Hargeysa: Maalinta Dhallinyarada Somaliland Oo Si Weyn Loo Xusay

0
578

Hargeysa (Geeska)-Xuska maalinta dhalinyarada, oo loo asteeyey 20-bishan oo ah maalintii dhagax tuurka ee 1982-kii, oo sannad walba la xuso, isla markaana taas  oo Madaxweynuhu si rasmiya uga dhigay Maalin qaran oo Dhalinyarada u gaar ah ayaa si balaadhan looga xusay dalka Somaliland oo dhan.

Munaasibadii Xuska Dhalinyarada oo ay soo agaasintay Daladda Dhalinyarada ee Sonyo ayaa waxay ka dhacday Guuleed Hotel, ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Cabdi, Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada ee Sonyo, Wasiiro, Xildhibaano, Arday iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isagu munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo daladda Sonyo ee daladda Dhalinyarada Somaliland ee xafladda sida quruxda badan u soo agaasimay, dhammaantiina waxaan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad u soo abaabusheen xafladda, marka labaad maanta waa maalintaas la wada sheegay qiimaheeda, oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka soo saaray inay noqoto maalintii dhalinyarada Somaliland, sababtoo ah maalin walba marka la qiimeeynayo waxa loo sameeya maalin la xuso si la isku xasuusiyo, qiimaha ay maalintaasi leedahay”

Dhana kale wuxuu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inay dhalinyaradu yihiin kuwa wax kasta bedela, waxaanu dhalinyarada u soo jeediyey talooyin iyo inay dadaal sameeyaan, waxaanu Xisbiyada kula taliyey in munaasibadahan oo kale aanay kaga hadal arimaha siyaasada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Cabdi, Wasiiraddii iyo Masuuliyiintii iyana munaasibadaas ka hadlay ayaa ka xog waramay qiimaha ay maalintani leedahay, siday ku timid iyo kaalinta ay Dhalinyaradu dalka kaga jiraan, waxayna dardaran iyo dhiirigelin u soo jeediyeein Dhalinyarada, iyagoo si gaar ahna ugu mahadnaqay daladda Sonyo oo ay sheegeen inay u taagan tahay Horumarka Dhalinyarada Somaliland.

Guddoomiyaha Daladda Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax, ayaa isna dhankiisa waxa uu ka hadlay qiimaha ay Dhalinyaradu leeyihiin iyo qiimaha ay maalintani ugu fadhido, waxaanu xusay in dalad ahaan hadafkoodu yahay horumarka Dhalinyarada Somaliland, waxaanu u mahadnaqay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltec), oo isagu gaadhi ku wareejiyey.

Dhinaca kale goobtii uu dhagax tuurku ka dhacay 1982-kii, ayaa la tagay, iyadoo sidoo kale isla goobtaas laga hadlay, lagana xog waramay qiimaha ay maalintani leedahay, halka sidoo kale Ciidamada Baanbooyadu xuska maalintan kaga qayb qaateen Baanbooyda.