Havoyoco Oo Qabatay Dood Ku Saabsan Sida Shaqo Loogu Abuuri Karo Dhallinyarada

0
557

Picture2Hargeysa (Geeska) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb-galay dood hay’adda Waddaniga ah ee HAVOYOCO xalay ku qabatay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Doodan oo ku saabsanayn sidii dhalinyarada shaqooyin loogu abuuri lahaa isla-markaana la isugu xidhi lahaa ganacsatada, qurba-joogta, hay’addaha dawladda iyo ururrada bulshada rayidka ah, si la iskaga kaashado shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland, ayaa waxa kale oo ka qayb-galay Wasiirrada Wasaaraddaha dhalinyarada Cali Siciid Raygal, Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiir ku xigeenno iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay  musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen.

Agaasimaha fulinta ee hay’adda HAVOYOCO Ismaaciil Maxamed Axmed, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada doodan, waxaanu yidhi “Doodani waxay ku saabsan tahay sidii la isugu xidhi lahaa ganacsatada, qurba-joogta iyo hay’adaha dawladda iyo ururrada bulshada, sidii talo iskaga waydiin lahaa in dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa”

Agaasime Ismaaciil, waxa kale oo uu sheegay “Ma odhanayno xal baynu u wada helaynaa waxaynu doonaynaa, laakiin waxay qayb ka noqonaysaa dedaalada loogu jiro sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa”ayuu yidhi.

Doodan oo ay maalgalisay hay’adda OXFORM oo gacan ka helaysa EC, ayaa waxa kale oo ka hadlay Wasiirka shaqada iyo shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad), waxaanu ka hadlay qorshayaasha xukuumadda ee arimaha shaqo abuurka dhalinyarada iyo joojinta tahriibka, waxaanu yidhi “Dawladdu inay aad u danaynayso (in la joojiyo Tahriibka) bishii June ee sanadkan waxa la Magacaabay guddi wasiirro ah oo aan annigu guddoomiye u ahay, markaad eegto wasiirrada culus ee ay guddida ah inay danaynayso labada qodob ee ah shaqo abuuris iyo side Tahriibka loo xaliyaa ama looga hortagi karaa, arimahaasina waa arimo u baahan cilmi baadhis iyo daraasad, waana arin u baahan inaad baadho meesha ay ka timid tahriibku”

Doodan oo ay sidoo kale hadalo ka soo jeediyeen Wasiirrada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo arimaha dibada, ayaa isaguna waxa weedho talo iyo tusaale ah ka yidhi musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, waxaanu tilmaamay in shaqo abuur la’aanta dalka ka jirta ay qayb ka tahay sharcigii maalgashiga oo aanay Somaliland lahayn isla-markaana muddo isaga oo qabyo ah hor yaala golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu ku taliyey in si dhakhso loo dhaqan galiyo xeerka maalgashiga dibada “Baarlamaanka ayaa loo baahan inuu maanta doorkiisa ka ciyaaro sidii dalka shaqo abuur looga samayn lahaa, xeerkii maalgalintu weli waa inaga qabyo oo baarlamaanka ayuu yaalaa, dadka dibaduna waxay ku odhanayaan xeerkiina Maalgalinta ayaanu doonaynaa inaanu eegno, markaa haddii xeerkii maalgalintu qabyo yahay sidee shaqo abuur loo samaynayaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Mararka qaarkoodna waxaad moodaa n inagii aynu isku joogsanayno”

Doodan oo ay ka qayb-galeen dhalinyaro aad u badan, masuuliyiin iyo aqoonyahano dooda ka qayb-qaatay ayaa waxa gabogabadii hadal ka soo jeediyey Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxaanu hay’adda HAVOYOCO ku amaanay doorka ay dalka ugu jirto “Waan ku faraxsanahay in doodan ay HAVOYOCO soo qabanqaabiso, HAVOYOCO waxay ka mid tahay ururrada inta Somaliland jirtay najaxay ee halkii loo baahnaa gaadhay, hawshan ay soo abaabushayna aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa” ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, waxaanu intaa ku daray oo uu ugu hambalyeeyay HAVOYOCO oo 21 sano jirtay.