Waxaan Ka Cabanayaa Amni Daro:- Nadra Maxamed Jaamac

0
641

Hargeysa(Geeska)-Nadra Maxamed Jaamac ayaa ka cabatay amni daro ay sheegtay inay baryahan dareemayso, iyada oo amni daradaas ku eedaynaysa inay ka danbayso xukuumada oo hore u xidhay. Waxaanay codsatay in nabadgalyo hesho maadaama oo la soo daayay.

Nadra oo ka hadlaysa waxa ay aragtay waxa ay tidhi “ Meeshii aan  maraba gaadhi qufulan  ayaa I hor imanaaya waana lay joojinayaa qaarna waxa ku jiraba ma arkaayo qaarna waa laygala hadlayaa, farriimo iyo telefoono ay iiso direena waa ay jiraan oo ay leeyahiin xagaad galaysaa waanu ku dilaynaa. Waxaanan filayaa in qolyihii I xidhay uun ay yahiin. Dadkuna waa ay is laayaan waanay heshiiyaan ee inay waxani sii socdaan may ahayn. Waxaan codsanayaa in aan nabadgalyo helo oo aan xoriyad magaalada ku maro sidii markii horeba lay soo daayay.”