Hargeysa: Kiishka Dhuxusha Ah Oo Maraya $ 10 Doollar Iyo Saamaynta Taban Ee Danyarta: Warbixin

0
564

Hargeysa (Geeska) – Dadka danyarta ah ee ku dhaqan xaafadaha Magaalada Hargeysa, ayaa waxa xaaladoodii nololeed sii cusleeyay korodh saa’id ah oo ku yimid qiimaha dhuxusha oo sanad walba xili roobaadka aad u qaaliyowda.

Qoysaska danyarta  ee Magaalada Hargeysa oo hore xaaladoodu daciif u ahayd isla-markaana ku noolaa xaalad adag oo aan u saamaxayn inay baahiyadooda daboolaan, ayaa haddana xiligan waxa cirka ku tagtay dhuxushii ay ku karsan jireen quutal daruurigooda, waxaana tan iyo bilowgii xili roobaadka kiishka dhuxusha ah laga siiyaa Magaalada Hargeysa lacag dhan 60,000 ama 64000 kun oo shilin, taasi oo u dhiganta $ 10 doolar, qiimahaasi oo ah kii ugu sareeyay ee ay gaadho, ayaa saamayn taban ku yeeshay qoysaska danyarta ah ee Magaalada Hargeysa.

Haddaba Geeska Afrika ayaa u kuur galay sababaha keenay in qiimaha dhuxushu ilaa xadkaa kor u kaco, waxaanuna arintaasi wax ka waydiinay saraakiil ka tirsan Waaxda Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaarada deegaankaasi, waxay tafaasiil ka bixiyeen sababaha keenay sicir bararka dhuxusha, iyagga oo tilmaamay in xili roobaadka wakhtiga lagu jiro ay aad u yaraadaan gaadiidka dhuxusha caasimadda keena oo kuwaasi oo marka caadiga ah ee aan roobabku jirin ay tiradooda ku sheegeen inta u dhaxaysta 10 ilaa 15 gaadhi “Xili roobaadka dhuxushu way yaraataa, waayo jidadka ayaa xidhma, maadaama oo dhulka laga keennaana qarfo yahay, taasaa keenaysa in qiimaheedu kordho” sidaa waxa yidhi Maxamuud Sugule oo ka mid ah hawl-wadeenada Wasaarada deegaanka Somaliland oo arintan aanu wax ka waydiinay, waxaanu intaa ku daray “Markaa gaadiidkii dhuxusha keenayey ayaa yaraada, taasi ayaa keenaysa in baahida dhuxushu badato oo ay qaaliyowdo”

Cabdi Warsame (Cabdi-dheere) iyo Xuseen Cumar Ismaaciil, oo ka mid ah hawl-wadeenada Wasaarada Maaliyada u jooga kastamada isla-markaana qabta cashuuraadka laga qaado gaadiidka dhuxusha caasimada soo galiya, ayaa iyaguna sheegay in halka kiish ee dhuxusha ah lagu cashuuro 2500 shilin, halka gaadhiga weyna laga qaado cashuur dhan 500.000 shilin.