Hargeysa(Geeska)-Hooyo Khadra Axmed Diiriye ayay ciidamada Boolisku shalay soo qabteen ka dib markii la sheegay inay laba maalmood sidatay ilmaheeda oo mayd ah. Hooyadan ayaa ah gabadh dhallinyaro ah.
Hooyo Khadra oo dhawaan ku umushay cisbitaalka Hargeysa, ayaa ilmaheedan maydka ah sidatay laba maalmood ka dib markii sida la sheegay ay weyday cid la aasta. Ilmaha ayaa dhashay isagoo mayd ah, waxaana sida la sheegay ay shaqaalaha cisbitaalku hooyo Khadra weydiiyeen inay keento ciddii ilmaha la aasi lahayd, markii ay weyday aabihii ilmaha dhalay oo kilika shannaad ee Itoobiya degena, waxa ay go’aansatay inay iska sidato. Dadweyne ka shakiyay ayaa ciidamada Booliska ku wargeliyay haweenaydan ka dib markii ay ka shakiyeen inay ilmaheedan dishay. Laakiin markii cisbitaalka la geeyay waxa la xaqiijiyay inay haweenaydan oo ka timid kililka shannaad ee Somalida Itoobiya aanu aabaha ilmahan dhalay Hargeysa joogin, sidaas darteedna ay iska sidatay isagoo mayd ah laba maalmood, markii ay weyday cid la aasta.
Agaasimaha guud ee cisbitaalka Hargeysa Faadumo Cabdi Kaahin, oo saxaafadda u warantay ayaa tidhi “Gabadhbaa umushay, dhakhtarkay ku umashay ilmo mayd ah , may dilin wax kalena umay gaysan , su’aalbaa la waydiiyey qofkii aasi lahaa oo ah ninkii ku qabay keen.” Waxay intaas raacisay “Gabadhu waxa ka timid gobolada fogfog ninkii qabayna way keeni kari wayday ilaa doraadna way siday haddii ay doonayso inay tuurto way tuuri lahayd may tuurin oo waa ilmaheedii oo cid la aasta ayay wayday waa taa sidata.”
Agaasimaha cisbitaalku waxay sheegtay inay dawladda Hoose ee Hargeysa aasi doonto ilmahan.