabo ayuu ku dhaw yahay.”

Ugu danbayntii gudoomiye Cabdi Dirir waxa uu sheegay inay qorshaynayaan in ay lacagta shilinka Somaliland gaadhsiiyaan Sool iyo Sanaag “ Lacagteenu Sool iyo Sanaag wali may gaadhin waxaanu ku talo jirnaa oo noo qrshaysan inaan lacagteena labadaas gobalba wada gaadhsiino, waxaanu doonaynaa marka arimahan doolarku uu imika inaga yara dago inaan hawshaas galno kuna bilawno ugu horaynta gobalka Sanaag, allena waa uu nala qaban doonaa, waayo tii horeba geesnimo ayuunbaanu ku keenay waanay inoo meel martay.”