Hargeysa: Munaasibad Lagu Soo Dhaweeyay Wasiir Ku Xigeenka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada

0
658

Picture2Hargeysa (Geeska) – Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo ka mid Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa shalay Munaasibad lagu soo dhaweeyay xilka Madaxwaynuhu u Magacaabay Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo ka mid ahayd Muwaadiniinta mudada dheer ku hawlanaa arimaha horumarinta bulshada, ku qabtay Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay ka qayb-galeen dadwayne tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Madax-dhaqameed, Guddoomiyayaasha ururrada haweenka qaarkood iyo marti-sharaf, ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo loogaga mahadnaqay xilka Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada uu u Magacaabay.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Shukri Xariir waxaan leeyahay ILAAHAY xilka hakuu fududeeyo, qof walba sida uu u shaqeysato ayuu marka dambe macaashkeeda helaa ama waxtarkeeda ama Magaceeda, Shukri waxay ku amaanan tahay iyadda oo aan maanta la odhanayn cidbaa u soo shaqeysay, ama waala laaluushay ama reerbaa geeyay, xilka waxay ku heshay waxay soo qabatay iyo hawlkarnimo, xilka saarana waa Somaliland oo dhan, ILAAHAYNA waxaan ka baryayaa inaan ceeb kaga iman”

Xildhibaan Siciid Cartan, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xafladdani waa soo dhawayn iyo duco aynu raacinayno Shukri Xariir Ismaaciil, oo aynu leenahay xilkaa laguu dhiibay ILAAHAY ha kugu garab galo, waxaan leeyahay Shukri Xariir, waa ruuxii ugu Haboonaa xilkaasi, sidaa waxaan u leeyahay Shukri 20-kii sanadood ee u dambeeyay waxay ka shaqeynaysay arimaha bulshada”

Wasiirkii hore ee Wasaarada waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) oo isna ka mid ahaa dadka halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anigu aad iyo aad-baan u soo dhaweynayaa khaas ahaan markaan ahay wasiirkii hore ee waxbarashada oo muddo 8 sanadood ah la soo gagalayey Magaca Wasaaradaasi, rag iyo haweenba dadkii hawsheeda ila hayey ayay ka mid ahayd, maadaama oo ay arimaha bulshada ka shaqeynaysay, waxaanuna u wada shaqeynaynay si sharaf leh, halkay joogtana Magac ayay ku lahayd, maantana kii iyo mid ka weyn inay ku yeelanayso waan hubaa wayna u qalantaa, Madaxwaynaha waanu ugu mahadnaqaynaa inuu xukuumaddiisa ku soo daro dad tayo leh”

Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo iyaduna gabogabadii halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aaden (Siilaanyo) waxaan leeyahay aad ayaad ugu mahadsan tahay sida aad u danaysay ee indhahaaga iyo maskaxdaadu ula socdaan dhiirigalinta haweenka Somaliland ee ka qayb-galka arimaha siyaasada dalka.”