Caaqil Ka Digay Qabyaalad Ku soo Korodhay Burco

0
590

Burco(Geeska)-Chief Caaqil Axmed Maxamed Daahir oo ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka Togdheer, ayaa ka digay qabyaalad uu sheegay in gobalka Togdheer ay ka soo if baxday,isla markaasna dhalinyaradii ay aad u kala qaybisay goob kasta oo ay isugu yimaadaan.

Waxaanu ugu baaqay odayaasha,culimada,xukuumada iyo cid kasta oo ay masuuliyadi saarantahay In dagaal la’la galo qabyaalada si jiritaanka dalka iyo dhaqanka dhalinyarada loo badbaadiyo. Waxaana war-saxaafadeed uu arintaas Chiefku kaga hadlaayay uu ku yidhi  “Waxaa La wada ogsoonyahay oo bulshaweynta Togdheer-na ay qiraysaa in beryahan danbe ay soo noolaatay isla markaana ay soo xoogaysatay nidaamka qabyaalda oo si fool xun ugu dhex faaftay da’yartii iyo dhalinyardii reer Burco waxaana muuqata in qabyaaladu gaadhay heer aanay gaadhiin 1993 oo ahaa sanad ay ku suntanayd qabyaaladu waxaana laga dheehan karaa saamaynta qabyaaladu ku yeelatay bulshada bahdii waxbarashada ee Dugsiyada iyo ciyaartoygii gobolka taasi oo muujinaysana inaanay jirinba meel fayoobi.Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa dhamaan waxgaradka,aqoonyahanka,culimada,madax dhaqameedka iyo cid kasta oo ka damqanaysa foolxumada qabyaalada inay fadhiga ka kacaan  oo la dagaalamaan qabyaalada ka soo if baxday magaalada Burco si looga badbaadiyo da’ayarta soo koraysa  khatarta iyo halista ku lamaan qabyaalada.

Waxaanan xukuumada talada haysa si gaara u baaqayaa inay ka hawlkgasho sidii loo cidhib tiri lahaa qabyaalada waxaanan kula talinayaa ,inay la timaado barnaamijyo macquul ah oo dadka u cuntama isla markaana lagula dagaalamayo qabyaalada.waxaana haboon in xukuumadu dareensanaato inay masuul ka tahay dhamaan shacabka islamarkaana  aqoonsato  inay qabyaaladu ka mid tahay cudurada faafa ee dilaaga ah loona baahanyahay in laga talaalo da’yarta soo koraysa lagana daweeyo dadka waaweyn.waana inay xukuumadu fiiro gaara u lahaato wax kasta oo abuuri kara dareen qabyaaladeed kana shaqayso isu soo dhawaynta bulshada walaalaha ah.”