Hargeysa: Hooyo Gubtay Nafteeda Iyo Laba Carruura Oo Ay Dhashay

22
633

Hargeysa (Geeska) – Hooyo ka mid ah qoysaska degan Magaaladda Hargeysa ayaa habeen saqdii dhexe guriga ay degan tahay ku dhex gubtay laba hablood oo la sheegay da’doodu kala ahayd afar iyo laba sano jir, sidoo kalena dabkaasi oo ay is-qabadsiisay ayaa waxa uu lafteeda soo gaadhsiiyay dhaawac halis ah oo loo dhigay cisbitaalka.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay hooyadani u gubtay carruurteeda iyo nafteedaba, hase yeeshee sida la sheegay waxay labadaba ku rushaysay Batrool ka dibna waxay qabadsiisay dab, halkaas oo ay ku saqiireen.

falkan oo noqonaya kii ugu xumaa ee ka dhaca dalka ee ay hooyo ku gubto Carruurteeda oo nool ayaa dadweynaha reer Hargeysa ku tilmaameem mid laga murugoodo.

Haweenayda labadeeda carruur ah gubtay oo aan la ogeyn inay fayoobayd, ayaan ilaa hadda la garanayn sababta keentay inay carruurteeda u gubto, kuwaasi oo wixii dabka ka soo hadhay shalayy lagu aasay Magaalada Hargeysa.

Geeridan naxdinta ah ayaa habeen hore goor ku dhaw waaberigii ka dhacday xaafadda Jigjiga yar ee Magaaladda Hargeysa.

Falkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Somaliland ka dhaca inta la xasuusto, waana dhacdo naxdin badan oo laga murugoodo.

 

Comments are closed.