Hargeysa: Guddiga Qaban Qaabada Shirka Sacad Muuse Oo Lagu Dhawaaqay

0
662

Hargeysa(Geeska)-Salaadiinta Beesha Sacad Muuse iyo Guddida xalinta khilaafaadka beesha ayaa Shir balaadhan oo ay shalay ku qabteen Huteelka Maan-soor kaga dhawaaqay Gudida qaban qaabada Shirka Sacad Muuse oo dhan 39 xubnood, kuwaasoo laga soo xulay Tusmooyinka beesha Sacad Muuse.

Kulankan lagaga dhawaaqay guddida qaban qaabada Sacad Muuse waxa laga soo jeediyay qudbado hogo tusaalayn ah oo guddida lagu farayo in ay sida ugu haboon uga soo baxaan qaban qaabada shirka Beesha Sacad Muuse, isla markaana waxa ay fareen dhamaan beel weynta Sacad Muuse Gudo iyo Dibedba iyagoo ka dalbaday in Guddidaas lala shaqeeyaan.

Odayaasha, Salaadiinta, Culimada iyo Aqoonyahankii madasha ka hadlay oo kala ahaa gudoomiyaha Guudida Turxaan saarka Beesha Xildhibaan Muxumed Axmed, Xildhibaan Sheekh Khaliif, Cumar Boobe Xandulle, Xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Mawliid Cali Sabaysa, Suldaan Xuseen Ismaaciil waxay ku dhawaaqeen guddida hoos ku qoran oo ay u aqoonsadeen guddida kali ah ee qaban qaabada shirka oo oo ay ka mid ahaayeen

Sheikh C/qaadir X Jaamac

Abiib Sheekh Cumar

Abshir Axmed Xasan

Dr: Axmed Cabdi Xuseen

Axmed Caduur C/laahi

Axmed Cilmi Samatar

C/raxmaan Abiib C/laahi

Axmed Ismaaciil Cismaan

Axmed Ibraahim Suldaan

Axmed Ismaaciil Saban

C/laahi Cabdi Muuse

Deeq Axmed Cumar

Maxamed Cilmi Xasan

Mire Sheekh Yoonis Axmed

Cali Meygaag Cilmi

Cumar Aw Jaamac Adhi-badane

Cumar Yuusuf Siciid

Dhamaan masuuliyiinta Beesha Sacad Muuse ee ka hadashay kulanka manta lagaga dhawaaqay waxa ay guddida qaban qaabada ka dalbadaeen mudada ay haystaan in ay soo diyaariyaan dhamaan shuruucda iyo Ajandayaasha shirka lagu hagi doono, oo ay ugu horeeyaan ururinta dhaqaalaha shirka lagu qaban doono.

Sidoo kale waxa laga sugayaa isku dubaridka dhamaan Agabka shirka lagu qaban doono oo dhan haddii ay tahay shaqaalaha Shirka, Sugida Amaanka, cayimida wakhtiga shirku socon doono, hogaanka shirka.