Hargeysa: Dhallinyaro Ka Mudaharaaday Wiil Ay Boolisku Toogteen

0
911

655Hargeysa(Geeska)-Shalay Galinkii hore  waxaa Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa ka dhaccay Mudaharaad iyo  Isku soo bax ay dhigayeen Dhalinyaro ka cadhaysan Wiil dhalinyaro ah oo Degmadaasi habeen hore ku dhintay  Rasaas Boolisku furay.

Mudaharaadkaas oo socday muddo kooban waxaa markii dambe kala dareeriyay Booliska, iyagoo furay jidad ay dhallinyaradu xidhay.

Mudaharaadkan ayaa sababta ay dhalinyaradani u dhigaysay ahayd Wiil dhalinyaro oo habeen  hore Geeriyooday kadib markii Ciidanka Booliska iyo Dhalinyaro iska hor imaad ku dhex maray Garoonka Kubadda Cagta ee Iskuulka Maxamuud Axmed Cali ee Hargeysa.Wiilkan geeriyooday ayaa magaciisa la odhan jiray, Maxamed Cali Ismaaciil da’diisana lagu sheegay 18 jir. Toogashada Booliska ayaa dhacday kaddib markii Ciidanku isku dayeen inay qabtaan dhallinyarada oo kubad ciyaaraysay.