Hargeysa: Magaalo Mobile-du Dadkii Ka Qiimo Bateen: W/Q Ibraahim Qaasim

1
714

qaasimCaasimada Somaliland ee Hageysa oo ah xudunta horumarka magaalooyinka kale ayaa dhawrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku soo badanaayey xaalado amaan daro oo la xidhiidhi ruuxda bini’aadamka.

Xaafad kasta oo magaalada Hargeysa ka mida habeenkii markuu gabalku dhaco waxaad moodaysaa inay nabad tahay, waxase warku joogaa marku waagu baryo ee aad maqasho inantii ama odaygii xaafadan xalay ayaa Mobile lagu dilay oo dhakhtarka ayaa la geeyey.

Awal hore waxaa jiray dad gaara oo la yaqaano loona bixiyey tuugo, kuwaas oo habeenkii dadka ku dhici jiray guryahooda, meheradaha iyo goobaha mashquulka badan, hadase waxaa soo baxay kooxo aan la odhan karin waa tuugo, laakin lagu tilmaami karo mooryaan xaafadeed.

Kooxahaasi haba ku xadaan ama haku baadhaan ee hadii wax lagaa waayo adiga ayaa u malgan, hadii wax lagaa helo inta laga qaato ayaa waliba laguu yeelayaa sumad, taas oo ay astaan uga dhigeen in qofkaas la dhacay, waxaanay kaaga tagayaan nabar kaa muuqda.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa magaalada Hargeysa si xad dhaaf ah ugu soo kordhay in qofka lagu dilo Mobile uu qiimihiisu yahay wax u dhigma boqol doolar ilaa sodon doolar inta u dhaxaysa, taas oo ay ujeedadeedu tahay sidii Mobile-kaas lacag looga heli lahaa, waxase hada soo raacday in marka lagaa qaado lagu odhanaayo qaybta ZAAD-ka gal oo lacagta ku jirta dir, hadii aad diri waydo dil ayaa xiga, in kastoo kolayba aan lagaa tageen hadii ay taadi dhamaatay.

 Tusaalayaal ayeynu soo qaadan doonaa ka markhaati kacaaya dhacdooyinka Mobile-da. Waxaa dhacday in xaafad ka mida xaafadaha magaalada Hargeysa ay koox is uruursatay oo dhalinyaro ahi qof dumara ku dileen Mobile ay sidatay, in kastoo aanay ahayn qofkii koowaad ee dumar ee lagu dilo mobile, hadana waa dhacdadii ugu yaabka badnay ugu naxdinta badnayd, shan iyo labaatan jir ayey ahayd waxay dhaafiyeen nolashii aduunka, reerkoodiina waxay ka dhigeen qoys ku nool murugo iyo nolol war-war badan.

Arday ka tirsan jaamacadaha dalka mid ka mida ayaa habeen sidaas oo kale lagu dilay Mobile uu sitay, inkastoo aanay tiisi dhamaan waxa loola dhaqmay si ka baxsan bini’aadanimada, waxaa tooray si xun loogala eegtay xangulaha, waxaanu hada ku nool yahay nolol uu ilaahay ugu mahad naqaayo, hada ma kaco, mana dareemo xili ay saxaradu dhaaftay.

Kuwaas iyo kuwo kale ayaa ka dhaca magaalada Hargeysa, taasi waxay magar ma doon u tahay in labadii sano ee la soo dhaafay uu amaanka caasimadu faraha ka baxay, waxaana taas loo tirin karaa cid kasta oo shuqul iyo shaqo ku lahayd ilaalinta nabad galayada, haday noqon lahayd ciidanka booliska ee ay ka muuqato habacsanaanta faraha badani iyo garsoorka oo talaabo lagu diirsado ka qaadi waayey dadka had iyo jeer caadaystay inay dadka Mobile-da ku dilaan.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa Somaliland isku badalay xilalka amaanka guud, gaar ahaana wasaarada arrimaha guddaha iyo ciidanka booliska, saddex wasiir iyo saddex taliye boolis, kuwaas  oo kala ahaa Dr.Maxamed Cabdi Gaboose (Arrimaha gudaha) Maxamed Nuur Caraale Duur (Arrimaha Gudaha) iyo wasiirka hada haya Cali Maxamed Warancade, halka booliska ay is badaleen Alle ha naxariistee Maxamed Saqadhi Dubad, Cilmi Kabaal, mar kale Saqadhi, halka uu hada ka joogo sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan. Amaanka xaafaduhu xili uu ka wanaagsanaa intii uu xilka hayey Saqdhi wali may soo marin Hargeysa, wuxuu ahaaa Taliye, Askari, Shicib ka dhex adeega xaafadaha kala duwan ee caasimada.

Wakhtigan hada la joogo waxaa xadhkaha goostay falalka ka dhasha Mobile-da, taasina waxay u baahan tahay in xukumada Somaliland la timaado talaabadii laga qaadi lahaa qofka ama kooxda Aadame uu Alle karaameeyey galaafta ruuxdiisa, hadiis’e la sii eegto qof kasta godkiisa ayey biyuhu ugu soo gali doonaan.

Ubadka is kooxaysta ee had iyo jeer fuliya dhacdooyina caynkaas ah marka la xidho waxay waalidkoodu ku doodaan “wiilkaygu waxba muu gaysan” “aniga kaygu xaafidul quraan ayuu ahaa” “Walaahi aniga Private ayuu ka yimi xiliga la xidhay”. Oo hadaa kuwan la laayey maxay ahaayeen ma shaydaan ayey u shaqaynayeen, ma sharwadayaal ayey ahayeen, ma noocooda oo kale ayey ahaayeen, bal amuurtaas idinku eega, aynu run u wada hadalno intaan nacabkan guryaha inoo joogaa ina dhamayn.

Hada Hargeysi waxay noqotay magaalo ay Mobile-dii dadkii ka qiimo bateen.

Comments are closed.