WFP Oo Dekedda Berbera U Isticmaali Doonta Inay Raashin Mucaawino Ah U Mariso Dadka Ay Abaaruhu Ku Habsadeen

0
605

 

dekada

Hargeysa(Geeska)-Hay’adda cuntada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa dekedda Berbera u isticmaali doonta marin cusub oo ay cuntada muhiimka ah u mariso dadka Somaliya ee ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Wakaaladda wararka ee Qaramada Midoobay, ayaa shalay baahisay inay WFP dekedda Berbera ka soo dejin doonto raashin mucaawino ah oo loo dirayo dadka ay abaaraha iyo macaluushu waxyeeleeyeen, waxaana la marin doonaa gudaha dalka Itoobiya oo looga sii talaabin doono koonfurta fog ee dalkaaas Somaliya, waxaana cuntadaas la gayn doonaa magaalada Doolow ee Somaliya oo ku taala xuduudka Somaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa toddobaadkii hore sheegay inay Dekedda Berbera u furantahay  bulshada caalamka ee doonaysa inay mucaawino u mariso dadka faraha badan ee ku tabaalaysan Somaliya.