Ururka Samafalka Kanava Oo U Qaybiyay Raashin Dadka Barakacayaasha Ah Ee Dagan Kaamka Istanbul

0
617

 

Picture1Hargaysa( Geeska )- Ururka Kanava ayaa raashin iyo cuntooyin bisil u qaybiyay dadka barakacayaasha ah ee Kaamka Istanbul  magaalada Hargaysa.

 

Ururkan oo ah mid samafal ayaa u qaybiyay 100 qoy oo dagan kaamka Istanbul raashin isugu jiray Bariis,Daqiiq, Saliid iyo raashin bisil oo loogu talogalay inay ku afuraan dadkan danyarta ah laba maalmood.

Dadka ku jira kaamkan Istanbul ayaa si weny uga mahadceliyay raashinkan bisil iyo raashinka qaydhin ee ay soo gaadhsiisay bisha ramadaan ururka Kanava, waxaanay ka codsadeen inay ku taageeraan baco ay roobka ka galaan iyo waxii kale ee ay halikaraan oo ay aad ugu baahan yahiin.

Gudoomiyaha guud ee ururka Kanava Maxamuud Cabdiraxmaan  Muuse, oo goobtaas raashinka loogu qaybinaayay dadka danyarta ah warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in qaybtan Somaliland ee ururkooda Kanava ay furantahay ku dhawaad labaatan casho, waxaanu daboolka ka qaaday inay Hargaysana ka qayibin doonaan raashin ay ka qaybin jireen koonfurta Somaliya oo ururkoodu uu mudo dheer ka shaqaynaayay. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa maanta halkan raashin loogu qaybinayaa dad danyar ah oo u badan kuwo ka soo qaxay dhanka koonfurta Somaliya iyo dadkale oo u dhashay deegaankan Hargaysa, waxaan illaahay ka baryayaa dadka sadaqadan baxsaday in illaahay ajar ka siiyo.” Isaga oo hadalkiisa siiwata gudoomiyahu waxa uu yidhi “Kanava markii ay halkan timi 15-7-2012 waxay go’aansatay raashinkii ay ka qayibin jirtay gobalada kale inay halkana ka qaybiso, kaamkan waxaan soo booqnay ayaamo kahor waxa ku jiray 1000 qoys, dadku waxay noosheegeen oo aan indhahayaga ku soo aragnay in aany habeenkii meel roobka ka celisa haysan ayna baahan yahiin, qorshahan afurka ah waxaan ugu talo galnay inaan ku afurino boqol qoys, barnaamijkan cuntada bisilna waxa uu soconayaa laba maalmood oo kaliyaata, waxaana ku afuraaya kaamka oo dhan, waxaanan u keenay bariiskii, hilibkii iyo waxii kale ee ay ku darsan lahaayeen oo bisil, waxaanan ka codsanaynaa hay’adaha iyo dadka muslimiinta ah ee halkan joogaba iyo culimada inay dadkan gargaar u fidiyaan maadaama oo illaahay ina waydinaayo.”

Sahra Cabdi oo kamid ahayd dadkii kaamka Istanbul deeqadan raashinka ah lagu gaadhsiiyay ayaa iyduna dhankeeda mahadbalaadhan u celisay ururkan Kanava, waxaany sheegtay inay jiraan baahiyo badan oo dadka kaamkan ay qabaan isla markaasna aanay cidi wax ka qaban, waxaanay ugu baaqday qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adahaba in la’la soo gaadho gargaar aadaminimo.

Ururkan Kanava deeqdan uu gaadhsiiyay kaamka Istanbul ayaa ah afursiin uu ugu talogalay in bisha ramadaan lagu afursiiyo dadka danyarta ah, waxaanu ururkan mudo dheer ahaa mid ka shaqynaayay arimaha samafalka, inkasta oo Hargaysa ay tahay markii ugu horaysay ee uu wax ka qaybiyo