Hargeysa: Dadka Safarka Ah Oo Afur Loogu Diyaariyay Kantarolada Ee Bariga Iyo Galbedka

0
806

 

bilaashHargaysa(Geeska) Ganacsato iyo dad mutadawaciin ah oo reer Somaliland  ayaa magaalda Hargaysa ka hirgaliyay afur loogu talo galay dadka socotada ah ee magaalda Hargeysa soo galaya iyo kuwa ka sii baxaya, afurkaas ayaa ah mid lagu diyaarinayo bisha Ramadaan nawaaxiga kaantaroolada bariga iyo galbeedka ee laga soo galo magaalda Hargaysa.

Rashiid Sulub Caalin ah Maamulaha Kaaba oo kamida Hay’ada Doses Of  Hope isl markaasna isagu lahaa fikrada afurkan loo diyaarinayo dadka socatada ah ayaan warbixin naga siiyay afurkan dadka loogu talo galay iyo waxyabaha laga damcsan yahay in laga gaadho. Sidoo kalena waxa uu masuulkan ugu baaqay inay u furan tahay cidii ka soo qayb qaadanaysa  tabarucaadkan dadka socotadaa lagu afurinayo.

Ugu horayn Rashiid Sulub Caalin isaga oo ka waramaaya hawlaha samafalka iyo intii uu ku soo dhex jiray waxa uu yidhi “Waxan ahay muwaadin Somaliland ah oo had iyo guur ka shaqeeya hawlaha samafalka ee dadban ee dadku ka moogan yihiin, hawlahaasna in badan ayaan ka soo shaqaynayay, runtiina naftayda ayaa iska jecel illaahay ugu dhawaansho awgeed in aan dadka tabaalaysan iyo kuwa dhiban intii aan tari karo aan taro, hawshaas  imika waxa aan soo waday in kudhaw 15 sandood, ujeedooyinka aan ka leeyahayna waxa weeye inay dadka danbe ay igaga daydaan oo had iyo jeer hadaan Somali nahay  meel uun baan wajiga wada saarnaa meelo badan oo daahson ayaa loo baahn yahay in wax laga qabto.” Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Rashiid Caalin “Meelaha aan ka shaqeeyo waxa kamida aniga oo aan sharaf iyo magac midna ka doonayn jeelka Hargaysa oo aan mudo 12 sano ah ka shaqaynaayay, waxaana kamida shaqooyinkaa in aan  cayayaanka ka buufiyo si dadku uga raystaan dhibtooda, dadka looma ooyaanka ah ee jeelka ku jira ayaan wax gaadhsiiya iyo sidoo kale wacyigalin dhanka diinta ah ayaan ka qayb qaataa oo canjalado iyo waxyaabo kale ayaan gaadhsiiyaa, waxa kaloo jira bil matalnba meel  hadha oo ay istaagaan dadka maxaabiista wax u keenaya ee qarabadooda ah oo runtii dhibanaa ayaan dhisay, cisbitaalka TB ayaan ka shaqeeyaa iyo dadka HIV-ga qaba oo inta badan aan ka taagero dhanka wax barashada iyo wacyi galinta waxana inta abdan la yidhaahdaa cuduradaas waxa keensada aqoon darida, dhirta la hadhsado oo kale iyagna waan bixiyaa si aan wax uga taro dhibaatada dhirtan uun la gubaayo, reer galbeedka ayaa yidhaahda (boqolkiiba toban oo wax ahi waxa ay dhaantaa boqolkiiba boqol oo aan waxba ahayn)”

Sidoo kale isaga oo ka waramaya afurkan lagu afurinaayo dadka socotada ah waxa uu yidhi “Wax yaabahaas wax dadban ayaa tusaale uga soo qaatay tan aan maanta u jeedaana waxa weeyaan afurkan, markaa dadka magaalda ka baxsan ee saxafrka ku jira afurkooda tusaale ahaan ninka Addis ababa kayimid, ka Burco kayimid ama Ceerigaabo kayimd in ugu yaraan bal dadkaas la afursiiyo. Markaa waxaan samaynaa afurkii, oo waliba afrurka inta lagu tuuro kama tagayno ee waxa kaloo aanu u dhignaa Cawdii,Dacaskii,Sijaayadii,Waysadii iyo Cadaygii markaasu fadhiisanaya qofkii socotada ahaa, runtiina ajar doon ayaa laga yahay, kow qof safraaya ayaad caawisay, talbaad qof sooman ayaad afurisay, ta sedexaadna in layga bartaabaan doonayaa. Hadaba  hawsha sidaasa ayaan bilawnay meel fiicana waa ay noomaraysaa, inay dadkuna na la ogaadhaan ayaa fiican, labada istabood ee magaalda lagaga baxo meel inyar ka shishaysa ayaan dhignaa, waxa aanu ugu talo galnay inaanu maalintii 100 qof aanu afurino, maalmahii hore way nagu adkaatay oo dadkeenu umay baran baabuur la joojiyo oo afur lasiiyo xuf bay nagu dhaafi jireen, markaa boodhadh ayaan dhiganay fariimana telefonadaan ugu dirnay, meel fiican ayay noo maraysaa hawl aan isleeyay wanaag ayay soo kordhinaysaa oo gobalada kalena way ku dayan karaan weeyaan, illaahayna waa loogu dhawaanayaa. Hawshaa waxa ka qayb qaatay dad iska xilsaaray waxkamida Daldhis Trainin.Co,Liibaan and Iiman,Mubaarig Phermacay,National Fual Station,Daarasalaam Center,Cali Nabad Diid,Shirkada Telesom oo iyaduna kaga qayb qaadatay fariimahii dadka lagaadhsiinayay iyo aniguna runtii waxaan la imid fikirka hantina waan kaga qayb qaatay, baabuur ayaan u kiraynay ilaa todoba qof ayaa ka shaqeeya shanta iyo badhkaba waa diyaar afurkaas”

Ugu dabayntii masuulkan waxa uu ka hadlay dhibaatoyinka ilaa hada ka hor yimid, waxaanu u soo jeediyay bulshada Somaliland cidii danaynaysa inay ka qayb qaadato afurkaas inay u furantahay. Waxaanu yidhi “Dhibaatooyinka naga hor yimid waxa kamida dadkii aanu ugu talo galnay markii fariintii Telesom dadka wada gaadhay ayay intii ka tiro bateen, waxan rajaynaynaa in aan sodankaa cisho ee ramadaan aanu wadno dadkii safarka ahaana halkaas ayay isugu imanayaan, qofkii wanaag doonayaana maadama oo 100-kii qof ay dul saar ku soo noqdeen 200-qof oo kale qofkii ka soo qayb qaadan karayaana dee waa uu ka soo qayb qaadanayaa. Wax darajo iyo magacana kama doonayno cid aan illaahay ahayn markaa sidaas weeye arinku”

Waxa uu maamulaha Kaaba Rashiid Caalin uu soo jeediyay in cidii doonaysa inay ka qayb qaadato afurkaas ay ku soo hagaajin karto Zaad Namber:-4404206