Raysalwasaare Meles Zenawi Oo Caddeeyay Inay Dawladiisu Somaliland Si Toosa Ugala Shaqayn Doonto Sugida Nabadgelyada Iyo Amaanka Xuduudka

0
583

 

Addis Ababa (Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay la kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, waxaanu kulankaasi ka dhacay xafiiska Raysalwasaaraha.

Madaxweyne Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyay magaalada Addis Ababa ku sugnaa, ayaa waxay Meles Zenawi ka wada hadleen arrimaha khuseeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya. “Raysalwasaare Meles Zenawi iyo Madaxweyne Siilaanyo waxay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen nabadgelyada, ammaanka, xidhiidhka labada dal iyo arrimo gobolka khuseeya.” Sidaas waxa lagu yidhi warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya soo saartay oo xalay lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Itoobiya, waxaanu intaas ku daray, “Labada hoggaamiye waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii wada jir looga shaqayn lahaa ka hortagga budhcad badeeda ku teedsan badda Hindiya.”

Madaxweyne Siilaanyo oo kulankaas ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu xabsiyada dhigay daraansiin looga shakiyay argagixiso iyo budhcad badeed, kuwaas oo ay baadhisi ku socoto, laakiin Madaxweynuhu ma bixin faahfaahin la xidhiidha in dadkan la qabtay ee uu sheegay ay yihiin kuwii hore xabsiyada ugu jiray iyo inay yihiin kooxo cusub. “Labada wadan waxay ka shaqaynayaan inay sii xoojiyaan xidhiidhka oo ah mid wanaagsan.” Ayuu yidhi Madaxweyne siilaanyo.

Raysalwasaare Meles Zenawi, ayaa isna dhinaciisa Somaliland ku bogaadiyay sida ay uga go’antahay la dagaalanka budhcad badeeda. “Itoobiya waxa ka go’an inay Somaliland kala shaqayso sugidda nabadgelyada iyo ammaanka xuduudaha.” Ayuu yidhi Raysalwasaare Meles Zenawi, sida ay baahisay wakaaladda wararka Itoobiya.