Hargeysa: Jaamacadda Abaarso Tech Oo Buugaag Saynis ah Ku Soo Bandhigay Carwada Buugaagta

0
689

Picture1Hargeysa(Geeska)-Jaamacadda Abaarso Tech University oo ka mid ah jaamacaddaha magaaladda Hargeisa ayaa Salaasdii buug cusub ku soo bandhigtay Bandhigga Buuggaagta Caalamiga ah ee Hargeisa. Buuggan oo ah mid taxanayaal Buugaag saynis ah oo ka warramaya HIV/AIDS-ka, waxaana halkaasi  sharaaxaad kaga bixiyy Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech oo ah qoraha Buuggan Dr. Axmed Xuseen Ciise waxa uu yidhi “buugan oo hawl iyo wakhti faro badani naga galeen waxaanu ugu tall-galanay guud ahaanba Bulshada ku hadasha af-ka Somaliga gaar ahaan ardayda Jaamacadaha, waliba buugani waxa uu ku qoran yahay af-keena hooyo oo tarjumaad cidna ugama baahna, Macluumaad faro badan oo ku saabsan Sayniska waliba buugaag faro badan oo taxaneyaal ah kan maantuna uu yahay kii koowaad, dhowaana aanu soo saari saddex buug oo ku xidhiidhsan kan maanta”

 

 Dr. Axmed waxa intaas ku daray inay buugaagtani yihiin kuwo taxane ah oo loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan ardayda Jaamacaddaha. Isagoo tilmaamay inay yihiin kuwo baahi weyn loo qabo. Buugaagtan oo tirsigooda koowaad uu yahay mid ciwaankiisu yahay, “Fayraska HIV: Qaab-dhismeedkiisa,Difaaca Jidhka, waxyeeladiisa, daaweyntiisa.” Kaas oo mug leh u axadhaya cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS. Waxa sidoo kale uu warramay Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech in loo baahan yahay in awoodda la saaro horumarinta afka ee dhinaca Sayniska si bulshaddu u horumarto looguna jaan-qaado, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi, “

 Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech, waxaa intaas raaciyey inay jaamacadoodu gaar ahaan kuliyadda Biomedical Sciences (Baayo-midhikaal saynis) ay macalimiintoodu wadani iyo ajaanibiba ay intii karaankooda ka qayb-qaadan doonaan kobcinta sayniska iyo tiknoolajiyadda dalka. Waxaanu tibaaxay inay erayo badan oo Saynis ah ay ku guulaysteen inay afka hooyo u baddalaan halka ay wax badani hadhsan yihiin oo u baahan in loo helo turjumaad.

 Bandhigga buuggan ooay  ka soo qayb-galeen dadweyne aad u tiro badan ayaa ugu danbayntii halkaasi lagu weydiiyey qoraaga su’aalo la xidhiidha buugga oo jawaabo ka bixiyey. Waxaanu sheegay in erayo badan oo Saynis ah ay baddaleeen kula dardaarmay da’yarta dalku inay u darbanaadaan tacliinta iyo kor-uqaadida aqoontooda.