Midowga Afrika Oo Hoggaaminta Ururka U Dooratay Robert Mugabe Oo 90 Jir Ah

0
841

mjHargeysa (Geeska)-Madaxweynaha ugu da’da weyn madaxda qaaradda Africa Robert Mogabi oo ah 90 jir muddo dheer hogaaminayay wadanka Zimbabwe ayaa loo doortay gudoomiyaha midawga Africa 12- bilood ee sanakan 2015, waxaanu xilka uu kala wareegay Mohamed Ould Abdel Aziz Madawaynaha dalka Muritania oo jagadaasi hayay sanadkii 2014 ee lasoo dhaafay.

Mogabi oo ka hadlaya dareenkiisa ayaa yidhi  “Waan ku faraxsanahay haddii aad ii doorateen hogaankiina si khushuuc leh ayaan u aqbalayaa go’aan wadareedkiina”.

Robert Mogabi waxa uu noqonayaa hogaamiyihii 13-Aad ee qabta jagada gudoomiyaha guud ee midawga Africa oo ay si wareegto ah ugu tartamaan hogaamiyeyaasha shanta gobol ee bariga, galbeedka, waqooyiga, koonfurta iyo badhtamaha qaaradda Afrika .

Ururku waxaa kale oo uu leeyahay Gudoomiyaha gudiga Midawga Africa oo shantii sanaba mar la doorto waxaana haatan xilkaasi haysa Nkosazana Dlamini-Zuma oo kasoo jeeda dalka koonfur Africa.

Robert Mogaabi waa hogaamiyaha ugu mudada dheer xukunka ee guud ahaan qaaradda Africa waxaa dalkiis hogaaminayay tan iyo markii xoriyada uu qaatay sanadkii 1980-kii waxaa lagu dhaliilaa inuu siyaasad kali talis ah ku maamulo dalkaasi, waxaana saaran xanibaad safarka ah oo ay kusoo rogeen midawga Yurub iyo Maraykanka oo dalalkooda ka mamnuucay inuu yimaado taasi oo caqabad ku noqon karta xilkiisa cusub waxaana xilka uu hayn doonaa ilaa bisha January ee soo socota.

Shirka madaxeedka hogaamiyeyaasha africa ayaa wali ka socda magaalada Addis Abeba waxaana diiradda lagu saarayaa Amniga Qaaradda waxaa si gaar ah isha loogu hayaa ururka Boko Xaaraam ee dalka Nigeria.