Cabdilaahi-John Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Iyo Shirweynaha KULMIYE

14
664

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha warbaahinta qaarada Yurub ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdilaahi Cali Xasan (John), ayaa ka hadlay sida uu u arko xaalada dalka toban sano kadib markii uu dalka ka tagay, waxaanu dhalinyarada Somaliland ku dhiiri galiyay inay fadhiga ka kacaan oo ay isku soo taagaan doorashooyinka soo socda si ay dalka u hoggaamiyaan wakhtigooda.

Waxa uu xoghayahu ka hadlay doorashooyinkii dalka ku qabsoomay,hoggaaminta xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo arimo kale. Waxaanu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu u dhacay sidan.

Wakhti badan ayaad dalka ka maqnayd,ugu horayn noogu bilaw xaalada dalka, adigoo isbarbar dhig ku samaynaaya wakhtigii hore iyo imika?

Dalka waxaan ka tagay inkastoo aan dhawr jeer soo laabtay sanadii 2002-dii, wakhtigaas oo uu dalka hogaaminayay madaxweynihii  hore Daahir Rayaale Kaahin, xaqiiqdiina wakhtigaas nolashu waxay ahayd mid kooban,markaynu eegno dhinacyada waxbarashada,dhaqaalaha iyo arimaha bulshaduba mid iska xadidan ayay ahayd wakhtigaas. Laakiin wakhtigan ay dalka hogaamiso xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxyaabaha badan ee aan arkay waxa ka mid ah in dalku dhismay,dhaqaale ahaana dalku koray,waxaana wax laga qabtay muuqaalka guud ee xarumaha dawladda iyo wadooyinkii,waxa aad arkaysaa oo muuqata in dadku ay wax qabsanayaan, in waxbarashada,caafimaadka iyo nabadgalayda intuba ay marayaan meel ka roon meeshii 2002 ama markii xukuumaddani ay dalka qabsatay 2010-kii, dabcan dawladnimadu waa dadweynaha  waayo iyaga ayaa dawlada sameeya, markaas dawladuna wax badan ayay qabatay dalkuna in badan ayuu dhismay,waxaana inaga muuqda horumar balaadhan oo aynu kula tartami karno dadyawga dunida ee aanu ka nimid, markaad waliba si gaara u sii eegto kaabayaasha dhaqaalaha iyo nidaamka dawladnimo, taas oo loo baahan yahay in la sii xoojo dadkuna ay ilaashadaan.

Socdaalkaagan hadda ma waxaad kaga soo qaybgalaysay shirweynaha xisbigiina KULMIYE mise hawlo kale ayaad u socotay?

Wakhtigan socodka aan ku imi dalkeena hooyo dhawr arimood ayuu isku dul saarnaa, dabcan ugu horaynta inaan ka qaybgalo shirweynaha xisbiga, isla markaasna inaan ka qaybqaato waxii gufayn ah ee mansabyada dalka, waxii qabyo tir ah iyo in si wanaagsan looga midho dhaliyo hadafyadii xisbiga maadaama oo aan ahay xubnahii aas’aasayaasha xisbiga, ee xisbi yahanada KULMIYE ahaa,waanay jiraan qorshayaal kale oo sida waxii muwaadinku uu ku soo kordhin karaayo xukuumaddiisa oo xaga dhisitaanka,ilaalinta iyo talo bixinta ahba.

Loolanada ka jira xisbiga KULMIYE mudooyinkii danbe way xoogaysteen, kolna way yara damayaan siday kuula muuqdaan adiga?

Anigu waxaan aan ka mid ahay xisbiyahanada KULMIYE, guushu waa mid aabayaal badan waxa jira dad xisbiga ku soo biiray iyo dad badan oo kale oo lagu soo guray iyo kuwo ragii hore ee xisbiga kamid ah,waxay idhahaygu ku dhacayaan in xisbigii loolan ka dhex jiro,inkastoo loolankaas meel lagu tiiriyay, laakiin hadana wali waxa jira wax kala jiidasho badan oo xisbiga ka dhex socota,Maroodiyayn ayaa jirta taas oo xisbiga ku keeni karta qarax siyaasi ah hadaan sida ugu haboon loo maarayn, iyada oo arimaha dhinacyo badan laga eegayo, lana siinayo mudnaanta koowaad dadkii xisbiyahanada ahaa oo aanay dhicin in dad kale dibada lagaga soo guro oo keeni karta qarax siyaasi ah oo xisbigu uu ku burburo ama liciifisa oo meesha ka saarta hadafkii uu lahaa. Waana waajib saaran umadda in la ilaaliyo xisbiga KULMIYE oo ah mid qaranku leeyahay, waxaana muhiim ah inaan albaabka laga soo xidhan dadkii naftooda u huray xisbiga ee xisbiyahanada ahaa oo aan la dayacin oo aanay cidla ku dhicin.

Ugu danbtii siday kuula muuqdaan doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka ka qabsoomay iyo sida ay u hawlgaleen xildhibaanadii dawladaha hoose ee la soo doortay?

Goleyaasha deegaanka waxa ku tartamay dad aad iyo aad u qiimo badan, dad ayaa maalkoodii iyo muruqoodiiba galiyay sidii ay wadankooda ugu soo bixi lahaayeen, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu wakhtigan jaanis u siiyay dhalinayradu inay ka mid noqoto xildhinaada,inay noqdaan Maayaro iyo waliba agaasimayaal ka tirsan xukuumaddiisaba, doorashadaasuna waxay u dhacay si wanaagsan inkasta oo qaladaadku ay iska jiraan meel kastaba, haddan maanta dawladii hoose si fiican ayay inoogu shaqaynayaan oo waxa la filayaa in ay arintaasi horumar balaadhan ay inoo keento, waxaanan ku dhiiri galinayaa dhalinyarada reer Somaliland inay qaataan  wakhtigooda, waana la gaadhay wakhtigii ay dalka hoggaamin lahaayeen, waana inay dhalinayradu u istaagaan doorashada soo socota ee baarlamaanka sidii ay ugu soo ixi lahaayeen.

 

Comments are closed.