Qalinka iyo Waayaha: Ololihii Barafisoor Axmed iyo Taariikhda Dhinac Taal

2
773

Picture1Bishan Juun waxaynu la kulanay olole wayn oo dawladdu ku barbar socotay barafisoor Axmed Ismail Samatar. Shaki kuma jiro in ujeedadeedu ahayd mid siyaasadeed, ee aanay ahayn mid qofeed. Maqaalkan waxaan ku eegayaa saddex hal oo seegay dawladda, Jaamacadda Hargaysa iyo Axmedba. Waxaan kaloo taabanayaa fariinta uu Axmed gudbiyay inta aynu ka dhaadnay, iyo baahida ay muujinayeen ardayda iyo dadwaynihii ka qayb qaatay soo dhawayntiisu.

Dawladda Somaliland hal baa seegtay, waxay ahayd in ay Axmed ku casuunto guriga shaqaalaha oo ay ku xeerto shaqaaleheeda, si aan loo waydiin su’aalaha kakan ee taariikhdiisa dhinac socda, amaba danaha siyaasadeed kagala hadasho daaha dabadiisa. Magac xumo wayn ayay u tahay qaranka in qof aan muujin mabda’iisa loo fudaydiyo la kulanka bulshadda, waynu fahmi karnaa dhibaatada ay huwan tahay. Inkasta oo xeer ahaan aanay banaanayn in lagu go’aan qaato tilmaamaha uu bixiyo jidhka aadamigu (facial expressions), hadana layskuma diidana in uu la qaabyahay fariimaha afkeena ka soo baxa. Ninka ugu dhawaa ee gelbinayay Axmed wuxuu ahaa Geeljire, wejigiisa waxaa iiga muuqday tolow Axmed muxuu odhon doonaa maalintii labaad ee uu ka hadlayay Jaamacadda Hargaysa.

Jaamacaddana mid baa seegtay in ay martigeliso isla markaana hogaanka u qabato kulankan iyada oo ku tibanaysa marinka akadamiyadda. Sida caadiga ah akadamiyaddu waxay baadidoon ugu jirtaa in la gaadho runta kama danbaysta ah, waxay adeegsataa dagaalka qabow ee loo yaqaan faaqidaad (critique). Waa goob aan waxba laysu qarin. Maalintaas su’aalihii muhiimka ahaa Axmed waa laga horjoogsaday hadday ahayd onlinekii iyo tooskiiba, intii u holatayna muran iyo qaylo ayaa laga horgeeyey. Aqoontu xaq bay u lahayd in qof iyo lababa la siiyo midkiiba soddon daqiiqo oo ay ku faaqidaan aragtida Axmed hadday noqon lahayd tii uu ka qabay qabiilka, siyaasadda iyo dhaqaalahaba. Tusaale aan bixiyo, inan arday ah oo u dhashay dalka Holland ayaa beri warqad u diray ninkii la odhan jiray Jaarlas Daarwin (Charles Darwin), “ Daarwinow ma rumaysan tahay in Ilaah jiro.” Caruurtiisii ayaa u soo jawaabtay, una sheegay in uu gaboobay oo aanu arimahaas ka hadlin. Dib ayuu ugu celiyay, isagoo leh in aanu iyaga waxba waydiin, ee uu la hadlayay Daarwin. Waxay ka fursan wayday in ay hor dhigaan iyagoo leh inanka u jawaab, waxay la noqotay in uu Ilaah diid noqdo! Haddii qoys u arkayay xilkasnimadda aqoonta miyaan bulshana sii waynayn karin, haddii ay haa tahay miyaynaan bulsho ahayn.

Axmedna mid baa seegtay, mar haddii uu sheegtay aqoon, iyo weliba akadamiyad mudh baxday oo ku barbaartay carada dunidda isbiday ee Galbeed waxay ahayd in uu ka badheedho xaal bixin oo yidhaahdo waan khaldamay ee bulshow i saamax. Shakhsiyan maalintaa haddii uu geesinimaddaa samayn lahaa maan waydiin kareen saddex su’aalood oo aan rumaysnaa in aan  mid koodna Axmed u heleen marin aqoomeed oo saafan, waana kuwa aan ku waday in ay soo oodan, si uu u dugsaddo raganimadda xaalna u bixiyo. Sababtu waxa weeye qofku meel ka dhac wuu la yimaadaa, qirashaduna way maydhaa. Axmed marar badan wuxuu ku celceliyay in laysu dulqaado. Markii Axmed ay ku soo dacal dhebeen su’aalihii kululaa kamay muuqan dulqaadkii akadamiyaddu. Su’aad Carmiye oo ka mid ah muwaadiniinta u ololeeya Somaliland, aabeheedna ahaa shakhsiyaddii haddalada kooban sacabka badan loogu tumay, “adeer waxaan ku idhi maanta walaalkeen wuxuu idin soo hordhigo ha ku celinina, waayeheenana waa ogtihiin,” markuu ka soo baxay halkii lagu ansixinayay dawladdii labaad ee A/raxmaan Tuur soo dhisay. Tilmaanteedu waxay ahayd, intii Somaliland jirtayba in uu dagaal kula jiray, “maxaad u qabatay?” Jawaabtiisu waxay noqotay Somaliland ilaa lixdankii bay jirtay, Camuud baan wax u qabtay, “mise Camuud Somaliland uma taqaanid.”  Sidoo kale, arday baa waydiiyay in uu weli Somaliwayn aamin sanyahay iyo in uu ka soo noqday, taasna si aan dulqaad ku jirin ayuu uga jawaabay. Maalintii ku xigtay ayuu Axmed ilaacadda VOA-da ka sheegay mabda’iisa kama danbaysta ah, sida lay sheegay.

Intaas aan kaga gudbo araartii ololahaas. Axmed intii uu Muqdisho ka noqday iyo imaatinkiisii Hargaysa, waxaa gebi ahaanba isbedelay mabdi’iisii Soomaaliwayn. Su’aasha koowaad ee aan doonayay in aan gudbiyo waxay ahayd: ma midnimadda

Soomaalida ayaa buuxin wayday aragtiyaha (theories) ay ka duusho raadinta midnimo umadeed, mise Axmed ahaan ayaad kaga xidhiidh furatay halgankaas umadeed? Laabada su’aalood tay noqotaba qaar kale ayaa ka sii iba baxaya. Tusaale ahaan, ta hore waxa soo gelaya in aan Soomaalidu isku dhaqan ahayn.

Mar haddii Axmed tibaaxay in uu ku soo hungoobay hawl galkiisii, waxay la saan qaadaysaa ka xidhiidh furashadda. Halkan su’aalo ayaa hoganaya, Axmed markii u Soomaaliwayn u ololaynayay kumuu ahaa; wadani, aqoonyahan, iyo siyaasi? Aynu mid mid u qaadno. Inkasta oo siyaasiyiinta qaar ka mid ahi mabaadi’ iyo aqoonba yeelan karaan, waxayse u badan yihiin qaar mawqifkoodu is bedelo. Waxay caan ku yihiin doonis qofeed. Wadaniguse waa qof wadankiisa ka horaysiinaya ta qofeed. Turunturooyinka waayuhuna ma bedelaan mawqifkiisa adag ee wadaniyeed. Halgamayaasha wadaniyaduna taariikhda way ku suntan yihiin.

Aqoon yahanimaddu iyana waa qof waayaha ku ifiya toosh dhagaxaantiisu tahay aragtiyo (theories). Aqoonyahanku isagaa samaynkara aragtida amaba mid hore u jirtay adeegsada. Taas macneheedu waxa weeye in dhacdooyinka waayaha iyo hab dhaqanka aadamiguba ay raacaan qawaaniin ku xardhan dabacooda. Markaa aqoon yahanku waa indheer garad.

 

 Halkan waxaynu ku dhidibnay saddex eray doonis, mabda’iyo tilmaan aqoomeed (theory). Axmed waxaa looga fadhiyay in uu dunida hordhigo aragtiyo iyo fekraddo  cilmiyaysan oo uu horseed kaga noqdo dhibaatada Soomaalida, laakiin maynu maqal, intii uu soo noqdayna mar qudha kumuu tiraabin erayo ka fog kuwa dadka caadiga ah. Tusaale ahaan, qabyaaladda ayuu ka hadlay, wadaad iyo wabiinba way ka hadlaan; haddii aad dadka caadiga ah ee suuqa jooga waydiiso sida aynu kaga bixi karno dhaqaale xumidda, jawaabtoodu waa in aynu beero qodano, xoolo dhaqano, macdanta la soo baxno, meel walba waa laga sheegaa, waana intii uu barafisoorku yidhi, waa ciwaanadda buugaagta ka hadasha hore u marinta. Halkan waxa la gudboonayd in uu ka hadlo sababta aynu wax u beeran waynay, amaba shaqala’aantu u jirto iyo sida lagaga bixi karo.

Barafisoorku marbuu afka ku dhuftay erayga siyaasadda dhaqaalaha (political economy), waxaan sugayey in uu ban dhigayo hanaan dhaqaale oo jiho bedel ah (shift in economic system) sidii Adam Smith, Marx, Kaynes iwm, soo hadalka eraygaas waxba ma wehelin.

Su’aashayda labaad waxay ka mid ahayd lixdii su’aalood ee aan waydiiyay laba nin oo 1998kii u ololaynayay sidii dawlad Soomaaliyeed loo samayn lahaa, oo maxaadarooyin ka jeediyay Jaamacad ku taal dalka Baakistaan. Horta aan tilmaamee aad baan ula yaabaa dadka ku dooda midnimadda Soomaaliyeed waa muqadas. Waayo, waxay ku xanuunsatay gacmihii dawladdii ugu horaysay Soomaali ee Aadan Cadde, Afwaynana way ku ag sakaraaday, kuna ag dhimatay, Cali Mahdina si liidata ayuu u aasay. Su’aashu waa, Xagee baa ku maqnaydeen markii ay sii dhimanaysay? Barafisoorkana waan ku waday su’aashaa. Nin la yidhaahdo Maxamed Abokor Yuusuf oo dalka Isiidhan degan ayaa qoraal uu daabacay 2010kii kuna saabsanaa shir koox aqoonyahano sheeganaysay ku soo geba-gebeeyeen Jabuuti, ku hal qabsaday, hooyo inankeedii dagaal lagaga guulaystay, sidan bay u qorayd, Amiirkii muslimiinta ee ugu dambeeyey magaalada Granada ee dalkii loo yaqaanay Alanduluz amiir Maxamed ayaa markii ciidamadiisii la hareereyey lagu khasbay inuu ka baxo Granada oo uu weliba qaato wax dooni qaado. Dadkii doontaasi qaaday waxa ka mid noqday amiir Maxamed iyo Hooyaddii oo islaan xikmad leh ahayd. Amiirkaas oo islaantu wax ka saaraysay difaac xummaddi Granada, ayay waxay aragtay isagoo doonta dheegeedii ku tiirsaday oo sii eegaya imaaraddii laga qabsaday, oo indhihiisa ilmo ka daadanayso. Hooyaddii ayaa ku tidhi wiilkaygiiyow waadigii sida ragga u difaaci wayayey Granada, ee sida dumarka ha uga daba ooyin. Jamhuuriyaddii Somali republic waa tii sida ragga loo maamuli waayeye yaan maanta sida dumarka looga dab ooyin. Haddaba aqoonyahan, haddii aad wax tari kartaan wax uun ku biiriya meelaha horumarka iyo dhismaha ummadnimadu ka socdo.

adnimadu ka socdo.”

Su’aasha sadexaadna waxay ahayd, tixraac aan ka soo qaatay ninkii caanbaxay ee Aynishtayn, Jariidada Taymis ayaa qarnigii dhamaaday u sharaxday ninkii qarniga. Waxay qaadaa dhigtay guulihiisii cilmiga Fisikiska oo ah ka hogaamiya aqoomaha aadamiga oo dhan. Xikmadihiisa lagu xasuusto waxaa ka mid ah, “learning the laws of physics is reading the mind of God.” Iyo takale ee ahayd, “God does not play dice.” Iyadoo tilmaanteedu tahay in cilmiga Ilaahay aanay ku jirin waxa loo yaqaan, itimaal (probabilty). Wuxuu lahaa qaaciidada la aaminsan yahay in cilmiga nukliyeerka laga hindisay, E= mc2. Amaan badan markii ay jariidadu ku xuradhay ilaa labaataneeyo bog oo aan lagu wehelin shakhsiyadaas, ayay soo sawirtay isagoo garaacaya aaladda muyuusikada ee giitaarka, kuna daba qortay in uu fashilmay. Hadaba, barafisoor Samatarna waxaa lay sheegay in uu BBC-da la agtago kamanka, waxaan waydiin lahaa in Axmed arimahaas laysku xidhiidhiyay ka war hayo.

Gebagebaddii Axmed wuxuu dhaliil sanaa, siyaasadda arimaha debedda ee Somaliland, waan ku raacsanaa, wasiirkii horena markii la magacaabay oo aanu kula kulanay hudheelka Maansuur, waxaan la kohday in loo baahan yahay siyaasad arimo debedeed oo hufan, waxaan filayaa in aan hore u mar wayn la sii samayn. Laakiin, tibaaxdaasi waxay muujinaysaa sidii kooxihii Soomaliwayn ee dunidu taageerada la bar-bar taagnayd ay uga sii itaal daraayeen teena.

Bare jaamacadeed; Yuusuf Goodir Maxammed

Comments are closed.